War Xasaasi Ah:-Musharax Cirro Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Ku Jihaysan Saaka Gabiley Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Xalay Ilaa Shalay Ka Abaabuleyey Gabiley Mudaharaad Qarashaysan Oo Ka Dhan Ah WADDANI

War Xasaasi Ah:-Musharax Cirro Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Ku Jihaysan Saaka Gabiley Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Xalay Ilaa Shalay Ka Abaabuleyey Gabiley Mudaharaad Qarashaysan Oo Ka Dhan Ah WADDANI

Gabiley :-(SLL)- Musharax Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa saaka kusoo jihaysan Magaalada Gabiley

Weftigan Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayo Musharax Cirro , ayaa goordhaw kasoo amba -baxaya Magaalada Boorama ee xerunta Gabolka Awdal oo ay maal-mihii ina dhafay ku sugnayeen weftigu, iyadoo ay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Gabolka Gabiley ay isku diyaarinayan soo dhaweynta weftigaa.

 

Docda kalena Xisbiga gabalkiisii dhacay ee KULMIYE, ayaa magaalada Gabiley tan iyo  xalay ka wadey qaban-qaabada mudaharaad uu qarash badan ku bixiyey, kaasi oo ay ka qayb-qaadanayaan kooxo uu abaabuley iyo taageerayaasha kooban ee ku leeyahay magaalada Gabiley .

Dhanka kalene Mudaharaadkan ka dhan ah Xisbiga WADDAN ee uu Gabiley ka abaabulayo Xisbiga Gabalkiisii dhacay ee KULMIYE, ayaa ujeeda uu ka leeyahay KULMIYE ay tahay sidii uu u khal-khal gelin lahaa soo dhaweynta mil-gaha iyo maamuuska ee ay taageerayaasha tirada badan ee  Xisbiga WADDANI uu ku leeyahay Gabiley ay isku diyaarinayaan inay ku qaabilaan weftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayo Musharax Cirro .

 

Si kastaba ha-ahaatee  Musharax Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa ku jihaysan subaxan saaka ah magaalada Gabiley,iyadoo soo dhaweynta la qorsheeyey ee la  qaban-qaabiyey in lagu qaabilo weftiga, uu haddana   Xisbiga  ay calaantisii cadaatey ee KULMIYE  garab-wado mudaharaad uu qarasha ku bixiyey, kaasi oo uu doonayo inuu ku khal-khal geliyo soo dhaweyntaasi, waxaynu dhawrnaa waa imaansha weftiga WADDANI ee Gabiley iyo xaalku sida uu noqdo.

Leave a Reply

*