Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yol Ee Maanta

Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yol Ee Maanta

Xisbiga KULMIYE oo Galbeedka Hargeysa kaga Ololleeyey Caruurtii [Dhalinta Kacaanka]

“..Waxa la yidhi Xisbiga KULMIYE ayey soo Dhoweynayaan inta Hargeysa Basaas lagaga Guray Caruurtii lagu hayey [Dhalinta Kacaanka]..”

Siyaasi Abiib Timo-cad

“..KULMIYE Xaaraan iyo Dulmi Badan ayuu Sameeyey..”

Siyaasi Cabdillaahi (Cirro)

“..Cirro Anagga Daba-joogna oo Wallaahi Dhici-mayso Doorashada Inaad ku Shubataan..”

Siyaasi Ismaacil-yare

Hargeysa(Yool)-Siyaasiyiinta kala ah Ismaacil Aadan Cismaan (Ismaacil-yare), Abiib Diiriye Nuur Iyo Cabdilahi Cirro, ayaa soo faqay Faddeexadaha ugub ah, cawaaqib-xumana ku ah bulshadda Somaliland, oo Xisbul-xaakimka KULMIYE ku kacay intii Musharraxa Xisbigaas iyo waftigii la socday ku guda-jireen Safaro ay ku marayeen deegaanada ku teedsan Galbeedka Gobolka Maroodi-jeex, Siyaasiyiintu waxa kaloo iftiimiyeen cawaaqib-xumada shacabku kala kulmay Xukuumaddii ka dhalatay Xisbiga KULMIYE intii ay tallada dalka gacanta ku haysay, iyagoo sidoo kalena shacabka uga diggay inaanay dooran Musharraxa KULMIYE oo aanay mar labaad gacantooda eersan.

Siyaasiyiintan oo miisaanka culus ku leh bulshada Somaliland, isla markaana hadda ka tirsan mishiinnada wadda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, oo shalay ka hadlay Xaflad Xisbigoodu ku lahaa degmada Salaxley, waxay mid-mid isu-dul taageen mushkiladaha iyo dhibbaatooyinka dhaqaale ee dalka ka jira, kuwasoo Siyaasiyiintani masuuliyadda eedda dhibaatooyinkaas dusha u saareen Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE. Siyaasi Abiib-timo cad waxa isaggu si gaar ah u iftiimiyey dhaqamo fool-xun ah, oo masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE ku kaceen intiii ay ku jireen socdaaladii deegaanada galbeedka, kuwasoo sida uu tilmaamay Diin iyo dhaqan ahaanba ku xun dadka Islaamka ah.

Arrimahaas oo ah falal la xidhiidha Xisbiga KULMIYE inuu Magaaladda Hargeysa Basaas kaga qaaday Caruurta aan waalidiinta haysan ee lagu xanaaneeyo xaruntii hore ee dhalinta Kacaanka, tallaabadaas oo sida Siyaasi Abiib sheegay Xisbiga KULMIYE uga gol lahaa inuu uga faa’iddeysto caruurta soo dhoweyntii Musharraxa Xisbiga KULMIYE iyo waftigiisa loogu qabtay Magaalooyinkii uu kolba mid tagayey, Siyaasi Abiib tima-cad isaggoo arrinkaa iyo kuwo kaleba ka hadlayey, waxa uu yidhi; “..Musharraxa KULMIYE Galbeed ayuu u baxay maalin dhoweyd, Magaaladda Hargeysa waxa laga guray caruurtii la hayey ee aan ciddina dhalin, oo waxa la geeyey Alay-badday oo aanay weligood arag, kuwasaa Geed-balaadh la geeyey oo Wajaale la geeyey, dadkii aad arkayseen ee Magaalooyinkaa tagay dadkii u dhashaybaa may ahayn. Dabeedna caruurtaasi iyaggoo gaajoonaya oo aan Quraacan ayaa lasoo celiyey oo halkoodii lagu soo daadiyey. Dabeedna reer KULMIYE waxay yidhaahdeen intan ayaa nagu filan oo bari umma baahnin.

Malaagadii Berberi way xidhantay oo ah isha keliya ee Somaliland lahayd. Waxa dekedda jooga oo ku xidhan afar Markab oo waa-weyn, Markabka la yidhahdo Cabdiladiif Xamsa wuxuu Dekedda kusoo xidhay 13-kii July, welina wuu jooga isaggoo raran, Diamond shan Markabka la yidha 15-kii July ayuu yimi ilaa Maantana daasad lagama roggin, CNI markabka la yidhaahda wuu raran yahay, waxanu yimi 7-dii Ogoust, markabka la yidhaahdo C-March  wuxuu yimi 20-kii Jun waanu raaran yahay, Ninkaa beeninayaa hanoo yimaado anagga, dekeddii sidaasay ku xidhantay wuxuu la inoo sheegeyeyna waa been..”.

Siyaasi Ismaacil-yare ayaa isna hadal uu ka jeediyey Salaxley, waxa madaxda KULMIYE ku eedeyey inay dhaqan u leeyihiin boobka Doorashooyinka, taasna ay Markhaati ka tahay waxyaabihii uu ku kacay Xisbiga KULMIYE xilligii uu doorashada kula jiray Xisbigii UDUB ee burburay, isaggoo arrinta ka hadlaya waxa uu yidhi; “..Gudoomiye-ku-xigeenka KULMIYE [Maxamed Kaahi], waxa uu yidhi WADDANI ayaa ka sheekeeya Boobka doorashada. Laakin Wallaahi anagga [UDUB] ayey nagaga shubteen oo na boobeen, sidii KULMIYE ugu shubtayna cilmigeedii waanu haynaa. Anigu ma lihin qori ayaad soo qaadanaysaan, mana lihiin, Sanduuq ayaad mid kale ku shubaysaan, laakiin Cilmiga waynu isla garanaynaa, imikana waxaad isku hallaynaysaan ee dadka Basaaska Hargeysa ugaga guraysaan, taas ayaad filaysaan Wallaahi inaanay dhacayn Taasi, Cirro-na anagga daba taagan, oo waxaanu kula joognaa shan wasiiru-daakhili..”.

Geesta kale, Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo isaggu fasiraay dhaxalka Xukuumadii ka dhalatay Xisbiga KULMIYE, waxa uu ku metelay Xukuumadda tallada haysaa iyo xisbiga KULMIYE inay isu yihiin, ayuu yidhi; “…Hal-xaaran ahi Nirig Xalaal ah ma dhasho, waayo KULMIYE xaaraan iyo dulmi badan ayuu sameeyey, Cadaalad darro iyo musuq-maasuq ayuu sameeyey, manta Dekeddii berbera way xidhan tahay, KULMIYE wuxuu sameeyeyna waa wax taarikhda geli doonaa. Markaa KULMIYE waxa uu dhali doonaa waa Xaaraantaas..”.

DP World oo Ganafka ku Dhufatay Qoddobo Madaxweyne Siilaanyo u Dhiibay Ergo Wasiiro ah

Berbera(Yool)-Shirkadda DP World, ayaa ganafka ku dhuffatay qaraar Xukuumadda Somaliland rabtay inay kusoo af-jarto muranka iyo khilaafka ka dhex aloosmay todobaadkan ganacsatada iyo maamulka Shirkadda DP World ee Berbera. Khilaafkan hadda ee labada dhinac oo si rasmi ah usoo shaac-baxay Axaddii Doraad, kaddib markii maamulka Shirkadda DP World Berbera usoo saaray amaro cusub oo ku wajahan ganacsatada iyo mukhalisiinta hawlaha shaqo ka wada gudaha dekedda.

Go’aannadaas oo u kamid yahay mid faraya dadka shaqooyinka ka leh gudaha Dekedda, in ka hor gelitaanka Dekedda ay ku lebistaan Koofiyaddaha Birta ah, kabaha qadha ah iyo shaayaddaha Iffa Habeenkii, isla markaana aanay geli Karin Dekedda ciddii aan qalabkaa ku lebisnayn. Hase-yeeshee go’aanka waxa gaashaanka u daruuray ganacsatada oo aan kala hadhin  iyo sidoo kale mukhallasiinta ka shaqeystaa Badeecaddaha ay kasoo saran, sidaas darteed waxay joojiyeen gabi-ahaanba hawlihii shaqo ee Dekedda.

Mashaqadaasi markii ay dhacday Axaddii doraad waxa fadhi deg-deg ah arrinkaa ka yeeshay golaha Xukuumadda, fadhigaas oo sida Wargeyska Yool u sheegeen ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda, waxa intii uu socday lagu falan-qeeyey muranka aan kala go’a lahayn ee ka taagan Dekedda Berbera, iyadoo sidda illuhuu tibbaaxeen intii kulanka lagu jiray xubno ka tirsan golaha Wasiiraddu ka gacan taagteen in lagu darro ergada xal-u-helida muranka u dhexeeya ganacsatada iyo Shirkadda DP World Berbera, waxana xogguhuu intaa ku darreen in xubnaha Wasiiradda ah ee ka cudur-daartay in lagu daro waftiga Xukuumaddu u dirayso Berbera qaarkood ay dalka joogan halka kuwo kalena ku sugan yihiin Su’uudi Arabiya.

Hase-yeeshee sida Wararka arrinkan la xidhiidha xuseen, waxa Madaxweyne Axmed Siilaanyo xal-u-helida arrinkaa u xulay una xil saaray Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexan) iyo wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, inkastoo sida illaha qaarkood tibaaxayaan in Madaxweyne Siilaanyo xubnahan wasiiradda ah dhiibay go’aan madaxtooyadda ka yimmi, kaasoo sidda la sheegay ujeedkiisa ugu wayni ahaa in maamulka Shirkadda Dp World ee iyaggu hadda gacanta ku haya maamulka Dekedda Berbera inay gabi-ahaanba ka noqdaan go’aankii khilaafka dhaliyey, halka xoggaha qaarna sheegayan in go’aanka Madaxweynuhuu ahaa labada, mid waa kan sheegaya in shirkaddu ka laabato go’aankeedda kan kalena sida la sheegay waxa uu ahaa mid Madaxweynuhuu kula hadlaayey

maamulka Shirkadda DP World, isla markaana ku xasuusinaayey ujeedkii laga lahaa heshiiskii Somaliland iyo Shirkadda DP World, sida xoggaha Wargeysku helay tilmaameen fariintii waftigu ka sidday Madaxweynaha waxa ganafku dhuftay maamulka Shirkadda DP World, oo sida Wararku xuseen iyaggu ku doodaya inay shaqadoodii haystaan, sida awgeedna aanay diyaar u ahayn talooyin ka baxsan awaamiirta Shirkadda.

Musharax Cirro oo Iftiimiyey Farqigga u Dhaxeeya WADDANI Iyo KULMIYE

Salaxlay(Yool)-Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa sheegay in farqiga u dhexeeya ee ay ku kala duwan yihiin xisbiga KULMIYE ee uu doonayo in shacbigu ay ogaadaan ay tahay in xisbiga WADDANI uu aaminsan yahay siyaasad ah Somaliland la wada leeyahay oon la kala lahayn, lana kala sheegan karin, balse xisbiga KULMIYE uu aaminsan yahay in xisbiyada Mucaaridku ay marti ku yihiin galbeedka Somaliland.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu intaa ku daray inuu rumaysan yahay inuu cod iyo taageero badan uu ka helayo gobolada Gabiley iyo Awdal oo aanu marti ku noqon karin.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa sidaasi sheegay hadal uu u jeediyey taageerayaal iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee degmada Salaxlay oo maanta ku soo biiray xisbiga WADDANI, iyagoo ka soo digarogtay xisbiga KULMIYE.

Waxaanu intaasi ku daray in Xisbiga KULMIYE markii uu safarka ku marayey gobolada Galbeedka uu sheegay in xisbiyada Mucaaridku ay marti ku yihiin gobolada Galbeedka taana macnaheedu uu yahay in KULMIYE uu aaminsan yahay in Somaliland la kala leeyahay.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa intaa ku daray in Xisbigooda WADDANI uu rumaysan yahay in KULMIYE aan laga lahayn, Laascaanood, Oodweyne iyo Burco toona oo Somaliland la wada leeyahay.

Musharaxa xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Ciro oo khudbadaasi u jeediyey shacabka iyo taageerayasha xisbiga WADDANI ee degmada Salaxlay, waxa uu yidhi: “..Dhamaan Shacbiga degmada Salaxlay siday u dhan yihiin, waxaanu uga mahadnaqaynaa sida milgaha leh ee maamuuska leh ee aad noo soo dhaweyseen ayaanu idiinka mahadnaqaynaa, waxaan intaa ii raaca oo aan aad ugu mahadnaqayaa dadkii hawshaasi ka qayb qaatay ee abaabulkaa ka qayb qaatayna waan u mahadnaqayaa.

Maanta waxa xaflada iyo munaasibadaba iska lahaa xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Salaxlayo, anaguna waxaanu u nimid olole kale umaanaan imane inaanu kala qayb qaadano ku soo biiristooda ay xisbiga WADDANI ku soo biirayeen, munaasibadaa weyn ayaanu uga nimid Hargeysa si aanu uga qayb galno.

Degmo kasta codkeeda waynu ka war haynaayoo waxa uu ku yimaadaa dadka iyaga matalaya, codka Salaxlay dhamaantii waxa ka Wakiil ah Golaha Deegaanka Salaxlay, haday Sagaal xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Salaxlay ee kusoo biireen xisbiga WADDANI intii kalena soo socoto, waxaad garanaysaan shacbiga ay matalaan oo ah dhamaan shacbiga degmadan ku nool oo taageeradoodii ay u soo badaleen kuna taageerayaan xisbiga WADDANI, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaan ka rajaynayaa in codkoodaasi iyo taageeradoodaasi uu sabab u noqdo guusha xisbiga WADDANI hadii Alle yidhaahdo.

Aasaasayaashii UCID baan ka mid ahaayoo, barigii aanu soo baxaynay golihii deegaanka ee 2002-dii, dagmadii ugu badnay ee codka siisay degmadan ayay ahayd, markaa waxa la yidhi Geelaa codeeyey barigaas, maanta Geela iyo Adhiguba way codaynayaan hadii alle ka dhigo.

Laba Eray ayaan doonayaa inaan ka idhaahdo safarkii KULMIYE ee Galbeedka, hal wax ayaanu ku kala duwanahay KULMIYE shacbigu ha noo ogaado, Somaliland Siyaasada uu ku dhaqayo xisbiga WADDANI waxa weeyi in la abuuro Somaliland la wada leeyahay, Xisbiga KULMIYE markii Galbeed joogay hada, waxa uu yidhi ‘Asxaabta kale waa ku marti, taa macnaheedu waxa weeyi lama wada lahaa.

Markaa Waxaan filayaa dhulka Somaliland intiisa badani boqolkiiba sideetan baribay Hargeysa ka xigaan, laakiin waxaanu anagu rumaysanahay in dhulka la wada leeyahay, waxaanu rumaysanahay in KULMIYE aan laga lahayn Laascaanood, Oodweyne iyo Burco, waxaan rumaysnahay inaan cod badan ka helayo oo taageero badan ka helayo Gobolka Gabiley iyo Gobolka Awdal martina kuma ihi.

Waxa kale oo la yaab lahayd in ragii Madaxda ahaa ee halkaa ka hadalayey ay aad u hadal hayeen xildhibaanadan deegaankan ka soo jeedaa ee ku soo biiray xisbiga WADDANI, iyagoo xildhibaano aan deegaanka aan ka soo jeedo ay la socdaan, ay lahaayeen inamadii halkan naga tahay iyo hebel iyo hebel way anbadeenoo kale, hada waxa dhinac socday Cawil iyo Cali Warancade iyo Cadaani, malaha kuwaas may eegin, kuwaasi ayay lahaayeen inay soo anbadeen ayay laftigooda u sheegayeen.

Laakiin waxaan u sheegayaa kuwa KULMIYE tagayna waanu ku hambalyeynaynaa, waxaanu rabnaa oo Somaliland aanu la rabnaa inay noqoto Somaliland la wada leeyahay, Somaliland aan la kala sheegan karin, Somaliland xilalkeeda la wada leeyahay.”. Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

 “…KULMIYE Waxa ku Hadhay Madaxweynaha oo Keliya…”

Hogaamiyaha WADDANI Xirsi

Salaxlay(Yool)-Hogaamiyaha xisbiga WADDANI, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dadweynaha deegaanka Salaxlay ugu baaqay inay u codeeyaan isbadalkaa xisbiga WADDANI uu wado ee uu doonayo inuu dalka ka dhaliyo, waxaanu tilmaamay in dhamaan wadooyinkii socday ay istaageen markii Kulmiyaha cusbi uu yimid.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa sidoo kale khudbadan uu u jeediyey taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo xildhibaanada golaha deegaanka Salaxlay ee ku soo biiray xisbiga WADDANI, waxa uu ku soo hal qaaday oo uu kaga hadlay, arimo ay ka mid yihiin dekeda Berbera intii DP World ay la wareegtay oo uu sheegay inay xidhantay iyo sidoo kale dhaqaalihii dalka hoos u dhac weyni la soo darsay, sicir bararka iyo xaaladaha dalka ka jira.

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, isagoo arimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “..Dhamaan dadka reer salaxlay, Xildhibaanada halkan jooga, Madax-dhaqameedyada iyo madaxa kale ee halkan joogtaba waan idin Salaamayaa Salaanta Islaamka, waxaan leeyahay soo dhawaada xildhibaanada qiimaha badan ee isbadalka muujiyey, ee horkacaya Salaxlay ee doonaya in isbadal la dhaliyo, waxaan leeyahay soo dhawaada isbadal ayaynu wada dhalinaynaa, insha alaahu tacaalaa.

Idin odhan mayno sida qoralada KULMIYE guusha soo raaca, balse waxaanu idin leenahay guusha nala dhaliya, kaama buuxee halkan waa lagaaga baahan yahay, waxaan leeyahay dadka reer Salaxlay sidaa xildhibaanadu muujiyeen iyo dareenkaa ay muujiyeen, idinkuna ka dhabeeya maadaama oo aad tihiin dadkii soo doortay oo isbadalka u codeeya, xisbiyada Mucaaridka u codeeya, macal faysal u codeeyoo, laakiinse Waddani u badiya, waa halkuu u dhashoo Faysal la qadin maayee, Cadaalada waa halkaynu ka bilaabayno, saw halkan umuu dhalan Faysal, isagana u codeeya anagana noo badiya, Kulmiyana waatii laga waramaye KULMIYE-na iska ilaaliya.

Waxaan leeyahay dadka reer Salaxlay dareenkiinaa na soo jiitay, qoraxduna na dhibi mayso, anaga waliba maa naloo dalaalimeeyee idinkaa qoraxda taagan oo aanu idiin dedejinaynaa hadalka, waxaanan ku soo ururinayaa. KULMIYE waxa uu jecel yahay inuu yidhaahdo waxbaan qabtay, aadbaa loogu talax tagayoo ka midbaan ahaa Kulmiyihii khayrka qabay aniga ka la sheegayo kama mid ihi, Ismaaciil saaxiibkay ayaa sheegayoo yidhi ‘dee Xirsi kamuu tageen hadii meesha khayr ku hadhaye’, Khayr Madaxweyne ayaa ku hadhsanaayoo iyo runtii saaxiibo ila mid ahaa oo joogayoo.

Laakiinse Kulmiyaa wax qabtay ila yidhaa ayay doonayaan, Waddadan aynu soo marnay ee aanu dhisi jirnay in la yidhaahdo Kulmiyaa qabtay ayay doonayaan bal hada day, Markii Kulmiyahan cusbi yimid ayay istaaagtayoo dooni maayaan, bal u fiirso madaxadu waxay la timaaadaa Ba’ ama Badhaadhe iyo barkhad ayay la timaadaa.

Qaar cusub ayaa loo cumaamadayoo la yidhi waa la dooranayaa, Madaxweynaha waanu ku mahadinaynaa anaguna waanu kula shaqaynaynay, idnkana waatii wadada la idiin dhisayey, bal hada u fiiro kuwa cusub ee codka idinka doonayaa wadadii ayay idinka joojiyeen, Wadadii miyey socotaa, kuwo badan oo soconayeyna ma socdaan oo mid kaliyii ma socoto, waxaanay doonayaan in intii hore ee aanu dhisnay ay sheegtaan oo wax idinkaga doonaan.

Waxaan idin siinayaa tusaale kale, waxa jirtay dhaqaalaha waa la kordhiyey markii aanu joognay, waxa la gaadhsiiyey in maaliyadu korodho oo miisaaniyada dalku (budget-ku) aad u kordho, oo shilinkii 6,000 ahaa inuu kordho oo 10,000 uu noqdo, boqolkiiba konton ama boqolkiiba afartan wax ku dhaw ayaa kordhay.

Markaa Maaliyadii ahayd 250,000,000, waxay ku soo dhacaysaa 170,000,000 ama 180,000,000 wax la mid ah. Bal u fiirso KULMIYE dooni maayoo haday si fiican u socotay oo Wasiirka Maaliyadu uu khayr qabay, balaayada u timid ee halkaa gaadhsiisay in la sheego KULMIYE dooni maayoo waxa uu doonayaa in la yidhaahdo- ‘..Kulmiyaa wax qabtay, waxa uu doonayaa inuu yidhaahdo dakadii Berbera DP World ayaanu keenoo, dekedii waanu horumarinay’- inay xidhan tahay oo maraakiibtii saddex bilood ay taagan tahayna waydinkii dhagaysanayey oo BBC-da dhagaysanayey inay xidhan tahay oo albaabadaba loo laabay. Waxa la lahaa khayrbaa la gaadhayaa oo badhaadhe ayaa la gaadhayaa miyeynu haynaa, anagu DP World waxba colaysan maynoo dunidaba way ka shaqaysaaye Kulmiyuun-baa leh ilayn iyaguunbaa inoo keenaye.

Bal u fiirso saw maan odhan madaxdu waxay keentaa Barkhad iyo Badhaadhe ama ba’ iyo hoog, waydinkii ogaayo Madaxweynuhu labadii sanadood ee u horaysay ee uu dalka yimid, waxaan Illaahay Subxaanahuu Wa tacaalaa aan hortiisa u furayaa, Axmed Rooblaad u bixiseenoo in badan roobka ayaa qaadi waayey, hada roobka Illaahay ayaa keeno oo qof ma bixiyo, laakiinse Illaahay SWT madaxda qofba in buu raaciyaa.”. Ayuu yidhi hogaamiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Cabdikariin Xinif iyo Maxamed Daa’uud oo Warbaahintii KULMIYE ee Xilliga Doorashada ka Xullaya Laba Beelood

Hargeysa(Yool/Xogreebnews)-Iyaddoo lagu jiro xilli doorasho oo xasaasi ah, ayaa Xisbul-xaakimka Kulmiye kasoo ifbaxay faddeexado horleh oo la xidhiidha masuuliyiin sare oo Xisbiga ah, oo shaqooyinkii ay hayeen uga xuub-siibtay kuwo kale oo fadeexad mooyane iyagga iyo xisbigaba aan wanaag ugu jirin. Fadeexadahaas oo ah inay cunnaha iskaga duubeen gabi-ahaanba hawlihii shaqo ee Xisbigu ka lahaa dhinaca Warbaahinta, kaddib markii masuuliyiintaasi ay noqdeen magafayaal ka ka dhex ugaadhsadda Xisbiga Kulmiye Iyo Warbaahinta.

Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Magafayaasha isu-bedelay oo tiradoodu badan tahay, waxa hormoodka ah Agaasimaha Hay’adda Koomishanka AD/ADIS Cabdikariin Xiniif iyo Maxamed Cabdi Daa’uud oo ay jiffo hoose isku yihiin Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, kuwasoo shaqaddoodi noqotay sidii ugaadhsatada oo kale, kolba intay suuqa kasoo kaxeeyan Wiilasha Warbaahinta ka sahqeeya ama Mulkiilayaasha ka ah, dabeedna Guriga Muuse Intaa ay geeyan ay yidhaahdaan heshiis nala gal, waxanu Bishii ku siinaynaa Kun-dollar’e.

Waxa kaloo intaa raaca, oo kooxdani Xisbiga Kulmiye iyo Saxaafaddii ka dhex abuureen dagaal, kaddib markii ay Istaraajiyaddii Xisbigu kula shaqeyn jiray Warbaahinta ka dhiggeen qabyaalad, isla markaana sheegeen in Warbaahinta Xisbigu wada-shaqeynta la yeelan doono doorashada, inay kasoo xulanaayn Warbaahinta ku abtirsata Bariga Burco iyo Galbeedka Hargeysa.

Arrinkaas oo Xisbiga Kulmiye ku ah fadeexad iyo laf-jab aanu kasoo kaban-dooniin hadda, maxaa yeelay kooxdani waxay wiiqeen sharafta iyo tuhuunkii laga qabay Xisbiga Kulmiye, maadaama oo xilli doorasho lagu jiro, sababta oo ah mar waxay limmiyeen nidaamkii shaqo ee waaxda Warbaahinta ee Xisbiga Kulmiye, oo markay shaqadeedii maroorsadeen, iyaddii noqotay wax aan jirin oo laga aaminka baxo, sidoo kale waxay limmiyeen kooxdani kalsoonidii iyo wada-shaqeyntii warbaahintu la lahayd Xisbiga Kulmiye oo ahaa mid wanaagsan markii hore.

Haddaba, markaynu qiimmeyno waxyeellada ay Xisbiga Kulmiye ku leedahay dhaqamada kooxdani bilowday, waxana shaki ku jirin, hadii aan wax laga qaban, oo weliba Musharraxa iyo Hoggaanka sare ee Xisbigu soo faro-gelin kooxdana degdeg wax uga qaban, waxa dhici doontaa in Xisbiga Kulmiye adhaxda ka jabo doorashadda, kaddib marka uu waayo Doorkii Warbaahinta ee Gobol iyo degmo, iyadoo taas bedelkeedana sidii ay fursadahaas uga faa’iddeysan lahaayeen uu isha ku hayo Xisbiga Mucaaridka ee Waddani. Xigasho Xogreebnews.

Leave a Reply

*