Amar Ka Yimi Muuse Biixi Oo Xukuumadda Xabsiga Ugu Taxaabtay Suldaan Uu Hore Ugu Cumaamaday Isagu

Amar Ka Yimi Muuse Biixi Oo Xukuumadda Xabsiga Ugu Taxaabtay Suldaan Uu Hore Ugu Cumaamaday Isagu

Hargeysa (SLL)-Ciidamada Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in ay habeen hore xabsiga u taxabeen Suldaan Maxamed Axmed Suldaan C/raxmaan oo kamid ah madax-dhaqameedka reer somaliland, ka dib markii uu ka soo laabtey socdaal uu dhawaan ku tegay magaalada Burco.

Xadhigan suldaan Maxamed Axmed ay kula kacdaey xukuumaddu, ayaa la sheegay inuu ka danbeeyo Musharax Xisbiga calaantiisu cadaatay ee KULMIYE Muuse Biixi, iyadoo uu hore Muuse Biixi ahaa ninkan u caleemo saaray, isla markaanu dhigay inuu yahay suldaanka guud ee Suber Awal, balse hadda ayaan la garanay sababta uu ku qoonsaday iyo wax isku jiidheen.

Dhanka kalene ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartey xadhiga Suldaan Maxamed Axmed.

Leave a Reply

*