Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yool Ee Maanta

Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yool Ee Maanta

Ku-simaha Madaxweynaha Md. Saylici oo Awooddii Qaranka Kula Dagaalamay Ardaagii Daahir Riyaale

..Hibaddii Guriga ee Madaxweyne Siilaanyo + Hinaasaha Saylici ee Bixinta Dhulka + Hal-adayga Shiine ee Sharciga Iyo Hayb-sooca Ganacsadaha..

Hargeysa(Yool)-Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-simmaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi Saylici, ayaa hakiyey hawlaha shaqo ee u dawladda dhexe u hayey Gudoomiyaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Musfate Shiine), isla markaana Badhasaabka farray bedelkiisa inuu hawlihii uu gobolka u ku wareejiyo Gudoomiye-ku-xigeenka gobolka Awdal.

Md. Saylici ayaa qoraalka shaqo ka joojinta ee u diray badhasaabka gobolka Awdal, waxa shaqo ka joojinta badhasaabka uu ku sabbabeeyey inuu ku kacay khaladaad badan oo anu Madaxweyne-ku-xigeenku saafin kuwa ay yihiin, hase-yeeshee sida qoraalka ku cad keliffay inay lummiyaan kalsoonidii dawladda iyo ka dhaxaysay gobolka, iyo sidoo kale, inuu badhasaabku ka leexday Siyaasaddii Xukuumadda, wallow arrinkaa laftiisa Madaxweyne-ku-xigeenku qoraalkiisa aanu ku qeyixin kuwa ay yihiin siyaasaddaha Xukuumadda ee badhasaabku dhabbahooda ka leexday.

Waxa kaloo, kamid ah arrimaha Madaxweyne-ku-xigeenku u cuskaday shaqo ka joojinta Badhasaabka inuu faro-geliyey arrimo dhul, balse qoraalku ma sheegin dhulka uu faro-geliyey, halka iyo nooca uu yahay, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu intaa raaciyey maqnaansho gobolka intaa badan badhasaabku ka maqan yahay oo cabashooyiin badani uga yimmaadeen. Sidaa awgeed Md. Saylici uu shaqadda uga joojiyey, isaggoo qiimeynayaa waqtiga lagu jiro oo u ku tilmaamay mid xasaasi.

Geesta kale, Badhasaabka gobolka Awdal Musfate Shiine oo Wargeyska Yool la xidhiidhay Xalay si arrinka wax looga waydiiyo, ayaa ka gaabsadday inuu faah-faahin ka bixiyo go’aanka uu Madaxweyne-ku-xigeenku shaqadda kaga joojiyey, inkastoo mar wargeysku su’aalay Madaxweyne-ku-xigeenku inuu awood sharci u leeyahay go’aanka shaqadda lagaga joojiyey, waxa uu iftiimiyey in shaqo ka joojinta sharcigu u fasaxayo, intaa Madaxweynuhu dalka kusoo laabanayo.

Faaqidaad.

Inkastoo Madaxweyne-ku-xigeenada Somaliland soo maray intooda badan aanay ceebtooda ahayn ee cadadooda tahay inay awoodooda maamul ee Qaranku u dhiibtay mar walbaa isugu geeyaan gobolka uu kasoo jeeddo, isla markaana aanay ogolleyn in cid kale u gacan dhaafto, xataa Madaxweynaha hadday tahay, balse haddana Md. Cabdiraxmaan Saylici oo hadda xilkiisa iyo kii Madaxweynahaba haya, ayaa lagu xantaa inuu kaga duwan yahay dhigiisii jagadda uu hadda hayo uga horeeyey inuu qolo-qolo u kula qaad-qaado dadka deegaanka gobolka awdal, oo mararka qaar hoos uu u gaadho Ardaagiisa hoose, halka had iyo goorna lagu eedeeyo inuu nidaamka dawladnimo kala daggaalamo inay usoo dhowaadan ama waxay xaq ugu leeyihiin hellaan uu u tirinayo inay deegaanka kasoo wada jeedan Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin.

Haddaba arrintan hadda ee shaqo ka joojinta Badhasaabka gobolka Awdal, ayaa laftigeeda waxa lagu xidhiidhinayaa inay qayb ka tahay dhaqamadda kala socoa iyo kala jeclaysiga ee lagu dhaliilo Siyaasadda Madaxweyne-ku-xigeenka ee ku wajahan gobolka Awdal, siday Wargeyska u sheegeen dad u dhuun-daloola arrimaha gobolka Awdal, ayaa tibaaxay in amarka Madaxweyne-ku-xiggeenku shaqadda kaga joojiyey badhasaabka gobolka awdal uu salka ku hayo Guri Dawladdu leedahay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo siiyey muwaadin reer Somaliland oo gobolka awdal kasoo jeedda, laguna Magacaabo Cabdi Xasan tukaale oo ah Nin gancsade ah.

Arrintaasoo Madaxweyne-ku-xigeenku liqi-waayey markii Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqaaqay tallaabadaas siinta ah, hase-ahaatee Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saylici, ayaa sidda illuhu xuseen markii xilka ku simaha Madaxweynaha u qabtay, waxa u qoraal u diray badhasaabka gobolka Awdal, kaasoo u badhasaabka uu ku farayey inuu deggo oo u guuro Gurigaas Madaxweyne Siilaanyo siiyey ganacsadaha, Gurigaas oo ah aqalkii Badhasaabka Gobolku lahaa ka hor intii Madaxweyne Siilaanyo aanu bixin, hase-yeeshee Badhasaabka Gobolka Awdal Guriga waxa uu ka guuray markii la bixiyey kadib, qoraalka Madaxweyne-ku-xigeenkana waxa uu kaga fal-celiyey in aanu jirin sharci u bannaynayaa dib ugu laabashadda Guriga, maadaama Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland digreeto Madaxweyne ku  siiyey muwaadin, sidaasna Gurigu kaga mid noqday hantida gaarka u ah ee Muwaadinkaasi ee uu leeyahay.

Si kastaba ha haatee, sharcigu iyadoo u Madaxweyne-ku-xigeenka u fasaxaayo inuu shaqada ka joojin karo masuuliyiinta qaranka ee uu u arko in aanay Siyaasaddiisa ogolayn, intaa Madaxweynuhu xaqa u laha magacaabista iyo erigga masuuliyiinta uu dalka kusoo laabanayo, haddana waxa faddeexad qaran ah, isla markaana cay ku ah caqliyadda bulshada in Nin qaranka u haya xil intaa le’eg oo heer Madaxweyne gaadhsiisan inay sheekaddiisu ka dhamaan waydo ficil-tanka ardaayadda yar-yar ee Beeshiisa, ileyn waa Nin mar labaad umadda Cod ka doonayee, halkii la reebbay inuu noqdo Nin, oo weliba Maanta baahan.

Kastamka Berbera oo Qasnaduhu Is-garaaceen Iyo kan Saylac oo Dhiishaa-dhaansi ku Jira

 

..DP World oo Liq’day Adeeggii Dekedda Iyo Wasiir Samsam oo Maarayn Kari-wayday Dhaqaale Gariirka Dalka..

Berbera(Yool)-Dakhliga maalin-laha ah ee kasoo xeroon jiray Kastamka Magaaladda Berbera, ayaa dhulka-galay, isla markaana hoos-u-gaadhay saddex-daloolkiiba hal intii markii hore soo geli jirtay, kaddib markii uu xummaadday adeegga dejinta baddeecaddaha ee Dekedda Berbera, sidoo kalena ay ka hayaameen ganacsataddii xidhiidhka la lahaa Marsadda Berbera.

Baadhitaan arrinka Wargeyska Yool ku sameeyey, waxay daboolka ka qaaday in dakhliga maalin-laha ah ee usoo xeroon jiray Kastamka Magaaladda Berbera ka hor intii aan Shirkadda DP World Xukuumadda Somaliland ku wareejinta maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera uu ahaa 3,Bilyan oo Shilinka Somaliland ah, halka sida baadhitaanka arrinkani caddeeyey dakhliga maalin-laha ah ee hadda usoo xerooda Kastamka Berbera uu yahay 700, Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Geesta kale, u kuur-galka arrinkan, ayaa iftiimiyey asbaabaha Saldhigga ama xudunta u ah hoos-u-dhaca weyn ee ku yimi dakhligii Kastamka Berbera kusoo xeroon jiray, waxana arrimaha mashaqadan sababta u ahi kamid ah Shirkadda DP World oo ku fashilantay adeegga soo dejinta Baddeecadaha oo si weyn hoos ugu dhacay, kaddib markii uu khal-khal galay xidhiidhkii wada-shaqeynayd ee ka dhexeeyey Maamulka Shirkadda Dp World Berbera iyo madaxda Shirkaddaha Muruq-maalka Dekedda, taasoo sababtay inuu hakad ku yimaado oo u seer-seer ku dhaco hawsha shaqaalaha badeecaddaha kasoo dejiya Maraakiibta iyo Doon-yaha Marsada kusoo xidha.

Teeda kale, sababaha jilbaha dhulka u dhiggay dakhliga Kastamka Magaaladda Berbera, waxa kaloo, kamid ah Ganacsataddii badeecaddaha kala soo deggi jirtay oo u guuray ama u wareegay Dekeddaha kale ee gobolka ku yaala, sida Dekeddaha Dalka Jabuuti iyo dekedda Boosaaso ee Maamul gobolleedka Soomaaliyeed punthland, arrintaasoo sida Baadhitaanka Wargeysku xaqiiqsadday sababtay inuu kor-u-kac ku yimaaddo dakhliga Kastamka Saylac, oo marka la is-barbar dhiggo hadda iyo ka hor uu laban-laabmay dakhliga kusoo xerooda Kastamka Magaaladda Saylac.

Kastamka cashuuraha dawladda dhexe ee Magaaladda Saylac oo kamid ah Kastamadda ugu weyn xeebta galbeedka Somaliland iyo xududka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, ayaa kor-u-kaca ku yimi dakhliga Maalin-laha ah ee usoo xerooda, waxa kaloo sabab u ah, cashuurta laga qaado baddeecaddaha 25%, aan cashuur laga qaadin, arrintaa cashuur dhimista oo ah mashruuc Wasaaradda Maaliyaddu ugu taol-gashay in kor loogu qaado isticmaalka Dekeddaha yar-yar ee dalka, sidaas awgeed baddeecaddaha dekeddahaa yar-yar kasoo degga loo siiyey cashuur dhaaf 25% gaadhaya.

Dhanka kale, Baddeecaddaha kasoo degga Dekedda Maamul-gobolleedka Punthland Somaliya ee Boosaaso, ayaa iyanna Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxay kusoo gaadhan dariiqooyin kala duwan. Tusaale ahaan baddeecaddaha kasoo degga Dekedda Boosaaso ee laga leeyahay Somaliland qaarkood, ayaa soo maraa dhinaca Hawdka Somaliland, kaddibna sidaas kusoo gaadha Magaalooyinka waaweyn, iyagoo aan bixin cashuurihii laga qaadi jiray kolka ay baddeecadduhu uga soo deggaan Dekedda Berbera, taasina waxay noqotay mushkilad kale oo iyanna khalkhal gelisay Sayladdaha Ganacsiga Somaliland, kuwasoo kolkooddii horeba la ciir-ciiraayey Sixir-barar aan ciddina maareyntiisa isku hawlin, sidoo kale cashuuraha takaalifta oo marba marka dambaysaa Wasaaradda Maaliyaddu cirka ku sii laalayso.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo isaggu ku takhaakhusay Cilmiga dhaqaalaha, ayaa bad-gariirkan dhaqaale ee Xukuumadiisa aaffeeyey, wax aka dhashay is-waydiimo faro-badan oo dadka madaxweynaha aqoonta durugsan u lihii ay Maskaxdooda ka daadeggi wayday in Sixir-barar iyo Musuq-maasuq aaffeeyo Xukuumad uu gadh-wadeen ka yahay Md. Axmed Siilaanyo. Si kastaba xaal ha u dhaccee, waxaan shaki iyo muran bulshada kaga jirin inay jiraan arrimo qarsoon oo saldhig u ah mushaakilka dhaqaale ee dalka farraha bas ku haya, oo sida la tuhun-san yahay qaybta ugu weyn ay ja tahay xaaladdaha hadda taagan Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyaddu arrimo badan oo marka si loo eeggo aan wanaagsanayn ku talaabsatay mudadii ay joogtay Wasaaradda Maaliyadda.

“..Suber-Awal Musharax Maaha ee Muuse ayaa ah, Muuse Biixi Iyo reer Awdal-na ways Yaqaaniin..”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Boorama(Yool)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaan Maanta la is-baray Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi reer Awdal, hase-ahaatee aqoon ku fillan ay isku leeyihiin. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo daba socday hadal kasoo yeedhay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldan Cabdilahi Suldaan Diiriye, isagoo ku sugan Magaaladda Boorama oo u kaga qaybgalay caleemo saarka Suldaan cusub ee Ina Muuse Goodaad,

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi, ayaa hadalkii uu munaasibadda ka jeediyey waxa u kusoo daray codsi Beesha deegaanka gobolka Awdal uu kaga dalbannayey inay taageeran Musharraxa beeshiisa ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Hase-ahaatee munaasibadda oo ahayd mid dhaqan, isla markaana hore looga sii afeeftay in Siyaasadda lagaga hadlo, ayaa markii Suldaan Xasan intaa yidhi, waxa fal-celiyey Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, arrinka suldaan Xasan daba socda, waxa uu yidhi “..Suldaan xasan oo Fariintii Muuse Biixi sidda, waxa uu yidhi, xuluffo ayeynu ahaynee Codka na siiya. Horta Subbeer Awal Musharrax maha ee Muuse Biixi ayaa Musharrax ah, Muuse Biixi iyo reer Awdalna way is-yaqaanaan…”.

Guddoomiye Cirro oo Magacaabay Guddi Hawleedyo lagu Dardar-galinayo Hawlaha Xiliga Doorashada Iyo Ololaha Xisbiga

Hargeysa(Yool)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa magacaabay guddi hawleedyo, si loo dardar galiyo hawlaha xisbiga Waddani, maadaama oo dalku galay wakhti doorasho iyo olole, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga WADDANI.

Guddi hawleedyadan oo ka kooban Sagaal guddi, ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka in loona baahan yahay dedaal iyo dardar-galin waxa uu Magacaabay guddi hawleedyo u xil-saaran qorshaynta, qaabaynta iyo dhaqaajinta hawlaha horyaala xisbiga WADDANI, si loo xaiijiyo himilada xisbiga ee ah Isbeddel Caddaalad iyo Horumar ku dhisan.

War-saxaafadeedka lagu magacaabay guddiyadan oo dhamays tiran ayaa u dhignaa sidan:-

Markaan darsay                       Qodobka 30aad Farqaddiisa 7aad iyo xeerka xisbiga WADDANI

Markaan arkay                         Baahida loo qabo in la sameeyo guddi hawleedyo.

Markaan la tashaday:             Xubnaha Hoggaanka xisbiga Waddani

Markaan ku qancay:              Muhiimadda ay leedahay in la dardar galiyo hawlaha xisbiga.

Maadaama dalku galay wakhti doorasho iyo olole (campaign), loona baahan yahay dedaal iyo dardar-galin waxaan maanta oo taariikhdu tahay 25th August 2017 magacaabay guddi hawleedyo u xil-saaran qorshaynta, qaabaynta iyo dhaqaajinta hawlaha horyaala xisbiga WADDANI, si loo xaiijiyo himilada xisbiga ee ah Isbeddel Caddaalad iyo Horumar ku dhisan.

1. Guddiga Warbaahinta iyo Wacyigelinta

1. Md Cali Sheekh Ibraahim Aareeye

2. Marwo Milgo Maxamed Cilmi

3. Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa

4. Muniir Axmed Cigaal

5. Md Cabdisalaan Maxamuud Ducaale

6. Marwo Saado Jaamac Aadan (Saado-dheer)

7. Md Jamaal Xuseen Hurre

8 Md Cali Axmed Kooshin

9. Maxamed Sidiiq Cabdilaahi

10. Md Aadan Maxamed Ibraahin

11. Md Cabdi Aw Siciid Cawaale

12. Marwo Faadumo Aadan Cawad

13. Maxamed Jaamac Abgaal

14. Mawliid Maxamed Muumin.

2. Guddiga Dhaqaalaha

1. Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed

2. Md Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Md Jamaal Jaamac Xaamud

4. Kayse Cali Geeddi

5. Md Xasan Xuseen Codyare

6. Md Cali Cabdi Saa’iq

7. Marwo Faadumo Suudi Xasan

8. Dr Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)

9. Md Axmed Xuseen Fagfagaash

10. Marwo Qadan Maxamed Cismaan (Qadan-hoodo)

11. Md Bashiir Cabdi Xariir

12. Md Siciid Sulub Maxamed

13. Md Cabdifataax Xuseen (Gamaameeye)

14. Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen

15. Marwo Filsan Cabdiraxmaan

16. Md Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

3. Guddiga Arrimaha Bulshada

1. Prof. Qaasim Sh. Ibraahin Tubeec

2. Md Muuse Cabdilaahi Nuur

3. Md Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye

4. Md Yuusuf Khaliif Axmed

5. Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

6. Md Aadan Cabdilaahi Dhagayare

7. Md Faarax Cilmi Geedoole

8. Dr Idiris Aadan Cali

9. Md Cali Cabdilaahi Dagaal

10. Md Maxamed Cali Qase

11. Md Maxamed Muuse Cabdi (Galaydh)

12. Md Yoonis Axmed Yoonis

13. Marwo Maryan Maxamuud Dirir

14. Md Maxamed Muuse Tiyo

15. Md Jaamac Maxamed Hilaac.

4. Guddiga Arimaha Gudaha iyo Difaaca

1. Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro)

2. Md Axmed Jaambiir Suldaan

3. Md Ismaaciil Aadan Cismaan

4. Md Maxamed Nuur Caraale Duur

5. Md Xasan Maxamuud Maxamed (Dhiilood)

6. Md Ibraahin Ducaale Boos

7. Md Cabdirashiid Macalin Muuse

8. Xil Cali Xaaji Maxamed Muuse

9. Md Aftax Siciid Jaambiir

10. Marwo Foosiya Kayse Faarax

11. Md Cabdiraxmaan Axmed Ilkacase

12. Md Axmed Maxamed Cali (Axmed Naasir).

5. Guddiga Siyaasadda iyo Arimaha Dibada

1. Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

2. Md Maxamed Biixi Yoonis

3. Md Ismaaciil Hurre Buubaa

4. Dr Maxamed Cismaan Fadal

5. Amb. Cali Aadan Cawaale

6. Md Maxamed-wali Cali Xasan

7. Md Maxamed Haaruun Biixi

8. Md Axmed Cabdilaahi Cawaale

9. Md Mawliid Waris Cabdilaahi

10. Md Maxamed Cali Aw Cabdi

11. Marwo Suhuur Xasan Abiib

12. Marwo Safiya Cumar Faarax

13. Marwo Faadumo Siciid Ibraahin

14. Md Cabdiraxmaan Maxamed Magan

6. Guddiga Caddaalada

1. Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadde

2. Md Xuseen Axmed Caydiid

3. Md Barkhad Jaamac Xirsi

4. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

5. Md Axmed Cabdilaahi Al-imaam

6. Md Cabdi Guuleed Gaboobe

7. Md Maxamed Xirsi Ismaaciil

8. Dr Maxamed Siciid Gacamay

9. Md Maxamed Saalax Cige

10. Marwo Ifraax Xiis Kaahin

11. Md Baashe Yuusuf Axmed

12. Md Maxamed Cali Suudi

13 Marwo. Kinsi Xuseen Qawdhan

14. Md. Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje)

7. Guddiga Abaabulka Iyo Xidhiidhka Gobollada

1. Md Abiib Diiriye Nuur (Timacadde)

2. Xil. Baar Siciid Faarax

3. Md Axmed Cabdilaahi Xamarje

4. Md Muuse Yuusuf Raabbi

5. Md Cabdilaahi Axmed Daamur

6. Md Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)

7. Md Xamse Cabdiraxmaan Khayre

8. Md Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed (Taarwale)

9. Md Siciid Xaashi Cali Wayd

10. Md Naasir Beddel Ismaaciil

11. Md Siciid Muuse Cabdi (Bustaale)

12. Md Xuseen Aadan Cadde

13. Md Idiris Cabdi Maxamed

14. Cali Axmed Cabdi (Cartan)

15. Md Cismaan Afgaab Nuur

8. Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah

1. Md Maxamed Baaruud Cali

2. Md Cismaan Aw Aadan Faarax

3. Md Aadan Axmed Warsame

4. Md Maxamed Xuseen Siciid

5. Sh. Saleebaan Sh. Cabdilaahi Muuse

6. Md Daa’uud Xuseen Jaamac (Foodcadde)

7. Md Cabdirisaaq Daahir Jaamac

8. Md Cabdilaahi Digaale Cali

9. Md Cawil Cabdi Xasan

10 Marwo Amran Xaashi Cabdi

9. Guddiga Hawlaha Guud

1. Md Cabdi Haybe Maxamed

2. Md Xasan Cismaan Aw Aadan (Sabce)

3. Md Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini)

4. Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed

5. Mubaarig Cabdi Xasan

6. Marwo Amaal Cabdiraxmaan Warfaa

7. Md Maxamed Yuusuf Cabdi (Mataan)

8. Marwo Ayaan Axmed Baashe

9. Marwo. Khadiija Xaaji Ismaaciil Bandare

10. Marwo. Caasha Maxamuud Dage

11. Md Cabdiwali Maxamuud Faarax Budhyare).

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

Leave a Reply

*