Basanbuur Biciide oo Qaadacday Shirweynihii Beelaha Biciide Adaraxmaan ee Dooxada DAGAAR

Basanbuur Biciide oo Qaadacday Shirweynihii Beelaha Biciide Adaraxmaan ee Dooxada DAGAAR

 

Ceerigaabo(SLL)-Shirkii Beesha Biciide oo suurta geli waayay, kadib markii beesha Basanbuur ay ku heshiin wayday Inuu qabsoomo shirkii ka dhici lahaa Dooxada Dagaar ee ay marti geliyeen, taasoo ay ku heshiin wayday, sidoo kale beesha Basan-buur arimo dhexdooda ah taasoo keentay in beelihii kale ee Biciide ay qaadacaan.

Sababaha waxa ka mid ah inay kalsoonidii dib ay ugala noqdaan Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Basanbuur Axmed Yuusuf Maxamuud, waxaana goaankaasi qaatay oo saxeexay 15 xubnood oo ka tirsan beelaha ugu tunka-weyn ee reer Faarax Saalax, hadana waxa la sheegayaa in ergooyinkii kalena ay habeenada soo socda qaadaci doonaan, kuwaasoo tibaaxaya inay ka Biyo-diidsan yihiin kalsooni buuxda oo ay ku qabi karaan hogaanka shirweynaha beelaha Biciide.

Arintan ayaa la xaqiijinayaa inay salka ku hayso kadib markii ay gacan togaaleeyeen siyaasiyiin iyo  madax-dhaqameed faraha la galay maamulka  hogaanka ee shirka Dooxada Dagaar oo loo balansanaa maalmaha soo socda inuu ka dhaco gobolka Sanaag, kadib markii dib looga dhigay bilowgii qaadashada kaadhadhka diiwan-gelinta oo ku danbaysay gobolada Sool iyo Sanaag.

Wararka Wargeyska Yool

Leave a Reply

*