Maxamuud Xaashi oo Ergo Muuse Biixi Ugu Diray Siyaasiyiin ay Isku Beel-yihiin

Maxamuud Xaashi oo Ergo Muuse Biixi Ugu Diray Siyaasiyiin ay Isku Beel-yihiin

…Wasiirka Madaxtooyadda oo Madmadow geliyey Mustaqbalka KULMIYE Hadii uu Waayo Dumaasha Gudoomiyenimada Xisbiga…

Hargeysa(Yool)-Muranka dumaasha jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Mustaqbalka, iyo sidoo kale damaca Maxamuud Xaashi iyo waji da-dabka Musharrax Muuse Biixi, ayaa hadda xaraaraddiisu waxay gaadhay halkii ugu sarraysay, kaddib markii uu natiijo la’aan kusoo dhamaadday Safarkii dheera ee Sool iyo Sanaag.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ergo ugu diray Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi xubno Siyaasiyiin ay isku beel yihiin, kaddib markii Wasiir Xaashi xubnaha uu u qeeyaxay mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku aadan damaca dumaasha Gudoomiyaha KULMIYE. Warar Wargeyska Yool ka helay Ilo u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqyada Xukuumadda iyo Xisbiga ku sidkan ee Kulmiye, waxay tibaaxeen inuu si cad diirka ama daboolka uu uga qaaday Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi doonista uu ka leeyahay jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, hase-ahaatee Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi dhankiisa arrintaas uu ka war-wareegayo.

Sidaas darteed waxay illuhu intaa ku dareen in Wasiirka Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi uu ku wargeliyey xubnaha Siyaasiyiinta ah ee u ergada ugu yeedhay inay kala gaadhan isagga iyo Gudoomiye Muuse Biixi, isla markaana Xisbiga Kulmiye ka badbaadiyan Khilaaf laf-jab ku noqda Xisbiga, taasoo sida xoggaha lagu xusay si dhib yar ku iman kartaa hadii Gudoomiye Muuse Biixi aanu ka tanaasulin Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye ee sida xabacta uu ku dhegen yahay.

Kulaylka Wasiir Maxamuud Xaashi ee damaca dumaasha Kulmiye, ayaa sida xoggahan lagu sheegay waxa uu ka siraad-may kaddib markii natiijo la’aan ku dhamaadeen dhawr isku day oo la rabbay in lagu dhameeyo kala lulashada Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi ee jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, dedaallada arrinkaa ee dhicisoobay  waxa kamid ah kulan qorshihiisu ahaa inay isku wajahan madaxda dhaqanka ee labada Beelood ee Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi, kaasoo sida la sheegay qorshihiisu ahaa inuu ka dhaco Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Hase-yeeshee raggaadey kaddib markii mullaaq dhinaca aragtida ah uu ka dhex dhacay xubnaha dhaqanka ee laga fillayey dhanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, muranka iyo ismaan-dhaafka soo kala dhexgalay waxa uu sababay in xadhiga mid kamid ah Sullaadintii loo tirinayey Musharraxa Xisbiga Kulmiye, kaddib markii uu safar ku tagay Magaaladda Burco, kulamana la yeeshay qaar kamid ah xubnaha dhaqanka ee Bariga Burco. Arrintaasoo ay ka cadhoodeen qaybo kamid ah Sallaadiinta guunka ah ee Beelaha Habar-awal.

Waxa kaloo, xusid mudan kana mid ah dedaallada dhicisoobay ee muranka Safarkii Sool iyo Sanaag ee dhowaan Wasiirka Madaxtooyadd iyo Gudoomiyaha Kulmiye deegaanadaas kusoo mareen, kaasoo sida xoggaha qaar lagu sheegay marka hore ujeedadiisu ahayd inta lagu gudo jiro inay xal kusoo gaadhan Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamuud Xaashi, hase-ahaatee Gudoomiye Muuse Biixi intii mudadaas ahayd uu ka waji-dad-bay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi inuu kala hadlo arrinka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, walow sida Wararka qaar tibaaxeen Musharrax Muuse Biixi markii hore intii aan Safarka gobollada barri loo bixin uu ogollaa in la wada-hadlo, hase-yeeshee mawqifkan adag ee u hadda gaadhay uu yahay mid ka dhashay taageerada markii uu ka filayey gobollada bari iyo natiijada marka dambe uga soo baxday oo noqday laba aan is qaban.

Wararka Yool

 

Leave a Reply

*