Xog Culus:-Guddida Subeer Awal Ee Ololaha KULMIYE Oo Canaan Dhegaha Ku Jaray Muuse Biixi Iyo Weeraro Siyaasadeed Oo Uu Kaga Aargudanayo Cirro Uu Qaaday Muuse

Xog Culus:-Guddida Subeer Awal Ee Ololaha KULMIYE Oo Canaan Dhegaha Ku Jaray Muuse Biixi Iyo Weeraro Siyaasadeed Oo Uu Kaga Aargudanayo Cirro Uu Qaaday Muuse

 

Hargeysa (SLL) :-Warar iyo xogo xaqiiqda ku qotamo oo laga helay ilo wareed-yo kala kala gedisan, ayaa sheegaya in kullan ballaadhan oo todobaadkii ina dhaafay ka dhacay aqalka Musharax KULIMIYE ay fooda isku dareen Musharax Muuse Biixi iyo guddida Beesha Subeer Awal ee kaanbaynka KULMIYE, kaasi oo saacado badan qaatey, isla markaana ay labada dhinac isku weydaarsadeen haddalo kulul oo canaan ah.

Xogaha laga helayo kullankaasi ayaa intaasi  ku daray in ay guddidu  halkaasi  uga soo jeediyeen Musharax Muuse Biixi  haddalo kulul oo canaan iyo gubaabo iskugu jira , iyagoo ku canaantay Musharax Muuse sida uu hanan karri waayey siyaasiyiintii miisaanka lehaa ee ku biiray WADDANI iyo kuwa kale ee hadda ku sii jihaysan WADDANI, waxaanay u sheegeen in madama siyaasiyiintii Beeshiisa uu hanan karri layahay in aanu cid kale hanan karrahay, igayoo usoo jeediyeen inuu dhaqanka aftaaga ah bedelo oo uu iska dhigo nin baahan oo dawarsanay, isla markaana uu al-baab kasta garaaco.

 

Dhanka kalena Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu qar-waaqsay , isla markaana uu qaatey dhammaan-ba soo jeedimihii guddida, waxaanu u ballan-qaaday inuu badeli doono hab-dhaqankiisa  siyaasadeeda,waxaanay xoguhu xuseen in kullan danbe loo balamay.

Guddida beesha Subeer Awal ee lagu magacaabo guddida kaanbaynka KUMIYE ayaa ka kooban ganacsato salaadiin, siyaasiyiin iyo odayaal , ka soo kala jeeda beelaha Sacad Muuse iyo Ciise Muuse, waxana xusid mudan in bilihii ina soo dhafay ay kullamo kala duwan oo goonigooni ah oo ay taageero uga  raadinayaan Muuse Biixi la yeesheen beelaha Samaroon, qaar kamid Beelaha dega Gabiley iyo weliba Beesha Ciida kale & Beelo kale.

 

Muuse Biixi oo fulinay amarka guddida ayaa la sheegay inuu bilaabay weerar siyaasadeed oo culus, kaasi oo ka aargudanayo Musharax Cirro, waxaanu habeenada ugu dambeeyey xaafada new Hargeysa kullamo kala gedisan kula yeeshay siyaasiyiin ka soo jeeda beesha cirro, kuwaas oo aan hadda ka dhex muuqan saddex-da Xisbi  qaran mid koodna, waxaanay la sheegay inuu Muuse  ka xod-xodanayey sida ugu biirilahayaan Xisbiga KULMIYE, balse kulamadaasi ayaa dhammaantoo natiijo la’aan .

Docda kalene Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu u tegay Siyaasi C/laahi Cirro oo shaaciyey dhawaan inuu ku biiray WADDANI, waxaanu ka dalbaday Muuse inuu ka noqdo go’aankaasii uu ugu biirayo C/laahi Cirro  Xisbiga WADDANI , isagoo ku calaacalay inuu cidla taaganyahay oo ay dhammaan siyaasiyiintii miisaan kulahaa siyaasada Somaliland ay ku biireen WADDANI, balse waxa la sheegay inuu Siyaasi C/laahi Cirro ku gacan-saydhay dalabka Muuse Biixi, isagoo ku adkaystey inuu ku Biirayo WADDANI.

 

Ugu dambayntii  Muuse Biixi ayaa hadda abaabuleya xaflad uu xumad jabin uga dhigayo guul-darada Siyaasadeed ee soo waajahtey, isla markaana uu ku dherarinayo xafladii uu Xisbiga WADDANI todobaadkii tegay u qabtey Nin-doorka Reer Hargeysa, waxanu ku hawlanyaha Xisbiga KULMIYE abaabulka dad  jaabo-jaabo ah oo lagu sheegay in ay ka soo jeedaan beesha cirro, waxaynu dhawrnaa waa xaflada xumad-jebinta ah ee Muuse Biixi abaabulayo oo la filayo in ay maal-maha fooda inagu soo haya ka qabsoonto Hargeysa.

Leave a Reply

*