Xisbiga KULMIYE oo Galbeedka Hargeysa kaga Ololleeyey Caruurtii [Dhalinta Kacaanka]

Xisbiga KULMIYE oo Galbeedka Hargeysa kaga Ololleeyey Caruurtii [Dhalinta Kacaanka]

“..Waxa la yidhi Xisbiga KULMIYE ayey soo Dhoweynayaan inta Hargeysa Basaas lagaga Guray Caruurtii lagu hayey [Dhalinta Kacaanka]..”Siyaasi Abiib Timo-cad

Hargeysa(SLL)-Siyaasiyiinta kala ah Ismaacil Aadan Cismaan (Ismaacil-yare), Abiib Diiriye Nuur Iyo Cabdilahi Cirro, ayaa soo faqay Faddeexadaha ugub ah, cawaaqib-xumana ku ah bulshadda Somaliland, oo Xisbul-xaakimka KULMIYE ku kacay intii Musharraxa Xisbigaas iyo waftigii la socday ku guda-jireen Safaro ay ku marayeen deegaanada ku teedsan Galbeedka Gobolka Maroodi-jeex, Siyaasiyiintu waxa kaloo iftiimiyeen cawaaqib-xumada shacabku kala kulmay Xukuumaddii ka dhalatay Xisbiga KULMIYE intii ay tallada dalka gacanta ku haysay, iyagoo sidoo kalena shacabka uga diggay inaanay dooran Musharraxa KULMIYE oo aanay mar labaad gacantooda eersan.

Siyaasiyiintan oo miisaanka culus ku leh bulshada Somaliland, isla markaana hadda ka tirsan mishiinnada wadda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, oo shalay ka hadlay Xaflad Xisbigoodu ku lahaa degmada Salaxley, waxay mid-mid isu-dul taageen mushkiladaha iyo dhibbaatooyinka dhaqaale ee dalka ka jira, kuwasoo Siyaasiyiintani masuuliyadda eedda dhibaatooyinkaas dusha u saareen Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE. Siyaasi Abiib-timo cad waxa isaggu si gaar ah u iftiimiyey dhaqamo fool-xun ah, oo masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE ku kaceen intiii ay ku jireen socdaaladii deegaanada galbeedka, kuwasoo sida uu tilmaamay Diin iyo dhaqan ahaanba ku xun dadka Islaamka ah.

Arrimahaas oo ah falal la xidhiidha Xisbiga KULMIYE inuu Magaaladda Hargeysa Basaas kaga qaaday Caruurta aan waalidiinta haysan ee lagu xanaaneeyo xaruntii hore ee dhalinta Kacaanka, tallaabadaas oo sida Siyaasi Abiib sheegay Xisbiga KULMIYE uga gol lahaa inuu uga faa’iddeysto caruurta soo dhoweyntii Musharraxa Xisbiga KULMIYE iyo waftigiisa loogu qabtay Magaalooyinkii uu kolba mid tagayey, Siyaasi Abiib tima-cad isaggoo arrinkaa iyo kuwo kaleba ka hadlayey, waxa uu yidhi; “..Musharraxa KULMIYE Galbeed ayuu u baxay maalin dhoweyd, Magaaladda Hargeysa waxa laga guray caruurtii la hayey ee aan ciddina dhalin, oo waxa la geeyey Alay-badday oo aanay weligood arag, kuwasaa Geed-balaadh la geeyey oo Wajaale la geeyey, dadkii aad arkayseen ee Magaalooyinkaa tagay dadkii u dhashaybaa may ahayn. Dabeedna caruurtaasi iyaggoo gaajoonaya oo aan Quraacan ayaa lasoo celiyey oo halkoodii lagu soo daadiyey. Dabeedna reer KULMIYE waxay yidhaahdeen intan ayaa nagu filan oo bari umma baahnin.

Malaagadii Berberi way xidhantay oo ah isha keliya ee Somaliland lahayd. Waxa dekedda jooga oo ku xidhan afar Markab oo waa-weyn, Markabka la yidhahdo Cabdiladiif Xamsa wuxuu Dekedda kusoo xidhay 13-kii July, welina wuu jooga isaggoo raran, Diamond shan Markabka la yidha 15-kii July ayuu yimi ilaa Maantana daasad lagama roggin, CNI markabka la yidhaahda wuu raran yahay, waxanu yimi 7-dii Ogoust, markabka la yidhaahdo C-March  wuxuu yimi 20-kii Jun waanu raaran yahay, Ninkaa beeninayaa hanoo yimaado anagga, dekeddii sidaasay ku xidhantay wuxuu la inoo sheegeyeyna waa been..”.

Siyaasi Ismaacil-yare ayaa isna hadal uu ka jeediyey Salaxley, waxa madaxda KULMIYE ku eedeyey inay dhaqan u leeyihiin boobka Doorashooyinka, taasna ay Markhaati ka tahay waxyaabihii uu ku kacay Xisbiga KULMIYE xilligii uu doorashada kula jiray Xisbigii UDUB ee burburay, isaggoo arrinta ka hadlaya waxa uu yidhi; “..Gudoomiye-ku-xigeenka KULMIYE [Maxamed Kaahi], waxa uu yidhi WADDANI ayaa ka sheekeeya Boobka doorashada. Laakin Wallaahi anagga [UDUB] ayey nagaga shubteen oo na boobeen, sidii KULMIYE ugu shubtayna cilmigeedii waanu haynaa. Anigu ma lihin qori ayaad soo qaadanaysaan, mana lihiin, Sanduuq ayaad mid kale ku shubaysaan, laakiin Cilmiga waynu isla garanaynaa, imikana waxaad isku hallaynaysaan ee dadka Basaaska Hargeysa ugaga guraysaan, taas ayaad filaysaan Wallaahi inaanay dhacayn Taasi, Cirro-na anagga daba taagan, oo waxaanu kula joognaa shan wasiiru-daakhili..”.

Geesta kale, Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo isaggu fasiraay dhaxalka Xukuumadii ka dhalatay Xisbiga KULMIYE, waxa uu ku metelay Xukuumadda tallada haysaa iyo xisbiga KULMIYE inay isu yihiin, ayuu yidhi; “…Hal-xaaran ahi Nirig Xalaal ah ma dhasho, waayo KULMIYE xaaraan iyo dulmi badan ayuu sameeyey, Cadaalad darro iyo musuq-maasuq ayuu sameeyey, manta Dekeddii berbera way xidhan tahay, KULMIYE wuxuu sameeyeyna waa wax taarikhda geli doonaa. Markaa KULMIYE waxa uu dhali doonaa waa Xaaraantaas..”.

Wararka Wargeyska Yool

Leave a Reply

*