Dudumo kama maydhmo boodhka dushu

Dudumo kama maydhmo boodhka dushu

Dudumo kama maydhmo boodhka dushu

farmaajo iyo xukumada lagu adeegto ee uu hogaamiyo waxay wadaan galgalasho aan faaladho kaga go,ayn ,waxay marba sare ula boodayaan kelmad uu ku hadaaqay mid ka mid ah kuwii ay u gacan galiyeen halgame qalbi dhagax kuwaas oo kadib markii ay dhayda ka cadeeyeen sidii uu ninkaasi gacanta ugu soo galay , cidii usoo galisay iyo sababtay sidaa ugu sameeyeen xukumada ay ku adeegtaan yaga iyo ciidii wax uga baahata somaliya iyo waliba cid walba oo lasoo gaadha waxay doonto.

Dooda ugu badan ee ay akhriyayaan waxay ku soo ururaysaa ilaa shalay :
Qaar waxay ku banaynayaan dhiigiisa inay somalimada ka saaraan oo waxay ku sheegayaan itoobiyaan yagoo ku  xisaabiyay axmaarada ama tigrega amaba gabeelaha iyo uragaada kuwa sidaa ku doodayaa waxay is ilowsiinayaan inuu somalimada cad oo ah inuu ka soo jeeday somalida uu u halgamayo ee itoobiya haysato sidoo kale inoo degaan ahaan ka tirsan yahay degaanada somaliya gudeehada sidaaaa kismaanyo iyo gedo labada sidoo kale waxay iska indha tirayaan inaanu waligii u adeegin itoobiyada ay ku dhejinayaan taa bedelkeedana uu ka mid ahaa ciidan xooga dalka somaliyeed oo uu dhowr jeer ku  dhaaqacmay dagaal uu ku difaacayo dalka.
qaar kale waxay eedaynayaan ninkii ay u dhiibayn cadowgii uu dirirta iyo dagaalkabkula jiray waxay akhriyayaan hadalo ay u laqimeen gabre iyo kuwa u adeega oo ay ku dhawaayaan uun sida shimbirta la yidhaahdo baqbaqaada waxay bedeleen cidii uu la dagaalami jiray magacyadooda waxanay u dhigeen sidan:

Halkii uu oa laynayay tigreega waxay u bixiyeen hooyo somaliyeed
halkii uu ka maaruqayay axmaarada waxay dhigeen caruur somaliyeed halkii uu kala dagaalamayay kuwa u adeega labaadaasna waxay dhigeen oo magac uga dhigeen nabada somalida intaas oo ayaa abaal iyo xaal looga dhigay ninkaa u halgamayay dalkiisa la haysto ee gacanta u galiyeen cadowgii uu la halgamayay.

Intaas waxaa dheer in inta baarlamaanka la lgu adeegto lay isugu yeedhay ayaa cay cadaan ah ayuu dadka caqligioda ku caayay mid sheeganaya gudoomiye barlamaan wuxuu ku khudbadeeyey hadal aan caqliga la soo marin oo la moodo in caloosha laga keenay oo lasoo matagay oo hadana farmaajo iyo waxa lagu adeegto uu is lahaa ha loogu hiiliyo oo kacdoonka kagaga yareeya yadoo dadkii u doodayay halgamihii qalbi dhagax laysku dayayo in lagu qaboojiyo ayaa dhawaaq taagan la yidhi madaxwaynaha waa la minja xabiyay oo imika waxaa la banaynayaa in ku dhow boqol xil
Kkkkkkkkkkkkkmkk hahaha
Xataa ma garanayaan siday dadma u dejin lahaayeen ee way isku sii kicinayaan may odhan ninkii loo af duubay cadowga waa la soo daynayaa ama waa la soo celinayaa
Meeshaa waxba kama soo kordhayaan aan ahayn in cay naloogu daray dhibtii nalagula kacay oo caqligaya iyo dadnimadayada la caayay iyo in qirtay wixii in mudo ah la diidanaa oo dooda badan iyo hadalada faraha badan layskaga difaacayay .

Halganku wuu soconayaa waxaana loo bahanyahay in somaliya la xoreeyo intaan dooduna wali way socotaa laakin halgame qalbi dhagax wuxuu kugalay oo ku jiraa gacmaha cadowga somali oo dhan

Somaliyeey kaca

By maxamed cabdilahi nur
Koomaati@gmail.com

Leave a Reply

*