Xisbiga WADDANI Oo Ka Bad-baaday Shirqool Jid-gooyo Ah  Uu KULMIYE U Dhigay Degmada Dilla Iyo Hal Ku Qof Oo Ku Dhintey ………

Xisbiga WADDANI Oo Ka Bad-baaday Shirqool Jid-gooyo Ah  Uu KULMIYE U Dhigay Degmada Dilla Iyo Hal Ku Qof Oo Ku Dhintey ………

 

 

 

Dilla :-(SLL)-Alle ha-naxriistee hal qof ayaa ku geeriyoodey rabshado maanta ay ka sameeyeen Degmada Dilla ee gobolka Awdal koox dhalinyaro ah uu Xisbiga KULMIYE basas kaga soo daabulay Magaalada Boorama, kuwaas oo uu ugu talogalay inuu ku car-qaladeeyo wefti uu hoggaaminayo Musharax Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo saaka lagu soo dhaweeyey Degmada Dilla, iyadoo koox-da rabshada samaysay  eek ULMIYE uu Boorama ka soo kiraystey ay soo gaadheen Dilla xili ay fagaare masuuliyiinta Xisbiga WADDANI  khud-bad uga jeedinayeen dad-weynaha ku dhaqan Degmada Dilla.

Kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee uu Xisbiga KULMIYE kasoo waariday Boorama, ayaa rabashado ka bilaaba gudaha degmada Dilla,kuwaas oo ka cadhaysiiyey shacabka ku dhaqan degamada Dilla, isla markaan sababtey in ay isku dhacaan kooxaha Boorama laga soo kiraystey iyo dad weynaha  reer Dilla.

 

Dhanka kalene ciidanka maanka degmada  Dilla oo goobta soo gaadhay ayaa rasaastii ay ridayeen ee ay ku kala dareerinayeen, ayaa waxa ka dhashay dhimasha hal qof oo kamid ahaa kooxaha uu KUMIYE kasoo ijaartey Boorama., balse ma jiro wax khasaare oo kale oo ka dhashay

 

Geesta kalena xaalad  degmada Dilla ayaa degan hadda, iyadoo calooshood u shaqaystayaashii uu KULMIYE ka soo kiraysatay Boorama, badhkood xabsiga loo taxaabay halka kuwa kalena ay baxsadeen, waxaana xusid mudan maydk wiilkii ku geeriyooday loo qaaday dhanka Boorama

 

wixii warkan kasoo kordha lasoco

Leave a Reply

*