Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashada Dalka KENYA Iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo U Muuqda Inuu Ku Guulaystey

Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashada Dalka KENYA Iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo U Muuqda Inuu Ku Guulaystey

 

Nairobi (SLL)-Natiijada hordhaca ee ka soo baxaysa tirinta codadkii doorashadii shalay ka qabsoontay dalka KENYA ka, ayaa sheegaya inuu  hadda hoggaaminayo tirada cododkii la tiriyey Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo ka horeeya ninka uu xafiiltanka weyni ka dhaxeeyo ee Raila Odinga

Madaxweyne uhuru Kenyatta ayaa helay hayste  ilaa hadda 54% , halka uu Hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Raila Odinga uu haysto 44%, waxaana xusid mudan intirinta codadka ay weli socota , isla markaana la filayo in natiijada kama danbaysta ah lagu dhawaaqo.

Docda kalena Madaxweyne Uhuru kenya ayaa u muuqta inuu ku guuleysanayo doorashadii shalay ka qabsoontey dalka Kenya.

Dhana kalene hoggaamiyha mucaaradka ah ee Raila Odinga, ayaa qaadacay natiijadaa hordhaca ee ka soo baxaysa doorashadii shalay ka qabsoonte dalka Kenya , isagoo saluug weyn ka muujiyay qaabka wax u wadaan guddida doorashooyinka qaranka KENYA.

Leave a Reply

*