War Kulul:-Cabsi Siyaasadeed Xoogan Oo Soo Waajahdey Muuse Biixi Iyo Magac-yada  Siyaasiyiin Uu Ka Baqdey In Ay Ku Biiraan WADDANI Oo Uu Hadda Soo Dhaweystey + Sawirro

War Kulul:-Cabsi Siyaasadeed Xoogan Oo Soo Waajahdey Muuse Biixi Iyo Magac-yada  Siyaasiyiin Uu Ka Baqdey In Ay Ku Biiraan WADDANI Oo Uu Hadda Soo Dhaweystey + Sawirro

 

Hargeysa (SLL)-Musharax Xisbiga gabalkiisu dhacay ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu sas iyo sal-babaq ka qaaday siyaaasiyiinta miisan kale  ee ku qul-qulay Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu hadda bilaabay inuu soo dhaweysto siyaasiyiin uu markii hore quudhsan-day oo ka tirsan Xisbigiisa KULMIYE, iyadoo la sheegay inuu ka  baqdey in ay ku biiraan Xisbiga WADDANI.

 

Cabsi daran ee Muuse Biixi la soo daristey,  ayaa hadda sababtay inuu soo dhaweysto siyaasiyiin uu markii hore quudhsaday,  waxaanu bilaabay hadda inuu dib usoo xod-xoto , waxaanay taasi ka dhalatey, ka dib markii uu ka baqdey haddii uu ku sii hayo kursiga kaydka siyaasada in ay ka dhex hilaacaan Xisbiga WADDANI, iyadoo xusid mudantahay in ay hadda badi siyaasiyiintaasu  ay ku weheliyaan socdaalo uu wefti uu hoggaaminayo ay ku gaalaa bixinayaa Gobolada  Saaxil Sool iyo Sanaag, waxaana  la arkayey  lugtii koobaad ee socdaalkaasi oo ay ka bilabeen Saaxil  siyaasiyiintaasi oo Muuse Biixi si gaar ah uga agdhaw, halka ay qaarkood la saarnayeen gaadhisiisa .

 

Siyaasiyiinta oo iskugu jira qaar  xilal maqaar-saar ah ka haya xukuumadda xilal iyo kuwo Xisbiga  KULMIYE ka tirsan, balse dhammaatoo waa kuwo uu Muuse Biixi markii hore quudhsaday, isla markaana aanu wax talo ah weydiin jirin, iyadoo ay xusid mudantahay inuu iska weyneyn jiray oo aanu xataa la kulmijinin si guud iyo si gaar gaar ah midna, waxaana kamid ah siyaasiintaasi kuwa aanu magac-yadooda soo gudbinay.

  1. Cawil Cali Ducaale
  2. Cali Yusuf “Cali Guray”
  3. Cali Warancade
  4. C/casiis Samaale
  5. Jamaal Calu Xuseen

Dhanka kalene  Siyaasi Cali Gurey oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE , isla markaan kamid ah siyaasiyiinta uu Muuse Biixi quudhsatey, ayaa dhawaan wareysi lala yeeshay ku daaha kaga fayday sida uu Muuse Biixi u quudhsado Siyaasiin ka tirsan Xisbiga qaarkood, isla markaana wuxuu xusay in aanu cidna tashan Muuse Biixi “ilaa maalinkaa maanta ah ma arag Muuse Biixi oo Cali  Gurayoow maxay kula tahay ima odhan, ha jeclaado ama yuu jeclaan, hadduu doono ha yidhaahdo ii codaynmaysid, lakiin waan u codaynayaa  annigu oo codkaga waan siinayaa  ” Ayuu yidhi Cali Guray

Cali Guray oo haddalkiisa siiwat ayaa sheegay in aqoon-yahano badan oo ka tirsan Xisbiga in aanu Muuse Biixi la tashan waxna weydiin “Raggaa waa weyn ee wadda aqoon-yahanka ah ee anniga iiga sii dhawaa  nin uu wax weydiinayaa ma jiro Muuse Biixi”ayuu yidhi Cali Guray

 

Si kastaba ha- hatee Muuse Biixi ayaa hadda  ku mitidaya siyaasiyiintan iyo kuwo kale  oo uu markii hore quudhsadey,kuwaasi oo aanu waxto ah weydiin jirin, isagoo hadda u muuqda  inuu si gaar ah u soo dhaweysanaya.ragga uu markii hore dayriyey.

 

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and outdoor

Leave a Reply

*