Deg Deg:- Ganacsato Iyo Macaamiisha Telesom Oo Lacago Ugu Jireen Adeega Zaad Ayaa Caaawa Laga Dhacay + Shacabkii Hargeysa Oo Isku Soo Shubay Xaruunta Dhexe Ee Telesom

Deg Deg:- Ganacsato Iyo Macaamiisha Telesom Oo Lacago Ugu Jireen Adeega Zaad Ayaa Caaawa Laga Dhacay + Shacabkii Hargeysa Oo Isku Soo Shubay Xaruunta Dhexe Ee Telesom

Hareysa(Deg deg: Ganacsato iyo Dad lacago ugu Jireen Adeega ZAAD ayaa laga Dhacay Lacagohoodii , waxaana ay waayeen lacagihii ugu Jiray Zaadkooda ,

Ilaa caawa waxaa isi soo taraya dadka iyagu waayaya lacagihii ugu jiray mobile-ladooda, mid ka mida dadka iyagu waayay lacagihii zaadka

Oo aanu khadka telefoonka ku wada xidhiidhnay
Ayaa ii sheegay in uu la’yahay lacago ugu jiray mobile-ka,

Adeega Zaad ayaa ah mid dad badani lacago ku shubtaan, kuna aaminaan dhaqaalohooda, hase yeeshee waa markii ugu horeysay ee la waayo lacago adeegan Zaad ku jiray , waana mid khatartiisaleh oo hadii khalkhal ku yimaado ay hanti baddan ku waayi karaan bulshadu.

Qaar ka mida dadka lacaga waayay oo u cabasho tegey shirkadda Telesom ee adeegani bixisa, ayay shirkadu u sheegtay in Ay dib ugu soo celin doonto lacagohoodii.

Dowlada Somaliland ayaa hore ugu amartay Telesom in Adeegan Zaad ay shirkadu joojiso, hadana go’aankaas ayaanay waxba ka socon.

Mar aan tagey shirkadda telesom gaar ahaan xaruunta badhtamaha suuqa ee magaaladda hargeysa waxay dadku lacagtooda ugala baxayeen si xad dhaafa, markii danbana waxa soo batay dadkii ay lacaguhu ay ka maqnaayeen  waxaaana ciidanka ilaalidda shirkadu adeegsadeen xabad nool , balse cid wax ku noqotay ma jirto waxaana si deg deg ah albaabadda layskugu dhuftay shirkadii markii ay ku sigatay in ay  la boobo

waxaana laga dhur sugayaa bari waxay noqondoonto insha allah isha ku hay

Leave a Reply

*