13-Sano Jir Somalilander Ah Oo Nolosha Qoyskooda Ku Dabara Xaadhista Jeyga Iyo Dhagaxa Hankiisuna Yahay Inuu Noqdo Masuul Dawladeed

13-Sano Jir Somalilander Ah Oo Nolosha Qoyskooda Ku Dabara Xaadhista Jeyga Iyo Dhagaxa Hankiisuna Yahay Inuu Noqdo Masuul Dawladeed

 

Hargeysa :-(SLL)- Ismaaciil Cabdi Xuseen waa wiil yar oo 13-sano jira, waxaanu ka dhashay qoys danyara, aabihii wax shaqo ah oo hagaagsan ma hayo hooyadiina waa bilaa Camal oo waa Guri-joog, waxaa ay degan yihiin xaafada Sheekh Cumar oo 9-km u jirta magaalada Hargeysa.

Wiilkan yari waxaa uu dhigtaa iskuulka Sheekh Muuse Ducaale oo xaafada Sheekh Cumar kaga beegan dhanka Waqooyi, una jira masaafo dhan laba Km, maanta ayaa aniga iyo saddex Wariye oo kale mar aanu booqaney xaafadaasi oo ay degan yihiin qoysas badan oo daris la ah duruufo nololeed oo aad u qalafsan ayaanu la kulanay wiilkan.

Ismaaciil lama mid’aha dhalinyarada kale ee ay isku faca yihiin ee xaafada la dagan, dhalinyarada kale waxaa uu dheer oo uu qabta hawl adag waxaanu ka xoogsada oo uu ka shaqeeyaa Jeyga wakhtiyada uu jaaniska heysto, islamarkaasna waxaa uu ku dabara Iskuulkiisa iyo madarasadiisa iyo qaybihiisa kale ee baahiyaha nolosha.

Ismaaciil waa 13-sano jir waana dadii ay waalidku gacanta ku heynayeen ee wax la barayay hase ahaate duruufaha nololeed iyo waayaha la dariska ah ayaa u saamixi waayay inuu xaafadooda fadhiyo xiliyada uu firaaqada leeyahay, waxaanu wakhtiyada cadceedu aadka u kulushahay waxaanu isugu ururiyaa goob si ay uga iibsadaan gaadiidka dhismayaasha u adeegaa.

Goor amintu tahay 11-kii barqanimo waxaa aanu la kulanay wiilkan yar oo foorara dhulkana ka xaadhaya Jay, waxaa uu ka xoogsada gurista Jayga iyo dhagxaanta, lowdhka Jayga ahi waxaa uu ugu buuxsama oo ku dhameystira mudo todoba cisho ah.
Gaadiidka u shaqeeya dhismayaasha ayaa ka iibsada markuu dhameystiro, waxaanu ii sheegay in lowdhka laga siisto laba boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah.

 

By:– Khadar Maxamed Xaashi (Khadarhoryaal)

Leave a Reply

*