Bog-caddaha Dhulka Dawladda ee Sayladda Yaal + Maal-qabeenadda Qorsheystay Iyo Wareegtadii Madaxweynaha oo soo Dhaafi la Madaxtooyadda

Bog-caddaha Dhulka Dawladda ee Sayladda Yaal + Maal-qabeenadda Qorsheystay Iyo Wareegtadii Madaxweynaha oo soo Dhaafi la Madaxtooyadda

Bog-caddaha Dhulka Dawladda ee Sayladda Yaal + Maal-qabeenadda Qorsheystay Iyo Wareegtadii Madaxweynaha oo soo Dhaafi la Madaxtooyadda

Hargeysa( SLL/ Yool)-Waxa marba marka ka dambaysa soo ifbaxayey, gaar ahaan labadii todobaad ee u dambeeyey qaylo-dhaan dhiilo leh, oo ku saabsan dhul iyo hanti dawladdu leedahay oo si sharci darro ah loo siiyey shaqsiyaad Maal isbidday oo reer Somaliland ah, talaabooyinkaasna waxa sida fiinta uga qayliyey oo cod dheer bulshada ku gaadhsiiyey masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Sheekh Aadan Siiro oo kamid culimada waaweyn ee dalka.

Haddaba goobaha dhulka Dawladda ee masuuliyiintaasi codka dheer ku sheegeen marka laga yimaaddo waxa kaloo soo ifbaxaya sida ku cad xoggo Wargeyska Yool u helay in Xukuumaddu Iibisay goobo cusub oo hor-leh, kuwasoo sida Wararka Wargeysku helay tibaaxeen uu kamid yahay dhulka iyo dhismaha Baanka dhexe ee laanta Dumbuluq, guryaha Booliska Burco iyo Iskuulka Riis ee Magaaladda Hargeysa, goobahaas ayaa sidda illuhu xuseen dhamaantood waxa Xukuumaddu ka iibisay ashkhaas ganacsato.

Waxa kaloo, Wararka amuurtan la xidhiidha intaa ku darreen, xubno xukuumadda ka tirsan inay soo bisleeyeen iibna usoo helleen faggaaraha Khayriyadda iyo taliska guud ee ciidanka asluubta ee Magaaladda Hargeysa, hase-yeeshee sidda illuhu xuseen arrinkaa diidday oo ganafka ku dhuftay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Axmed Siilaanyo, dhowaan Madaxweynuhuu markii uu u bixi rabbay Safarkii Imaaraadka ee u hadda kasoo laabtay, balse xoggaha amuurtan ku saabsani waxay hoosta ka xariiqeen ilaayo hadda amarkii Madaxweynuhuu ku bixiyey in laga soo saaro hakinta Iibka hantida Dawladda aanu kasoo bixin qasriga Madaxtooyadda, sidoo kalena illuhu waxay ka cudur-daareen iftiiminta asbaabaha uu ku baaqday wareegtada la sheegay inuu Madaxweynuhuu amray in lagu joojiyo Iibka hantida dawladda.

Inkastoo mushkiladda Iibka iyo muranka hantida dawladda kolkii hore mushkiladdiisu ku ekeyd gobollada Marood-jeex iyo Saaxil, balse hadda waxaad moodaa in mushkiladdaasi ku fidday gobolladii kale ee dalka, oo wareegtooyinkii Madaxtooyaddu ay sii socdaan gobolka Togdheer, waxana arrinka daliil u ah mashaqadda iyo muranka ka taagan Guryihii Boolisku lahaa ee Magaaladda Burco, kuwasoo wasiirka hawlaha guud intuu qoysaska Ciidanka ee degganaa ka saaray, dabeedna burburiyey isagoo sheegay in bedelka dhulkaa loogu talo-galay in laga dhiso suuq ganacsi oo saddex dabaq ah, hase-ahaatee sida ay ku doodeen Askartii Guryaha degganayd markii hore balan-qaadkii wasiirku uu beenoobay, oo sida ay ku war-heleen goobihii laga kiciyey uu hadda ka socdo dhismee ka kooban makhsinno yar-yar oo aan dabaqyo qaadi karin.

Askarta qoysaskooda goobtaa laga kiciyey oo warbaahinta la hadlay, waxa uu yidhi; “.. Ciidanka qaranka ee u taagan nabad-gelyada oo hadh iyo habeen soo jeedda, manaan fileyn 16-kii Guri ee Saldhigga dhexe laga diffaaci jiray, ee gaadhka nalooga toosin jiray ee Booliska in lagu dul xaraasho”. Inkastoo la yidhi alif looq ku xummaaday Al-baqra ayuu ku dhibbaa, oo sida muuqata  mushkiladaha dhulka iyo Xisbiga KULMIYE ay wada-socdeen,  inta Xisbiga KULMIYE tallada dalka ka ag-dhow yahayna  uu jiri doono muranka dhulk, haddana xilliga lagu jiro oo ah, doorashana dalka kusoo socoto, taasoo qof kastoo  Somaliland u dhashay jecel yahay inay nabad-gelyo ku dhacdo, waxa haboon masuul kastaa oo Xukuumadda ka tirsan, isagoo eeggaya sharafta Madaxweynihiisa inuu ilaalinta hantida umadda mudada yar ee doorashada ka haadhay.

Leave a Reply

*