“..Hadii Cabdiraxmaan Cirro Guuleeysto, Aniga (Cali Guray) Waa Madaxweynahayga…”  Siyaasi Cali Guray

“..Hadii Cabdiraxmaan Cirro Guuleeysto, Aniga (Cali Guray) Waa Madaxweynahayga…” Siyaasi Cali Guray

Ceerigaabo(Yool)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, ayaa iftiimiyey aragtida fog ee hankiisa Siyaasadeed inaan Madaxweynenimada Cabdiraxmaan Cirro shar ku ahayn, balse agtiisa axtiraam uu ku leeyahay Musharraxa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, sidoo kale, Muuse Biixi laf ahaantiisa aanu bello ku oggeyn.

Sidaasna Siyaasi Cali Guray waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa kaloo uu ku sheegay in ay haboon tahay in musharraxiinta Xisbiyadda mid walba la ixtiraamo, isagoo Siyaasi Cali Guray arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi sidan: “…Madaxda xisbiyadu waxay mudan yihiin ixtiraam, gaar ahaan aniga Gudoomiyaha Waddani sida isaguba uu ii ixtiraamo in aan aniguna si ka wayn u ixtiraamo wuu igu leeyahay. Xiliga tartanka iyo ololuhuna wuu xadidan yaha doqontuna hadii la xafiiltamo in la coloobay bay moodaa. Mudane Cabdiraxmaan hadii uu doorashada ku guulaysto wuxu noqon doonaa madaxwaynahayga hadii kalena Muuse oo ah Musharaxa aan dhisayo ayuun baa labadayadaba Madaxwayne noo wada noqon doona hadii Alleh yidhaa tartankuna ceeb maaha hadii aan la xumayninna xumaan maaha…”.

Leave a Reply

*