War Culus:! Shirkada Dp World Wacaal Xoogan kamuujisay  Qorshaha  Xisbiga  waddani  kurabo  in uu  kadabatag  kusameeyo Heeshiisyada Xaaraanta ah ee Kulmiye  lagalay+  Xadiga Lacag ay  u diiday in ay Siiso wasiirada Kulmiye  ah

War Culus:! Shirkada Dp World Wacaal Xoogan kamuujisay  Qorshaha  Xisbiga  waddani  kurabo  in uu  kadabatag  kusameeyo Heeshiisyada Xaaraanta ah ee Kulmiye  lagalay+  Xadiga Lacag ay  u diiday in ay Siiso wasiirada Kulmiye  ah

War Culus:! Shirkada Dp World Wacaal Xoogan kamuujisay  Qorshaha  Xisbiga  waddani  kurabo  in uu  kadabatag  kusameeyo Heeshiisyada Xaaraanta ah ee Kulmiye  lagalay+  Xadiga Lacag ay  u diiday in ay Siiso wasiirada Kulmiye  ah

 

Somalilandlive / iyada  oo   xaalka  Marsada berbera   qarka  usaaranyay in Albaabada  looxidho ayaa hadana    waxa banaanka usoo baxay  wacaal  xoogan   iyo  shaki ay  qabto  shirkada  Dp World oo   qaab  heshiis  xaaraan ah   xukuumada  kulmiye   ugu wareejisay  Dekeda berbera  heshiiskan  sharcidarada ah oo dhigaya in   Dekeda  laga kereeyo  Dpworld  40 Sanno  ayaa  waxa  aad   uga  soo horjeeda  Shacabka Somaliland  iyo Xisbiga waddani  oo  dhamaantood  qaba  in  dekeda  iyo madaarka Berbera    dibloogu soo celiyo  Gacanta Shacabka  Somaliland.

Arintan oo lafdhuun gashay kunoqotay  Dp World ayaa  waxa  ay  dhawaan  isugu yeedhay  Xukuumada  iyo Sedexda  xisbi qaran si ay  uga Xaqiijiso in  aanay  jirin wax   kadabotag ah oo ay  damacsanyiin  marka     ay xukunka  dalka lawareegaan.

kulanka waxa   diiday  oo  aan   isagu kasoo qayb  galin Musharraxa  Xisbiga  ugu Awooda  Badan  asxaabta  Somaliland Waddani   Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi  Cirro, Arintan ayaa markiiba Werwr  xoogle  ku abuurtay    Shirkada  Dekeda  lawareegtay  ee Dpworld  waxana ay  gaashaanka  kudhufatay Codsi uga Yimi wasiiro  iyo Gudoomiyaah Xisbiga Ucid  oo wada  socday  kuwaas oo kulany  ay Dubia  kulayeesheen  masuuliyiinta  Shirkadaas  ugu Sareeya ay  ku waydiisteen    8Milyan$   ah taas oo ay  Codsadeen in loosii horumariyo  lacagtii loo qoondeeyay  Sannadka   2018 .

“Waxa  aanu halka idiinku nimi   laba  arimood  oo  kala ah   Dekedii oo Xidhantay Cabashooyinka Muwaadiniinta  oo iyana badatay iyo wax qabad  la,aan dhankiina  nooga  muuqada,”

Waxa   kale  oo iyana  intaas   noo raacda  waxa  aanu ubaahanay  Dhaqaale lacageed maadama  aanu Xili adag kujino   una  dagaalamayno  ka  xukuumad ahaan in aanu Xukunka dalka  siihaysano  anaga oo dagaal  kula jirna Mucaarad Awood badan leh  waxa  aanu ubaahnay  Dhaqaale 8 Milyan $  ah  si  aanu doorashada  ugu galno  Lacagta waxa  aanu  rabnaa in aad  kagoysaa  qarasha  Sannadlaha  ah ee Saamiga  Xukuumada  Somaliland  ee Sannadka  2018 “  Sidaas  waxa yidhi  Wasiir Sacad  Cali shire   Hogaaminayay Wasiirada  kulmiye  iyo Gudoomiyaha  Ucid  oo isku  lamaanaa.

Masuul Sare  oo uhadlay Dpworld ayaa markiiba  diimo  qayaxan kaga  jawaabay Codsiga   Dhaqaale   Xukuumada  kumliye  uga yimi,   Sidoo  kalana  kahadlay  Sababta keentay in ay dekedu noqoto  midgaabis ah.

 

“Dhaqaale  kasta oo  aanu kashirkad ahaan bixinaynaa  waa  mid kuqotoma heshiisyada  aynu galnay   kuwaasina   waxa aydhigayaa in  Xukuumada  ama  qayba  Saamilaydu ay Helikaraan qaybta  Saamigooda  marka   xisaab xidheedka Saddanku dhamaado  intaas  wixii  kahoraysa   sharcigu noma  ogala in aanu bixino wax  dhaqaale ah,

hadii aan  Arinta  labaad  kudaro    Cabashada  Adeega  dekeda kusaabsan  Marka hore   dekeda anaga  ayaa  kamasuula  anaga ayaa  xaq  uleh in aanu  dejino wakhtiyada aanu  shaqayno iyo  xiliga aanu  fasaxanahay ,

“Dadka  cabanayaa  dhamaantood waxa ay hareer marayaan shuruucada   aynu dhignay  waxana ay doonayaan in ay  iyagu noo yeedhiyaan sida  aanu ushaqaynayno  taasina  maaha  wax  aanu yeelanyo, mida labaad  dhamaan  alaabihii    dekeda laga  soo dejin jiray waxa  loo leexiyay  dhanka    Jabuuti,  iyo Puntland  taas  wax  kaqabashadeeduna  waa mid  idinka  idiintaala  kxukuumad ahaan””

“Waxa   kale oo jirta  Sabab   Cabsi   iyo wacaal   nagu haysa taas  oo ah in uu Xisbiga  Waddani  damacsanyay in uu kadabatag  kuwaseeyo  Heshiisyadii  aynu wada  galnay maadama  aanu ilaa hada  noosaxeexin wax  Heshiis  ah, baaqii  ugu danbeeyay  ee aanu Asxaabta Qaranka  kaga  Codsanaynay in ay Noocadeeyaan Mawqufkooda  ku  wajahan heshiiska  aynu wada  galnay Xisbiga Waddani  wuu   kamaqnaaday Casuumadii aanu  ufidinay,  taasina waxa  ay natusaysaa in uu  jiro  Ujeedooyin  u  qarsooni,  waxa ay Arintani  caqabad kutahay heshiiyda  aynu wada  galnay amana  Samayn karno Maalgalin buuxda inta   aanay Dhamaan Asxaabta   Xukunka Dalka  utartamayaa noowada  Sexeexin heeshka aynu wadagalnay in aanay   kadaba  imanaynay hadii ay Xukunka  kuguulaystaan!””  Sidaas waxa hadalkiisa kusoo  afmeeray  Agaasimaha  Guud  ee Shirkada Dpworld Suldaan Axmed Bunu Saliim

 

waxana  an Arintani muujinaysaa  sida Xukuumada  Siilaanyo  iyo Xisbigeeda Kulmiyeba Looga Aamin  baxay   iyo  Cabsida  laga  qabo faashil kuyimaada  Heeshyada Xaaraanta ah ee Kulmiye

 

Leave a Reply

*