KUMIYE Oo Weerar Rogaal-celis Ku Soo Qaaday Sandaladii Subeer Awal + Suldaan Cusub Oo Waraabe U Taaga Ah Oo Khamiista Taashka La Saarayo + Goobta Caleemo Saarka Oo Astaanta KULMIYE Lagu Xardhay Iyo Cuqaasha Jufada Musharax Muuse Oo U Sii Sacabotumaya + Sawirro

KUMIYE Oo Weerar Rogaal-celis Ku Soo Qaaday Sandaladii Subeer Awal + Suldaan Cusub Oo Waraabe U Taaga Ah Oo Khamiista Taashka La Saarayo + Goobta Caleemo Saarka Oo Astaanta KULMIYE Lagu Xardhay Iyo Cuqaasha Jufada Musharax Muuse Oo U Sii Sacabotumaya + Sawirro

 

Hargeysa (SLL)- Wararka hadda na soo gaadhaya, ayaa sheegaya in weerar rogaal-cein uu Xisbiga KUMIYE ku soo qaaday markale sandalada guud ee Beesha Subeer Awal, kaasi oo daba socda daba socdo weerarkii fashilmay ee uu kal hore kusoo qaaday Mushraxa Xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi.

Weerarkan cusub ee hadda lagu soo qaaday Sandalada guud ee Subeer Awal, ayaa ah mid la doonayo in lagu wiiqo Awooda Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan, waxaana hadda laga wadaa magaalada Hargeysa qaban –qaabad xaflad lagu Caleemo saarayo suldaan waraabe u tag ah oo lagu magcaabo Ismaaciil Sheekh Cumar, kaasi laga dhigay Suldaanka guud, iyadoo magaalada Hargeysa ilaa kaantarooolka magaalada Arabsiyo ee Cabudla lagu dhejiyey sawirka iyo magac ninka taashka la saarayo,iyadoo tuulada Cabudla loo asteeyey inay ka dhacdo xaflada caleemo saarku maalinta khamiista lagu xardhay calanka KULMIYE iyo kan sudaanka cusub.

Docda kalene kullamo hoose oo maal-mihii u dabeeyey u socda saladiinta dhaqanka beesha Sacad Muuse oo ladoonayey in xiisada lagu damiyo, ayaa ku soo dhammaaday fashil, iyadoo badi salaadiinta Beesha sacad Muuse ay si weyn uga horjeesteen caleemo saarka suldaankan, balse cuqaasha jufada uu kasoo jeedo Muuse Biixi ee Reer SAMATER , ayaa tageero u muujiyey suldaanka waraaba u taaga ah.

Ugu Dambayntii Sandaladii guud ee Subeer Awal, ayaa weerar culus lagu soo qaaday markale, kaasi oo la doonayo in lagu wiiqo Awooda Suldaanka guud ee Subeer Awal,iyadoo loo aanaynayo inuu dabada ka riixay Musharax Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo shirqool fashilmay oo kan lamid ah sanad ka hor kusoo qaaday Sandalada,waxaynu dhawrnaa waa halka uu sal dhigto weerar uu KULMIYE kusoo qaaday Sandaladii guunk ahayd ee Beesha Subeer Awal iyo halka uu xaalku ku danbeeyo maal-maha soo socda

Image may contain: plant, tree, outdoor, nature and waterImage may contain: mountain, outdoor and nature

Image may contain: outdoor, nature and water

Image may contain: plant, tree, outdoor, nature and water

Leave a Reply

*