War Cusub:-Wefti Uu Hoggaminayo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Oo Hadda Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa   

War Cusub:-Wefti Uu Hoggaminayo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Oo Hadda Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa   

 

Hargeysa (SLL) Wefti uu Horkacayo Madaxweynaha maamulka khaatumo Cali  Khaliif Galaydh, ayaa goor dhaweyd Soo gaadhay magaalada Hargeysa, iyadoo weftiga loogu sameeyey duleedka Magaalada  Hargeysa soo dhaweyn miisaan leh.

Weftigan Cali Khaliif Galaydh hoggaaminayo oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle ee xarunta maamulka khaatumo, ayaa galab casarkii soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana lagu qaabiley soo dhaweyn ballaadhan oo ay ka qayb-qadanayeen shacabka magaalada Haregysa iyo jilayaasha Somaliland u qaabilsan wadda haddalada  maamulka khaatumo  .

Dhanka kalena ilaa hadda lama garanayo socdaalka Cali Khaliif Galaydh uu Hargeysa ku yimi wuxuu daraan-yahay, iyadoo aanu isaguna wax war ah ka siin Saaxafada oo uu ka gaabsadeysaday ka haddlo, balse waxa loo malaynayaa inuu la xidhiidho wadda haddaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo khaatumo.

Geesta kalene Cali Khaliif iyo weftigiisa, ayaa  kullan kula qaatey Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa Musharax Xisbiga Mucaaradka ah ee  UCID Fayssal Cali Waraabe, kaasi oo aan la ogayn wuxuu daranaa, iyadoo ay Xusid mudan tahay in labada dhinac aanu midkoodna saxaafada war ka siin kullan kaas ay yeesheen.

Si kastab ah-ahaatee Madaxweynaha maalku khaatumo Cali  Khaliif iyo wefti uu horkacayo , ayaa soo gaaadhay magaalada Hargeysa, waxaanay noqonaysaa markii labaad ee uu Cali Khaliif Galaydh uu yimaado magaalada Hargeysa  isagoo Madaxweynaha maamulka khaatumo ah .

Leave a Reply

*