Siyaasi Ex Wasiir Cabdilaahi Cirro Oo Soo Bandhigay Masuuliyiin Iyo Jaajuus Ka Tirsan Maamulka Muqdisho Oo Ay Xukuumadda KULMIYE Ku Casuuntey Magaalada Hargeysa

Siyaasi Ex Wasiir Cabdilaahi Cirro Oo Soo Bandhigay Masuuliyiin Iyo Jaajuus Ka Tirsan Maamulka Muqdisho Oo Ay Xukuumadda KULMIYE Ku Casuuntey Magaalada Hargeysa

 

 

 

 

Hargeysa (SLL)-Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha guhada Somaliland ee dowladii Madaxweyne  Daahir Riyaale Ex Wasiir Cabdilaahi Cirro oo si rasmi ah ugu biirey Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa khudbad uu ka jeediyey madashii xafladii ku biiritaanka WADDANI wuxuu ku soo bandhigay xidhiidhka ay xukuumaddda KULMIYE la leedahay maamulka muqdisho, isagoo

“Had iyo jeer Xukuumadda iminka jirtaa waxay tidhaah WADDANI Soomaali weyn  ayuu u socdaa , waxaan maanta cadaynayaa cida Soomaali weyn ah,waxa Hargeysa yimi oo Xukuumadda KULMIYE ay marti qaaday wasiir ka tirsan Dowlada fadaraalka ah oo iyada marti u ahaa , waxa kale oo ay marti qaaday oo Hargeysa yimi oo maanta  joogta  Farmaajo gabadhii la tartantay ee Madaxweynaha isku sharaxdey,miyaanay wax lala yaabo ahayn  yey ku sheegayaan markaa Xamar ayey u socdaan marka ay madax-dii Somaaliya iyagu Hargeysa ku casuumayaan, markaa marka dhinaca sharciga loo eego waa khiyaamo Qaran” Ayuu yidhi Ex Wasiir Cabdilaahi Cirro .

 

 

Dhinaca Kale Siyaasi Cabdilaahi Cirro oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu  dhawaan uu Hargeysa yimi Jaajuus Sare oo ka tirsan nabad suguda Soomaaliya, kaasi oo ay xidheen ciidamada amaanka, balse nasiib darro ay  Madaxtooyada Xukuumadda Siilaanyo soo daysay jaajuuskaasi, waxaanu ku tilaamay talaabadan siyaasi C/laahi Cirro in ay tahay khiyaamo qaran  “waxa taasi ka sii daran nin sarkaal ah oo nabad sugida Soomaaliya ah  ayaa yimi Hargeysa , waxa xidhay ciidanka amniga oo ku amaanan, balse nasiib darro markiiba Madaxtooyada xukumadda KULMIYE ayaa  siidaaya Jaajuuskaa oo  nin wasiir ah  ayaa damiintey , wuxuu ahaa jaajuus la soo diray oo dalka inuu basaaso doonayey , waaayo dalka aad cadowga tihiin jaajuuskiisu haddii uu kuu yimaado waa cadowgaaga ee saaxiibkaa mahaa , waa khiyaamo qaran iyaduna arrintaasi “

 

Ugu Dambayntii Siyaasi Ex Wasiir Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in Xukumadda KULMIYE ay jebisay xeerkii ahaa in aanu masuul xilka haya maamulka Soomaaliya  aanu fooda soo gelin karrin dhulka Somaliland, “Cida Soomaaliya xidhiidhka la leh cida jebiysay xeerkii  ahaa nin Somaali ah oo xil ka haya Soomaaliya  in aanu Somaliland iman waa Xukuumadda manta jirta ee KULMIYE.

Hargeysa /Somaliland

 

Leave a Reply

*