Dr.Karamba Diaby  Xildhibaan  kaliya  ee Madow ah  ee kamida Parlamenka  Jarmalka eBeundestag  oo   Cunsuriyad Lakulmay

Dr.Karamba Diaby Xildhibaan kaliya ee Madow ah ee kamida Parlamenka Jarmalka eBeundestag oo Cunsuriyad Lakulmay

Dr.Karamba Diaby oo ah Xildhibaanka kaliya ee Madaw Afrika kudhashay  ee Abid  kamid  noqdoa  Golaha baarlamaanka Waddanka Jarmalka  Bundestag ayaa  lagu Caayay  Faceebook  Xisbiga  Cunsuriga ah, NDP

Qoraal lagu  lagu baahiyay  Boga Facebook ee Xisbiga Cunsuriga  NPD ayaa  lagu   aflagaadeeyay  Dr.Karamba Diaby oo ah Xildhibaan Golaha  Bundestag,  jarmalka   kamida  kanasoo  baxay  Xisbiga  SPD,  Qoraalka  kooban   Faceebook  NPD  Lasoo dhigay  ayaa  lagu Yidhi  SPD  Waxa  ay  Ceebaynaysaa  Nasabiyada   Bulshada  Jarmalka, iyada  oo loola Jeeday  yasitaan  iyo Xaqiraad   lagula  kacayo  Xildhibaan Dr Karamba Daily  oo ah Qofkii madaw Afkrikaan  ah oo Taariikhiida markii   ugu Horaysay  kamida noqoday  Golaha   Baarlamanka Dalka Jarmalka.,  waxa  Qoorlaka  kamid ahaa   Muus   kucaawa , iyada  lagu Masaalayo Daanyeer, Sawirada   Olalaha   Doorashada  uu kugalayo ayaa lagu Hoos Qoray, Erayadaas  Cunsuriga ah.

Xildhibaan, K. Diaby, ayaa  mudo   30 Saano  kabadan kunoola   Dalka Jarmalka waxana uu Sannadkii  1985   yimi    Barigii Yarmalka  wakhtigii Dalku  kala  Qaybsanaa, DDR.  isaga  oo waagaas   deeq wabarasho   kahelay Jaamacad Jarmal ah, K. Diaby  ayaa    asal ahaan kasoo jeeda  Waddanka Sinigaal waxana   uu dhalashada  Jarmalka qaatay Sannadkii   2001   isaga oo   Sannadii 2008  kamid  Noqday  Xisbiga SPD,  waxana   Sannadkii  2013  Loodoortay  Xildhibaan   kamida  Baarlamaanka Jarmalka ee  Bundestag, isaga  oo taariikhada Baarlamaanka  jarmalka  kusoo daray    Bog  Cusub.

 

Hadalka  Xisbiga Cunsuriga ah ee NPD  kusooshegeen in Xisbiga  SPD  Bulshada Jarmalka  kudhex Darayaan Dad aan Nasabiyada Jarmalka  ku Abtirsana yaa   noqotay Mid  ay  Kagilgisheen  Kumaan kun oo  Jarmal ah  waxana   Doodo  Facebook  iyo twitter  kasocday Taageero Xoogle   loogu  muujiyay Xildhibaan,  K. Diaby,

Taagerayaasha  Xisbiga Naasiga ah   ee NPD  ayaa   Aflagaadeeyay  Xildhibaan K.Diaby,  —

Dr. Karamba Diaby   markii Labaad    Dedaal   ugu  jira Sidii  uu u Xijesanlahaa  Kursigiisa Baarlamaanka ,  ayaa waxa   kareen Celiyay   Gafka Cunsirga ah ee  lagu   kalacay  isaga, Kooxa Naasiga ah kutilmaamay  kuwo  kuguuldaraysay  in   ay  kala  dhantaala  Sinaanta  iyo mid ahaansha Bulshada   Jarmalka,   waxana  intaas  kudray in aanay Marnaba isaga  Cabsi  galinkarin Kooxo tirayar  oo Cunsuri ah.

Siyaasada  Dalka Jarmalka   oo aanay   awood  badan  kulahayn    Ajaaniibta Afrikaaanka ahi ayaa  waxa  uu Dr. K Diaby  uyahay  Tusaale  Fiican  Isdhexgalka Bulshada  iyo  wada noolaashaha  Dawayna Jarmalka.

 

Eid Aden

Frankfurt/ Germany

Eid@somalilandlivemedia.com

 

 

Leave a Reply

*