Saylici oo ka Muquurtay soo Dhoweyntii Madaxweynaha Iyo Xuddunta Khilaafkooda

Saylici oo ka Muquurtay soo Dhoweyntii Madaxweynaha Iyo Xuddunta Khilaafkooda

 

 

Hargeysa(Yool)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici, ayaa ka muquurtay soo dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shalay kasoo laabtay safar qaatay muddo labada Todobaad ah oo ugu maqnaa dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaggoo tallaabada iyadda ah, jawaab uga dhigayey cadho ka dhalatay xurguf-siyaasadeed dhex-martay isagga (Saylici) iyo xubno iskugu jira qoyska Madaxtooyadda iyo xulufadooda, taasoo ka dhacday qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa laba todobaad ka hor markii uu Madaxweynuhuu kusii jeedday dalka Imaaraadka Carabta.

Warar Wargeyska Yool ka helay ilo ka-dhex-dhow Waftigii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa tibaaxay Madaxweynaha iyo waftigiisu inay kusoo war-geliyeen Imaatinka Isniinta ee Waftiga Madaxweyne ku-xiggeenka, hase-yeeshee Madaxweyne ku-xigeenku sidda muuqata arrinkaa dheggeey-jalaq-umuu siin. Waxa kaloo Wararku intaa ku darreen Madaxweynaha iyo waftigiisu iyo Madaxweyne ku-xigeenku inay talo-ka yeesheen Safarka Boorama iyo cidda tagi-doonta, sidaas darteed labada dhinac isla qaateen in loo daayo safarka Boorama Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, balse wax khaldamaybaa taasina ma dhicin. Madaxweyne-ku-xigeenkuna intuu Xukuumada wixii ka joogay Hargeysa cagta sii mariyey, ayuu weliba isagoo hor-kacaya u arooriyey Boorama iyo halkii la isku oggaa inuu u dhaafo Madaxweyne-ku-xigeenku Musharrax Muuse iyo Gudoomiye-ku-xiggeenka cusub, si isagguna waa Md. Saylici’ye uga qayb-qaato soo dhoweynta waftiga Madaxweynaha uu xilkiisa sii hayey.

Geesta kale, illaha Wargeysku xogta ka helay, waxay xuseen inay sabab u tahay Madaxweyne-ku-xigeenku inuu ka baaqdo soo dhoweynta Madaxweynaha arrin ka dhalatay xurguf-siyaasadeed oo ka dhacday Madaarka Hargeysa intii lagu gudo-jiray sabootiskii Waftiga Madaxweynaha, arrintaasoo sida xoggaha lagu sheegay ahayd khaa-khaayiraad ka dhacday qolkaa nasashadda ee Madaarka Hargeysa, taasoo sidda illuhu tibbaaxeen xubno iskugu jiray qoyska iyo xulufadoodu ku boobeen Madaxweyne-ku-xigeen Saylici. Hase-ahaatee illuhu ma xusin xubnaha arrinkaa ku kacay iyo nooca khaa-khaayiraaddu ahayd.

Dhacdadan oo marka si loo eeggo ah mid muujinaysaa inuu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, wallow khilaafka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu sheekaddiisu noqotay War la qabaa xiiso ma leh, oo intii xilka ay hayeenba la maqlaayey way is-haystaan iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii wuu du’day, balse haddaana is-haysadkooda Maantu wuu ka duwan yahay wixii hore, maxaa yeelay mar waxa lagu jiraa aakhirul-cimrigii Xukuumadda, marna Madaxweynuhuu waa kan ka hadhay doorashadda teeramkiisa labaad, sidaas awgeed gari-allay taqaannaayee, kol hadii Madaxweyne-ku-xigeenku isaggu maanta uu yahay Musharrax doorashadda u taagan, isla markaana u baahan yahay taageeradda Madaxweynihiisa xilka ka tagaya, waxa haboonneyd isagoo intaa iyo in kaloo faro-badan maskaxdiisa ku hayaa inuu wax-walbaa liqo, oo xataa go’aanno ad-adag hadday ku yimaadaan ay ahayd inuu indhaha ka laaliyo.

Hase-yeeshee marka aynu soo qaadano ficillada Madaxweyne ku-xigeenku uu ku socdo, sida arrinka Gurigii hore ee badhasaabka Awdal oo Madaxweynuhuu sifo-sharci ah ku siiyey Muwaadin reer Boorama ah, balse Madaxweyne-ku-xigeenka arrinka Gurigaasi uu ka daadegi la’yahay ilaa Maanta, intii Madaxweynuhu safarka ku maqnaana uu dhawr jeer faro-gelin ku sameeyey arrinka Guriga, ilaayo hadda oo u boorama joogo Madaxweyne-ku-xigeenku aanu ka madhnay sheekedda Guriga.

Leave a Reply

*