Muranka KULMIYE Waddani ha  uga ka faa’idaysto dhinaca kaanbaynka.

Muranka KULMIYE Waddani ha uga ka faa’idaysto dhinaca kaanbaynka.

Muranka KULMIYE Waddani ha  uga ka faa’idaysto dhinaca kaanbaynka.

In xisbiga iyo xukuumadda la kala saaro waxay ahayd fikirkii Hoggaamiyihii hore ee KULMIYE maantana ah Madaxweynaha Soomaalilaan Md. Axmed Siilaanyo. ujeeddada ugu weyn ee uu ka lahaa waxay ahayd dayicii iyo musuqii xilligaa uu sheegi jiray ee uga muuqday Xukumaaddii UDUB. Oo loo bixiyey “ISKU MILANKA UDUB IYO XUKUUMAADDA”
Ka la saarista Xisbiga iyo xukuumaddu waxa la ga filayey horumar iyo istaageeris si waax waliba shaqadeeda u qabsato
maxaase dhacay waxa dhacay in xisbigii iyo xukuumaddii isla falgaleen waliba si xun oo is kooxaysi ah. Waxaana markii ugu horraysay fashiliyey:
Fikirkii uu ka qaatay Cabdirxamaan Cabdiqaadir iyo falkii foosha xumaa ee hoggaanka KULMIYE kaga jawaabeen.
Kala qaybsanaantii huursanayd inta badan ee ka dhex jirtay wasiirrada iyo hoggaanka KULMIYE.
Dagaalkii shaannida ee Hoggaanka KULMIYE iyo xukuumadda dhex maray.
Kooxdii wasiirrada ahayd ee bannaanka uga soo baxday KULMIYE.
Hoggaanka KULMIYE iyo xisbiga intiisa kale oo saddex kooxood sii kala ah oo xukuumaddu la heshiisay iyadoo afar ku noqotay.
Tusaalayaasha aan ku siin karo ee caddaynaya inaanu jirin midnimo iyo tawfiiq xisbi waxaa kamida.
1. Maxamuud Xaashi waxa lagu tiriyaa inuu wato aragti iyo han u gaar ah oo uu ku rabo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse dabadii.
2. Caddaani, Farxaan  Haybe, Faratoon, Xaglatoosiye iqkb waxay doonayaan in Muuse madaxweyne noqdo sidoo kale shiddo Kuma hayso qofka noqon doona Guddoomiyaha KULMIYE Muuse dabadii.
3. Cali Marreexaan, Qabo, Sacad Cali Shire, Zamzam, iqkb waxa taladoodu tahay in Muuse kaliya la dhiso wax kalana aan la soo hadal qaadin in kasta oo Qabo labada dhinacba la saaxiib yahay.
Haddaba maxaa ummadda Soomaalilaan kaga xumaaday muranka KULMIYE?
Waxa innagaga xumaaday sharafkii iyo haykalkii dawladnnimo waana ta keenaysa inaynu aragno calaamadahan xun xun.
1. Xilka qaadistii wasiirkii xidhiidhka Golayaasha oo summad gaara oo siyaasdeed lahayd
2. Muranka iyo fadeexadda ka dhex taaggan Cali Marreexaan iyo Farxaan Haybe oo iyaduna muujinaysa inuu jiro kacdoon hoose oo KULMIYE ka jiraa.
3. Muranka ka taaggan Gobolka Awdal ee u dhaxeeya Maayerka degmada iyo Guddoomiyaha Gobolka oo isna muujinaya inaanu jirin nidaam iyo anshax dawladeed.
4. Shirarkii ka dhacay BURCO ee Naato Iyo Waarso oo iyana ummadda Soomaalilaan u diray farriin ay ka muuqato qabyaalad iyo ka la qoqob.
5. Dib u dhigistii shirkii Khaatumo ee Burco oo KULMIYE ceeb weyn ku ahaa maadama aanu dhicanii kale wargalin.
6. Qaybinta ay qaybiyeen Beelaha Harti iyaga oomudnaanta koowaad siiyey Dhulabahante gaar ahaan Jaamac Siyaad iyo Bahararsame
7. Takoorka siyaasadeed ee shirqoolka ah ee lagu la kacay Beesha Ciise oo bannaanka u soo baxay
8. Burburka saldanaha qaar loo geystay iyadoo kaanbayn laga deyayo.
9. Odayaashii iyo kaadirkii Musharraxa dhisi lahaa oo go’aansaday inaanay ku milmin kooxaha badan ee KULMIYE gudihiisa ku dagaallamaya. Taasna baddal uga dhigay inay ka baxaan KULMIYE.
Fikirka KULMIYE ee Kaanbaynka Doorashada
Gobolka Awadal waxay kaliya cod ka rabaan Habarcafaan oo ay u daba fadhiyaan Axmed Muumin Seed iyo Maxamed Case oo Saylici ka soojeedo. Balse waxa xaqiiqo ah in Waddani labadaba ka badsan doono anigoo ku kalsoon kaadiriinta waddani ee ka soo jeedda labadaa ardaa.
imaatinka YUSUR ABRAAR Guddoomiyihii hore ee Baanka  Soomaaliya waxay u eeg tahay amaba tahayba mid kaanbaynka looga faa’idaysanayo iyadoo ku lammaanaan doonta doodaha casriga ah ee Prof Samatar. Waxa kale oo Iyana xusid mudan doorashada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo iyana ah mid ololaysan oo ah rasaastii ugu danbaysay ee KULMIYE ku riday AWADAL. Laakiin KULMIYE ma eegin sharcigii inooga yiillay Fedaraalka iyo wixii u shaqo taga, mana eegin qaddiyaddii Soomaalilaan mar hadduu Xamar u habar wacday wixii joogay.
Lixda degmo doorasho ee Gobolka Sanaag sadddex kamida KULMIYE waxna uma qaban mana yaqaanno inay Soomaalilaan yihiin iyo in kale saddexda soo hadhayna codkooda wuxuu ku rabaa HAGBAD iyadoo meelaha qaar colaad laga huriyey cid wadda aan la qoon balse KULMIYE waxa Jira dad badan oo ku eedeeya arrintaas.
Gobolka Togdheer KULMIYE markuu tago magaalo madaxda BURCO wax la yidhi markay BURCO salaadda ku tukanayaan qibladu waa Woqooyi labada garab waxa kaa xiga Bari iyo Galbeed Bari ayey u salaama naqsadaan. Xagga Galbeedka afar illaa shan oday ayaa u salaama naqsada oo waftiga kamida saw hadda maad garan.
Hargeysa siyaasadda muuqata ee KULMIYE waa mid caddaan ah oo qof waliba fahmi karayo. Waxa muuqata syaasad u eeg saddex xariiq. Xariiqa koowaad waa KOONFUR iyo WOQOOYI inuu u qaybiyey Hargeysa. Xarriiqa labaadna waa BARI iyo GALBEED. Xarriiqa saddexaadna waa Galbeed iyo koonfur wada jira waana wajiga dhabta ah ee uu kaanbaynka ka keeni karo ololaha KULMIYE-na ka bilaabmi karo.
GOBOLKA SAAXIL kaanbaynka KULMIYE wuxuu ka iman karaa amaba ka imanayaa qaab saddex xagal ah guud ahaan Gobolka waxay samayn doonaan inay Bari iyo Galbeed iyo Hawd loo qiimeeyo. Bariga Berbera olole badan ka gali maayaan waayo waxay aaminsanyihiin in Hagbaddii u taallo. Dadka deegaanka ee aan lahayn waddada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada, ee saxaraha lagu xidhay ayey u taallaa inay Hagbad afar nin galeen ixtiraamaan iyo inay noloshooda badbaadiyaan oo WADDANI codka siiyaan.
Galbeedka iyo Bariga laamiga raacsanna lahjadda lagula hadlayaa waa SUBEERIYA in kasta oo ay yihiin dad ilbax ah oo dood ka qaba DP World, Millatary Baseka, iwm. Waddani qudhiisu taageero laxaadleh ayuu halkaa ku leeyahay. Dhinaca Hawdka ee Go’da weyn iyo ta yarba indhahoodu ma qaban doonaan ihtimaana uma laha ololaha KULMIYE.
GOBOLKA SOOL Laacaanood, Caynaba, iyo Xuddun KLIMIYE wuxuu cod ka rabaa kaliya Caynaba oo ah xarunta GOBOLKA SARAAR waxaase isweydiin leh muxuu kaga rabaa oo kaligeed u xushay? Biyo, adeegyada caafimaadka ee Gobolka, Waxbarashada, jidadka, intaba waxaan idiin hayaan 7-daa sanno wixii uu ka qabtay ma dhamma %9 marka loo eego meelaha qaar. Waana sababta ay ugu codeynayaan Waddani.
WADDANI waxa ii muuqata inuu ka faa’idaysan doono fursado badan iyo burburka KULMIYE gudihiisa ka jira. waayo? Waddani waa hal koox oo leh hal u jeeddo iyo hal hadaf oo ah in la dhiso kaliya Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Guud ahaan sawirka guud ee kaanbaynku aad buu u kala duwanaan doonaa. Waddani oo kale waxay iibgeyn doonaan ama badka soo dhigi doonaan Madaxweyne reer Awdal iyo Sool aanay ka xajiimoon kana xanqarsan. Guud ahaan dadka reer Soomaalilaanna si dhaw u soo dhaweyn doonaan.

Leave a Reply

*