War Hadda Soo Dhacay:-Gacan-yarihii Muuse Bixii Oo Muqdisho Ka Degay + Magaca Huteelka Uu Hadda Ku Sugan-yahay  Iyo Nuxurka kullan Uu Caawa La Yeelanayo  Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre

War Hadda Soo Dhacay:-Gacan-yarihii Muuse Bixii Oo Muqdisho Ka Degay + Magaca Huteelka Uu Hadda Ku Sugan-yahay Iyo Nuxurka kullan Uu Caawa La Yeelanayo  Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre

 

Muqdisho:(SLL)- Warar iyo xogo Rasmi ah oo laga helayo ilo wareed-yo kala duwan, ayaa sheegaya in uu Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha debada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ka degay magaalada Muqdisho ee Caasimada u ah Soomaaliya, iyadoo la sheegay inuu sarkaal oo  hadda ka tirsan Xisbiga KULMIYE uu u tegay halkaasi arrimo siyaasadeed.

 

Ilaha war-kan laga helayo oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa , ayaa sheegay inuu Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore u ahaa wasiirkii arrimaha Debada Xukuumadda Siilaanyo haddana kamid ah saraakiisha sarsare ee Xisbiga gabalkiisu dhacay ee KULMIYE  uu magaalada Muqdisho u tegay  si loogu magacaabo  xili, waxaanu hadda  siyaasi Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku sugan-yahay Huteelka lagu magacaabo BAARADHAYS  “Hotel-ka Paradise “oo u dhaw madaarka  magaalada Muqdisho .

 

Dhanka kalene Siyaasigan ka tirsan Xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdilaahi Cumar,  ayaa la sheegey inuu caawa kullan khaas ah  uu magaalada Muqdisho kula yeelanayo  Raysal-wasaaraha xukuumadda Somaaaliya Xasan Cali Khayre,  kaasi oo la sheegay inuu Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ka xod-xodanayo Raysal Wasaaraha sidii uu  xil u magacaabo ,isla markaana wuxuu quul-daranayaa inuu kamid noqda masuuliyiinta  kusoo baxaya  isku shaandhaynta la filayo in dhawaan lagu sameeyey  golaha wasiilarad Xukuumadda Soomaaliya.

Docda kalene ma jiro war ah oo ilaa hadda ka soo baxay Xisbiga KULMIYE  oo kamid yahay Masuulkan ka tegay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaanay u muuqataa inuu xisbiga KULMIYE ka muquurta inuu ka haddlo arrinkaasi.

 

Gunaanad wasiirkii hore ee arrimaha debada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar,kaasi  oo haddan kamid ah saraakiisha Xisbiga KULMIYE, ayaa caawa ku sugan magaalada muqdisho ee dalka soomaaliya, isagoo kullan gaar ah la yeelanaya Raysal-wasaaraha somaaliya, kaasi oo la sheegay inuu ka quul-daraynayo inuu xil u magacaabo, waxaynu dhawrnaa waa natiijada ka soo baxda kullan masuulkan ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyo Raysal-wasaaraha saomaliya.

 

 

 

Leave a Reply

*