Berbera:-Jafladdii Jamaal Cali Xuseen + Jiibtii Muuse Biixi + Olollaha Tollaay Reer Qudhacaay Ee Ay Ka Istaadheen Saaxil

Berbera:-Jafladdii Jamaal Cali Xuseen + Jiibtii Muuse Biixi + Olollaha Tollaay Reer Qudhacaay Ee Ay Ka Istaadheen Saaxil

 

 

Berbera:- (SLL)- Wefti uu hoggaaminayo musharax Xisbiga calaantiisu cadaatey ee KULMIYE Muuse Biixi, ayaa ka istaadhay gobolka Saaxil Olollahihiisa doorashada Madaxtooyaddaa Somaliland ee fooda inagu soo haysa, kaasi oo ay sal dhigi uga dhigeen qabyaalad cad iyo tolaay anniga ayaa isku Subeer Awal ah.

 

Olollehan gun-dhiga looga dhigay qab-yaalada ee uu Musharax Muuse Biixi ka istaadhay gobolka Saaxil, ayaa waxa ku weheliya siyaasiga hankiisii u loogay Muuse Biixi ee Jamaal Cali Xuseen, kaasi oo si weyn uga dhex-muuqda , isla markaana ahaa xidiga fagaarayaasha,waxaana xusid mudan inuu Muuse Biixi ku soo khatimayey haddalkiisa markasta Jamaal ayaa warkii dhameeyey walalayaal.

Jamaal Cali Xuseen ayaa ku sheegay inuu Muuse Biixi yahay musharax kaliya ee Beesha Subeer Awal ee maanta u tartamaya doorashada Madaxtooyada,waxaanu ugu baaqay bulshadaadi  in looga baahan-yahay inay codkooda u huraan oo ay soo siiyaan Muuse Biixi,waxaana kamid ahaa haddaladiisii laga guntey kuwan:- “Xabaal ayaa xigto ka maar-mi weyday, walaalayaal nin-ba waa ninkiisa maanta waxa la idiinka baahan-yahay in aad soo saartaan Mujaahidka Muuse, haddii uu dhaco Sacad Muuse uun kuma ceebaysana ee Subeer Awal oo dhan ayaa ku ceebaysan, hadddii uu guuleystan waan wadda guuleysanay”Ayuu ku tiraabay Jamaal

Dhanka kalena siyaasi Cali Gurey oo faagera ka haddlay ayaa ku tiraabay weedho qab-yaaladaysan,kuwaas oo u dhignaa sidan:-“.Annaga Musharrax meel soo gaadha, waxa noogu horreeya Muuse Biixi, waana ku meel-gaadh isagguna, mid uunbaan sheegaya, haduu Muuse Biixi dhaco aduunyada inta ka hadhay, Nin Sacad Muuse ah oo Madaxweyne noqonaya ma jiree ku Bushaareystaa (Ciise Muusow)..

 

Gunaanad Walow aan la gaadhi wakhtigii Rasmiga ahaa ee olollaha doorashada Madaxtooyada Somaliland loogu talogay, haddana waxa muuqata inuu Xisbiga KULMIYE uu ololle ay ku ladhantahay qab-yaaladi ka bilaabay gobolka Saaxil.

Somalilandlive.com

Xafiiska Hargeysa

Leave a Reply

*