Dayax Madoobad Xalay laga Arkay Somailand Iyo Geeska Africa

Dayax Madoobad Xalay laga Arkay Somailand Iyo Geeska Africa

Hargeysa(SLL)-Gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka kooban tahay, ayaa Xalay laga arkay Dayax Madoobaad, kaddib markii badi muuqaalka Dayaxu isu bedelay Madow. Arrintaasoo qayb ka ah Awoodaha Ilahay gaarka u ah ee aan ciddi la wadaagin sababtooda.

Dayax Madoobadka Xalay la dareemay niskii hore ee Xalay Abbaaro 9;30-kii Habeenimo ee goor sheegta Geeska Africa, ayaa sida cadad u ah shucuubta Islaamka, waxa Salaad laga Oggay Masaakidada Magaalooyinka Somaliland, Salaadaas oo ah mid Ilahay Subxanah wa Tacala loogu muujinyo cabsi iyo khushuuc lagu adeecayo awoodihiisa gaarka ah. Geesta kale, Dayax Madoobaadka ayaa marka uu dhaco Waxay dadka qaarkood ku fasiraan sababaha uu ku yimmaado inay kamid tahay, marka wareega dhulku kala dhex-galo Meerayaasha kale, sida Dayaxa iyo Cad-ceeda.

Leave a Reply

*