Wararkii   ugu Cuslaa  ee uu Maanta Daabacay Wargeeska Yool  halkan  kaga Bogo

Wararkii ugu Cuslaa ee uu Maanta Daabacay Wargeeska Yool halkan kaga Bogo

Warar Is-khilaafsan oo Hadheeyey Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Joogi-taankiisa Imaaraadka

Hargeysa(Yool)-Warar is-khilaafsan, ayaa kasoo baxaya Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Todobaadyo booqasho ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, kuwasoo qaarkood tibaaxeen in Madaxweynaha iyo xubnaha socdaalkiisa ku weheliya ay dalka kusoo fool leeyihiin Isniinta Berri, halka qaar kalena sheegeen Madaxweynaha iyo xubnaha la socdaa inaanay maalmahan soo hadal-hayn soo laabasho dalka gudihiisa ah.

Wararkan xoggahooddu is-burinayaan oo Wargeyska Yool ka helay illo kala duwan, balse u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqa socdaalka Madaxweynaha ee Imaaraadka, waxay qaarkood xuseen inuu Madaxweynaha usoo dhamaaday ujeedadii uu ka lahaa Safarka Imaaradka Carabta oo ahayd arrin Caafimaad, isla markaana u galay qaliin fudud intii uu halkaa joogay. Sidii u hore u sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Xuseen Dayr.

Hase-yeeshee xoggo kale, oo isla safarka Imaaraadka ee Madaxweynaha la xiidhadha, ayaa lagu sheegaya in Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu hadda usoo jeedin dalka, taasna waxa illuhu ku fasirreen inay tahay mid la xidhiidha arrimihii marka horeba Madaxweynuhu u tagay Imaaraadka, oo aan weli kala miir-dillaacin.

Geesta kale, xoggaha dadeefeynaya soo laabashadda Madaxaweynaha ee Isniinta, ayaa sheegaya in Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo wasiiro kale oo ku sugan Xajka inay maalmaha soo socda u duuli doonaan Dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Magaaladda Abu-Dubai ee u ku sugan yahay Madaxweynaha Md. Axmed Siilaanyo.

Docda kale, waxa jira Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin, hase-ahaatee maalmahan hadal-hayntooda lagu qaada-dhiggayey gobaha Bulshadu isagu timaado, iyo marfeshyada Siyaasadda lagu faaqido, kasoo sheegayey in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Ismaacil Tani uu safar ugu baxay Imaaraadka Carabta, isla markaana uu ka dhoofay garoonka saldhiiga Mileteri ee Dawladda Imaaraadka carabta laga siiyey Magaaladda Berbera. Hase-yeeshee ma jiro War xaqiijinaya ama beeninaya socdaalka Imaaraadka ee Taliyaha iyo ujeedadiisa oo kasoo baxay Hay’addaha ku shaqadda leh ka hadalka arrimaha Ciidamada.

Muse Iyo Saylici oo Kolkii ay Kalsoonidii Awdal Waayeen SHAADIR ay ku Galaan Boorama ka Dhigtay Gudoomiye-xigeenka Cusub

Sanqad-tirashada Muuse + Saamo-jiidka Saylici + Simbiriirixadda Axmed Yaasin ee Kala-garan waaga Xilka Golaha iyo KULMIYE

Hargeysa(Yool)-Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE ee u tartamaya jaggooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xiggeenka Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici, ayaa la fillaya Maanta inay ugu baxaan Magaaladda Boorama Safar ay ku daba-jabinayaan Gudoomiye-ku-xiggeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, iyaggoo food-saaro uga dhigannaya bulshadda reer Awdal socdaalka Xildhibaanka iyo jagada cusub ee dhowaan golaha Wakiiladdu u doortay, maadaama oo labadda Musharrax aan laga taageersanayn gobolka, isla markaana aanay ku lahayn waji-lagu soo dhoweeyo oo ay ku kalsoon yihiin Muuse iyo Saylici.

Safarka Xukuumada iyo xisbiga isku milmay ku tagayaan Magaaladda Boorama, ayaa sida lagu sheegay xoggo Wargeyska Yoolsaacaddihii dambe ee Xalay uu ka helay ilo ku dhow-dhow Kaaderinta u kala damqaada Kulmiye iyo xuluffadda Xukuumadda ee Saylici, ayaa tibaaxay in gudoomiye ku-xigeenka cusub ee golaha Wakiiladda Safarkan ay ku wehelin doonaan Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo koox ah Wasiiradda taabacsan Muuse iyo Saylici, waxana xogaha socdaalku intaa raaciyeen in Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Kulmiye sii qorsheysteen inay la kulman inta ay joogan Magaaladda Boorama aqoonyahan iyo Odayaal-dhaqameed kasoo jeeda sida illuhu tibaaxeen Beesha gudoomiye ku xigeenka cusub ee golaha Wakiiladdu kasoo jeedo, oo sidda la sheegay ay rabbaan labada murashax inay kala hadleen kula gor-gortamaan kursiga shir-gudoonka Wakiiladda, taa bedelkeedana Beeshu Codkeeda ku dhisto Muuse iyo Saylici, maadaama iyaguba ay dhiseen sida ay ku doodayaan Gudoomiye ku-xigeenka cusub ee golaha wakiiladda Md. Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle.

Geesta kale, Wararka Wargeysku ka helayo Magaaladda Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa kusoo waramaya inuu magaaladda ka socdo dhaq-dhaqaaqyo ay dabada ka riixayaan masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda, dhaq-dhaqaaqyadas oo ah kuwo ku kooban sidii loo samayn lahaa soo dhoweyn dusha ka ah Gudoomiye ku-xigeenka cusub, hoostana ka ah dholo-tus Bulshada loogu hoo-saasinayo Musharrax Muuse iyo ku-xigeen Saylici, waxa kaloo Wararka gobolka naga soo gaadhaya intaa ku darreen, in Fikirifoonno la saaray Baabur tiro badan, sidoo kale, Tiirarka Laydhka ee Shaaracyada Magaaladdana lagu rakibay Cod-baahiyayaal.

Docda kale, inkastoo qabashadda Mansabyadda waaweyn ee Qaranka Somaliland aanay ku cusbay gobolka iyo dadweynaha reer Awdalba, oo sida la wada-ogsoon yahay hadday xilal noqoto ka gaadhay halkii ugu sarraysay oo ah Madaxweyne, balse haddana Xildhibaan Axmed yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo marka intiisa la eeggo gobolku ixtiraam u hayo, waxa safarkiisan la moodo socdaalladii Shiinnidda ee boqorraddu hagto, durbadiiba ka darreen celiyey aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Awdal gaar ahaan Magaaladda Boorama, kuwasoo qaarkood ku taliyeen inay haboonnayd Gudoomiye-ku-xigeenka cusub ee golaha Wakiiladdu isaggoo keligii ah oo ka madaxbanaan Xisbi iyo xukuumad labada inuu gobolka yimmaado, balse sidda hadda wax yihiin uu wax ku waaya-yo gudoomiye ku xigeenka, isla markaa socdaalkan loo dhan yahay uu mad-madow u gelinayo kalsoonidii golaha xilka u doortay, maadaama mucaarid iyo muxaafid intaba goluhu u dhammaa doorashadiisa.

Waxa kaloo, aqoonyahan aragtiida ka dhibtay safarkan isku cag-daray Saylici, Muuse iyo Gudoomiye ku-xigeen Axmed Yaasin, waxay qaarkood ku tilmaameen safarka inuu wax u dhimay qadarinta iyo xushmaddii loo hayey Xildhibaan Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, kaddib markii uu ka dhigay xilka shir-gudoonka golaha wakiiladda ee loo cimmaamadday mid aan loo garan gobolka, balse uu yahay amaano Saylici iyo Muuse Biixi u dhibteen, Codna kaga rabbaan Beeshiisa, sababta oo ah sidda aqoonyahanku xuseen waxa arrintaa u daliil ah inuu yahay mid abaal celintiisa looga fadhiyo Gudoomiye-ku-xigeenka safarkan lagu weheliyo, waayo sida dadka aragtiyahan bixiyey ku doodeen hadii xilku yahay mid gobolka loo gartay waxa Safarka uu gobolkiisa ku imanaya noqon lahaa mid Xor ah oo u madaxbanaan yahay, oo sida hada dhacday dad ujeedo gaar ah gobolka ka lehi aanay qoorta kaga marnayn.

Siciid Salle-cale Baroosinkii WADDANI ka Qaatay Iyo Waabeeye oo Iftiimiyey Kala Duwanaanshaha Uurka Iyo Afka Xildhibaanka

“..Ninka Madaxweyne iga rabba ee ii Quudhi waayey Gudoomiye-ku-xigeen Gole..”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

“..KULMIYE iyo WADDANI-ba waxay ka sinnaayeen Cidda ay u sharraxayeen labada Jaggo ee Banaana oo kala ahaa Sool iyo Awdal, Siciid-na isagga WADDANI usoo xulay Musharraxa reer Awdal, Hadana isagga yidhi Musharrax-baan ahayn..”

Xildhibaan Waabeeye

Hargeysa(Yool)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sheegay inuu ka baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku sababeyey arrinka ku keliffay inuu ka baxo Xisbiga WADDANI, kadib markii Xildhibaanadda Xisbigaasi u quudhi waayeen inay u sharraxan jagadda Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda oo hun-guri ka hayey. Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo kamid ah mudanayaasha WADDANI ee golaha Wakiiladda, ayaa isna dedeefeeyey dhawaqa eeddaha u usoo jeediyey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, isla markaana sharaxaad waxa uu ka bixiyey Md. Waabeeye is-taajiyadda labada  Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE u mid waliba gaarkiisa u dejiyey marka ay noqoto cidd ay u qorsheysteen bedelkoodda inay u buuxiyaan jagooyinka is xigga ee ay banneeyeen Gudoomiyaha WADDANI Cbadiraxmaan Ciiro iyo Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Jagooyinka xubnahaasi banneeyeen oo kala ah, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda, ayaa labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, waxa midba gaarkiisa usoo xulay ama u qrsheeyey labada xubnood ee jagooyanka u sharaxi doonaan. Tusaale ahaan Xisbiga KULMIYE ee talladda haya ayaa geestiisa jagadda koowaad ee Gudoomiyaha golaha Wakiiladda waxa u u asteeyey Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo kasoo jeeda Gobolka Sool, halka jagadda Gudoomiye-ku-xigeenka koowaadna uu meel usii dhigay Xildhibaan Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo kasoo jeeda Gobolka Awdal.

Geesta kale, Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dhankiisa isna, waxa uu jagooyinkaas u kala asteeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ah Xildhibaan reer Sool ah, isla markaana isku beel ay kasoo wada jeedan Xildhibaan ka dhiggasa ah ee KULMIYE, kuna tarami doonaan jagadda Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, halka jagadda Gudoomiye ku-xigeenka koowaadna Xisbiga Waddani ugu talo galay inuu jagadaas ugu baratamo Xildhibaan Xasan Karama, oo isna dhalasho ahaan ay gobol kasoo wada jeedan dhigiisa KULMIYE.

Haddaba inkastoo shaxda labada xisbi ee buuxinta jagooyinkaasi sidaas u kala caddeyn bulshadduna la socotay, ayaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsanaa Xisbiga WADDANI, oo weliba uu Gudoomiye u ahaa Xildhibanada golaha Wakiiladda ee Xisbiga WADDANI, waxa shir-jaraa’id oo u shalay ku qabtay Magaaladda Hargeysa ku sheegay in Xisbiga WADDANI uu dhabarka u jeediyey, una quudhi waayey jagada Gudoomiye-ku-xigeenka golaha Wakiiladda, isla markaana sidaas darteed uu ka baxay Xisbiga Waddani, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi; “…Waxaan ku dhawaaqaya kow inaan ka baxay Xisbigii WADDANI. Kursiga intuu Siciid heli lahaa hala waayo. Ninka Madaxweyne igga doonaya ee Kursi yar oo Gudoomiye ku xigeen Baarlamaan ah oo aan laba sanno la daba joogay, waxa I diyaar ahaa 19-xildhibaan oo KULMIYE ah, hadaan heli lahaa 24-ka WADDANI Kursiga Gudoomiye-ku-xigeenka golaha Wakiiladda aniga Maanta ku fadhiyi lahaa. Maalintaan WADDANI galay wuxuu ahaa Urur yar oo reer ah cidna lamaan tashan, waxanan u arkaayey inaan Qabyaaladda ka saaro Umadda..”.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, ayaa sheegay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble inuu marin-habaabiyey ka bixitaankiisa Xisbiga Waddani, isla markaana xusay inaan labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE midkoodna aanu musharraxnimo u wadan Xildhibaan Siciid, balse labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ay istaajiyad cad oo la wada ogaa ka lahaayeen buuxinta jagooyinka ka banana shir-gudoonka golaha Wakiiladda. Hase-yeeshee dooda hadda ee Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ay tahay mid jaban oo u marmarsiiyo uga dhigay ka bixi-taanka Xisbiga, isla markaana aan wax xidhiidh ah la lahayn musharraxiintii Xisbigu jagooyinkaas u qorsheeyey, isagoo Xildhibaan Waabeeye arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi; “..Horta Xildhibaanka waan ixtiraamaya, xorna wuu u yahay inuu ka baxo Xisbiga Waddani oo markii horeba waxanu wada ahayn Kulmiye. Anigu ma qabbo inaanu dhabar-jebinay Siciid, waayo? Tusaale ahaan waxa jiray qorshe aan heshiis ahayn, balse labada xisbi ee Kumiye iyo waddaniba ka siinaayeen oo ah, metelan jagadda Gudoomiyaha golaha Wakiiladda waxa afgarasho guud la isla qaatay inay u tartamaan laba mudane oo kasoo jeeda sool iyo Sanaag bari oo isku beel ah, hadda maha heshiis meel lagu qoray, waa’se afgarasho la isla qaatay. Sidaas darteed WADDANI waxa uu jagadaas usoo sharaxay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, KULMIYE isna waxa uu soo sharaxay Baashe Maxamed Faarax. Xisbiyaddu waxay sidaas oo kale isla garteen afgarasho guud oo ah in Gudoomiye ku-xigeenka koowaad in loo sharaxo Mudane kasoo jeeda Gobolka Awdal. Sidaas darteed Xildhibaan Siciid oo ahaa Gudoomiyaha Xildhibanada WADDANI, isla markaana lahaa soo jeedinta musharraxnimada Xildhibaan Xasan Karaamo ee Xisbiga WADDANI. Xildhibaan Siciid anigoo sidaas wax u wada-wadnaa ee ay dhacday doorashadii Baashe iyo Talyanlena dhacday, waxa Xildhibaan siciid dhawr fadhi ka maqnaadday kulamadii Xildhibanada WADDANI dabeetana waxa lagu war-helay inuu Musharrax yahay, markii lagu war-helay ee la waydiiyey, waxa uu yidhi aniga KULMIYE ayaa i dooranaya. KULMIYE-na Siciid ma waddani oo wuxuu u olloolleynayey oo wax walbaa dul-dhigay inuu Axmed yaasiin soo saaro, markaa KULMIYE weligii umu olloolleyn inuu Siciid soo saaro, Wadanina umma olleyn oo kaadhka la ciyaarayey wuxuu ahaa gobolka Awdal, KULMIYE-yahan uu ku biirayna wuu ka ollolleynayey hadday ku tahay Madaxweyne-ku-xigeen, Wasiiro iyo Gudoomiyaha KULMIYE-ba, qof soo jeediyey in Siciid Cilmi la doorto ma jirin..”.

Gudoomiyaha-ku-Meel-gaadhka Ee WADDANI oo ka Hadlay Sababta uu u Hakiyey Guddi Hawleed Xisbigu soo saaray

“…Inkastoo hadalo laga sheeg-sheegayey Axmed-Yaasiin, waxaan kula Talinaynaa in aanu ku milmin Xisbiga [KULMIYE], haduu Xisbiga u shaqayn jirey iminka Xildhibaanada ayuu hoggaamiye u yahay…”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

Hargeysa(Yool)-Gudoomiyaha-ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in sababtii loo joojiyey Guddi-hawleedyadii Xisbiga WADDANI soo saaray dhowaan inay ahayd guddiyadu aan dhamaystirnayn, isla markaana iyagoo qabyo badani ku jiro la soo saaray.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa uu intaa ku daray markii inay joojiyeen kadib markii ay wadatashi arrinkaa ka yeesheen Gudoomiyaha, Xoghayaha iyo hoggaanka xisbiga WADDANI isla garteen ilaa inta la dhamaystirayo inaan la hawlgalin guddiyadaasi.

Gudoomiyaha-ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi uu siiyey TV-ga Somali Star, waxa kaloo uu ka hadlay sida uu u arko xisbi ahaan in shir-gudoonka Golaha Wakiiladu uu noqdo mu’xaafid ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Ugu horayna Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde oo ka hadlaya guddiyada Xisbigoodu hakiyey, waxa uu yidhi “…Guddidu ma dhamaystirna iyadoo qabyo ah oo qabyo badani ku jirto ayaa la soo saaray, markaanu wada-tashanay Gudoomiyaha, Xoghayaha iyo hoggaankaba, waxa la isla gartay ilaa inta la dhamaystirayo inaan la hawlgalin, hawlgalinta uunbaa la joojiyey.

Waxay ahayd in guddida la isugu yeedho oo la yidhaa hawlgala, markaa waxa la isla qaatay in aanay dhamaystirnayn oo qabyo badan ay ku jirto ilaa qabyada laga saaro inaan la hawlgalin oo gudidii lamana joojin, lamana kala dirin ee waa hakin uun.

Marka la dhamaystiro ee qabyada kala duwan ee ku jirta oo haday tahay hawsha sida loo qaybin lahaa, haday tahay qaybo ka maqan markaas uunbaa la hawlgalinayaa ee maaha wax la isku qabsaday oo lagu murmay.

Walaahi fikrado badan ayaa jira, oo guddidan hindisaheedu waxa uu bilaabmay Afar ilaa Shan bilood ka hor, markaa fikrado ayaa jira markaa la leeyahay mar haddii Xisbigii barnaamij dhigtay hawlahan lagu magacaabay waa hawlaha barnaamijka ku yaala, markaa in la hawlgeliyo hawlihii Xisbiga ee maaha in hoggaanka oo keliya in Xisbigii la daadajiyo oo hoos loo daadedjiyo oo la hawlgaliyo way qurux badan tahay, marxaladana waa la eegi doonaa.

Imika waxa inagu soo socda oo hawsha ugu weyn ee inagu soo socdaa waa ololaha oo guddiyadii oo gobolaysan oo nidaamaysana la sameeyo, markaa waa la isla eegi doonaa inay munaasib tahay iyo in aanay munaasib ahayn..”. Ayuu yidhi Xildhibaan Jirde.

Gudoomiyaha-ku-meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI mar la waydiiyey saamaynta ay xisbigooda ku yeelan karto in Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka Golaha Wakiiladu ay ka soo jeedaan Xisbiga mu’xaafidka ah ee KULMIYE, waxa uu ku jawaabay “…Walaahi horta waxa weeyi, waxaan filayaa Goluhu mudo badan ayuu joogayoo waa la soo waayo arkay, hoggaan talo xisbi soo qaata ma shaqaynayo, hogaan inuu talo Xisbi soo qaato maaha, anigu hogaanka waan ka mid ahaa, marba hadaad hogaanka noqoto Xildhibaanada iyo Asxaabtaba dhex ayaad u tahay, ma hogaamin kartid adiga oo Xisbigaagii hogaaminaya, oo Xisbigaagii habeenkii la soo tashanaya, oo cid gaar ah habeenkii tallada kasoo qaadanaya, talo meel kale lagaaga soo dhiibay golaha kuma hogaamin kartid, waanan ka balanay, Baashe-na imika 12 sanadood ayuu xilka soo hayey, waana nin garanaya, waanu fahamsan yahay inuu noqdo Gudoomiye Golaha oo dhan ah, markaa Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle-na waxaanu kula talinaynaa inkastoo hadalo laga sheegsheegayey in aanu ku milmin Xisbiga iminka, haduu Xisbiga u shaqayn jiray imika Xildhibaanada ayuu hoggaamiye u yahay, waa inuu hogaamintii Xildhibaanada uu kusoo noqdaa imika.

Cali-na waaba nin waayo arag ah oo 12-ka sanadood ayuu joogay oo golahana dhex u ahaa, Baashe-na waanu ka filaynaa inuu golaha dhex u noqdo..”. Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxaanu gebogabadii uu baaq nabadeed u diray dadka Walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaamada Buuhoodle iyo Ceel-Afweyn, isagoo arintaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “…Waa ayaandaro iyo wax aad iyo aad looga murugoodo in dadkii abaarta kasoo doogay ee weli diiftii hayso oo Maantuun illaahay inay salka dhigaan u dhaw in hadana ay dib isu barakiciyaan oo ay isku laayaan oo ay aano isku dilaan waa wax laga xumaado.

Illaahay waxaanu uga baryeynaa fadliga Ciida Odxiya in Illaahay qalbigooda isu soo dhaweeyo waa dad aan kala tegayn waa dad is-dhalay, waa dad illaahay meel ku wada abuuray, markaa inay is laab-xaadhaan, illaahay-na waxaanu uga baryeynaa inuu waafajiyo..”. Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Sheikh Aadan-Siiro oo Farriin u Diray Komiishanka, Kana Hadlay Marxaladda Kala-guurka ah ee Dalku Marayo

Hargeysa(Yool)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland u soo jeediyey Talooyin ku saabsan Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacaysa 13-ka bisha November ee Sannadkan 2017-ka. Sheekh Aadan-Siiro oo khudbad u jeediyey Dadweyne tiro badan oo uu Salaaddii Ciidda Carrafo uu Maanta ku tukiyey Garoonka Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Masiirka Ummaddu ku xidhan yahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, sidaa darteed looga fadhiyo inay ku shaqeeyaan si Caddaalad ah, dhexna u ahaadaan Saddexda Xisbi Qaran ee Doorashada ka qayb-galaya.

Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya Ujeeddooyinka Shacabka Somaliland ula dagaalameen Dawladdii Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ayaa yidhi “Walaalayaal waad ogtihiin oo Waddanka dhib badan ayaynu u soo marnay, Hanti badan baa ku burburtay, Halgan dheer oo Dadkii aynu jeclayn Qaar badan oo ka mid ahi ku dhinteen, Qaar badana ku Lugo beeleen, Hooyooyin badan ay ku agoomoobeen, in badanna ay Daryeel la’aani ku dhacday ayaynu u soo marnay Dalkan. Wixii aynu Boqollaal Sannadood tabcaynay waxaynu u baa’biinay sababteedu waxay ahayd inaynu Hello Caddaalad, Sinnaan, wax wada lahaansho iyo Xorriyad taam ah.”

Sheekha oo khudbaddiisa sii wata ayaa farriin u diray Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland “Walaalayaal, Maanta waxaynu ku jirnaa Marxalad kala-guur oo xaasaasiya, sidaa darteed waxaanu Inta Caqliga iyo garashada leh ku waaninaynaa in Doorashadaa Maanta laga dhex ahaado. Waxaanu aad iyo aad u waaninaynaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxa la leeyahay Komiishanku wuu wanaagsan yahay, laakiin sidii ka muuqatay Go’aamadii ay ka soo saareen markii ay Xisbiga Muxaafidka ah iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi ololaynayeen (Xilligii Kaadh-qaadashada) Go’aamadii ay soo saareen waxba way ka shaqeyn waayeen, ummaddu taa dareen bay ka qaadatay ay leedahay haddii khilaaf yimaaddo, haddii wax iswaydaarini timaaddo aad bay u dhaliilayaan Komiishanka, markaa waxaanu leenahay Komiishanka Maanta idinkaa Dalka bedbaadinaya, Maanta Ummadda Taladeedu idinka ayay idinku xidhan tahay, Waayo? Hay’adda kala saaraysa Ummaddu waa idinka (Komiishanka Doorashooyinka), waxaanu idinku waaninaynaa Caddaalad, waxaanu idinku waaninaynaa inaad Xisbiyada Dhex u ahaataan, waxaanu idinku waaninaynaa inaad Sanaaduuqda Doorashada ilaalisaan, in Muraaqibiintu dhex u ahaadaan Xisbiyada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Rasuulka (CSW) oo Ummadda Muslimiinta la hadlaya ayaa yidhi, ma idiin sheegaa Dambiyada ugu waaweyn, waa ILAAHAY oo wax lala wadaajiyo, Waalidka oo Caaq lagu noqdo iyo hadalka Been-Abuurka ah. Sheekha Al-imaamu Qardaawina wuxuu yidhi Been-abuurad la sameeyo waxa ugu weyn iyadoo la been-Abuuro Dadku waxay ku kala baxayaan. Sidaa darteed waxaanu Komiishanka iyo Muraaqibiinta ku waaninaynaa in Arrintaa la ilaaliyo, si Caddaalad loogu kala baxo. ILAAHAY Doorashadaa si Nabadgalyo ah ha innagu dhaafiyo, waxaanuna leenahay si Caddaalad ah haku dhacdo.”.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Dhulka Laynka Booliiska Hargeysa oo uu sheegay in Ganacsato doonayaan inay la wareegaan “Waxaanu Dawladda kula talinaynaa Muddada Saddexda Bilood ah ee u hadhay inay ilaaliyaan Dhulka yar ee Hadhay ee Kooban. Waxaanu ka hadlaynaa Laynka Booliiska (Xaafadda Laynka Booliiska Hargeysa), imika waxa ku hawlan Dad ka tirsan Xukuumadda iyo Dad Ganacsato ah oo horeba wixii Ummaddu lahayd wax badan ka qaatay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu talooyin u soo jeediyey Dawladda dhexe iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa “Xukuumadda dhexe iyo Dawladda hoose oo Maayarku Hoggaaminayo waxaanu kula talinaynaa Waar Meeshaa (Laynka Booliska) Booliiska iyo Dad kale ee Masaakiinta ah ee ku nool mid walba waxaynu u dhisi doonaa Gurigiisa, ee waxaanu kula talinaynaa in Meeshaa Basaska lagu xereeyo iyo in laga dhigo Meel la dhigto Baabuurta Suuqa ku socota oo Saacaddii Qofka laga qaado Kun Shilin, Dakhli badan baa Dawladda ka soo geli doona, Baabuurta Suuqa Wareerisayna waynu kaga raysan, haddaydaan sidaa yeelayn hala siiyo Jaamacadda Hargeysa, maaddaama oo Jaamacadda Hargeysa tahay ta keliya ee Ummaddu leedahay, oo ha noqoto Qaybta labaad ee Jaamacaddu leedahay, haddaydaan taa yeelayn Qaybtii labaad ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa ha laga dhiso.”.

Ugu Dambayn, Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Ganacsatada kula taliyey inay ka waatoobaan Dhulka Danta Guud “Qolada Ganacsatada ah waxaanu leenahay Walaalayaal Xoolihiina ha ku dhibina Dadka Muslimiinta ah, wax kugu kelifaya inaad qaadato inta yar ee Ummadda ka dhaxaysaa ma jirto, markaa waxaanu leenahay Ganacsatada ILAAHAY ka yaaba oo intaa yar (Laynka Booliiska) u daaya Dadka Muslimiinta ah.”. Ayuu yidhi.

Leave a Reply

*