Xulafo Beelaysan oo Hogaaminayo Yonis Cali, Telefeeshinka Horn Cable,  iyo  Qaswada Ina Awsiiciid  oo isku  Bahaystay Duulaan  Xisbiga Waddani kadhan ah

Xulafo Beelaysan oo Hogaaminayo Yonis Cali, Telefeeshinka Horn Cable,  iyo  Qaswada Ina Awsiiciid  oo isku  Bahaystay Duulaan  Xisbiga Waddani kadhan ah

Xulafo Beelaysan oo Hogaaminayo Yonis Cali, Telefeeshinka Horn Cable,  iyo  Qaswada Ina Awsiiciid  oo isku  Bahaystay Duulaan  Xisbiga Waddani kadhan ah

SLL/ iyada   Somaliland ay  kaabiga soo saartay  doorashada  madaxwaynaha ayaa waxa  xoogaystay   is  Xulafaysiga  Qabyaaladeed  ee uu Xisbiga  kulmiye  waddo,  kadib markii  ay  faashil kudhamaatay  Rajadii Xisbigu kaqabay in uu taageero  Cod  kahelo Beelaha Somaliland ayaa hada  waxa   uu xaalka   Kulmiye  isugu soo ururay, Beesha Habar   iyada   aanay xataa beeshaasi  uwada  dhamayn   hanka  kulmiye.   70%  Bulshada  Somaliland ayaa    wakhtigan taageero Xoogle  lahareero joogta Xisbiga  Waddani waxana ay taasi  dhabar Jab kunoqotay hormuudka  kulmiye taas  oo keentay in   ay isugu   habar wacdaan   Qabyaalad, qaawan.

Kooxo   uu  soo abaabulay,  Ina  awsiciid kana kooban Wariyaal  iyo Haayad Warbaahineed ayaa   Shir gaar ah     ku gaadhay dagaal   siwada jir  ah oo lagu  qaado  Xisbiga  Waddani.

Isbahaysiga  Qabyaalada  ee Duulaanka ku ah Xisbiga Waddani

Telefeeshinka  Horn Cable ayay  Wararku sheegeen in lagu soo kiraystay Dhaqaale  gaadhaya  100,000$ siloogu  weeraro Xisbiga Waddani  waxa sidoo  kale kamid ah Shaqsiyaadka   laduufsaday Yonis Cali Nuur oo   kamid ahaa Wariyaasha BBCsomali   kaas  oo dhawaan kasheegay Shirbeeshiis ah in  ay Beel ahaan haystaa Dhaqaale , Dhul  iyo Musharrax   loona baahanyay in Qasab Madaxwayne lagaga dhigo Muuse Biixi  hadalka Yonis Cali Nuur oo ah mid  kayaabiyay  Bulshada Somaliland  ayaa    waxa  dadka Qaar kusheegeen in Suxufiga Caanka ah Lacago  lagu Sarkhaamiyay  uu Siiyay ina Awsiciid  kaas oo  kacodsaday in uu Isgarab taago Muuse Biixi.

Sida  foosha  xun ee uu Yonis Cali  Nuur  isku  Qaawiyay  ayaa   Ceeb  kunoqotay Xisbiga kulmiye ,Xukuumada   Siilaanyo iyo  Wasaarada  Warfaafinta  ee uu katirsanyay   , sidoo kale  Wariye  Ducaale, iyo   Farxaan Xaaji Cali  oo ah Mulkiilaha HCTV   ayaa  iyaguna kamida  shaqsiyaad Sigaara loosoo laaluushay kuwaas oo lagu  qasbay in ay Xisbiga Kulmiye taageeraan  Yeel keed  ee Xulafo beeleedkan  Ina  Awsiciid  soo laaluushay ayaa  durba  kalakumay  Ceebwayn, saaxada  Siyaasada Somaliland   Yonis Calin Nuur   iyo Sidoo  kale  Wariye Ducaale  ayaa Isna Maanta Warbaahinta ka  hor ooyay isaga oo Marna darifay marna  qirtay Xilka looga magacaabay  Xisbiga Kulmiye

 

 

Somalilandlive Media

Leave a Reply

*