“..Suber-Awal Musharax Maaha ee Muuse ayaa ah, Muuse Biixi Iyo reer Awdal-na ways Yaqaaniin..”Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

“..Suber-Awal Musharax Maaha ee Muuse ayaa ah, Muuse Biixi Iyo reer Awdal-na ways Yaqaaniin..”Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Boorama(SLL)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaan Maanta la is-baray Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi reer Awdal, hase-ahaatee aqoon ku fillan ay isku leeyihiin. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo daba socday hadal kasoo yeedhay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldan Cabdilahi Suldaan Diiriye, isagoo ku sugan Magaaladda Boorama oo u kaga qaybgalay caleemo saarka Suldaan cusub ee Ina Muuse Goodaad,

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi, ayaa hadalkii uu munaasibadda ka jeediyey waxa u kusoo daray codsi Beesha deegaanka gobolka Awdal uu kaga dalbannayey inay taageeran Musharraxa beeshiisa ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Hase-ahaatee munaasibadda oo ahayd mid dhaqan, isla markaana hore looga sii afeeftay in Siyaasadda lagaga hadlo, ayaa markii Suldaan Xasan intaa yidhi, waxa fal-celiyey Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, arrinka suldaan Xasan daba socda, waxa uu yidhi “..Suldaan xasan oo Fariintii Muuse Biixi sidda, waxa uu yidhi, xuluffo ayeynu ahaynee Codka na siiya. Horta Subbeer Awal Musharrax maha ee Muuse Biixi ayaa Musharrax ah, Muuse Biixi iyo reer Awdalna way is-yaqaanaan…”.

Wararka Wargeyska Yool

Leave a Reply

*