Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yool Ee Maanta Oo Aad U Xiiso Badan..

Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yool Ee Maanta Oo Aad U Xiiso Badan..

Maxamuud Xaashi oo ka Rajo-dhigay Dumaashii KULMIYE + Muuse Biixi Iyo Madaxtooyadda oo Waswaas kala Galay

Hargeysa(Yool)-Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka rajo-dhigay damaca gudoomiyenimada dumaasha KULMIYE, kadib markii Jid iyo Ceel midna u bixin waayey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, oo marar badan uu siyaabo kala duwan ugu diray ergo heer walba leh, sida Odayaal dhaqameed, ganacsato, aqoonyahan iyo Siyaasiyiin, kuwasoo intuba rajadii ay kala soo laabteen ahayd mid isku mid ah, oo ah xaajo meel loo qaado aan lahayn.

Sidaas darteed Wasiir Maxamuud Xaashi go’aan aan ka dhicin nidar, waxa uu ku sheegay inuu talaabo Siyaasi ka qaadan doono, arrinka KULMIYE wixii ka dambeeya gudashada waajibaadka Xajka marka uu kasoo laabto, hadii xalaal iftinbaa la qashaayee, Gudoomiye Muuse Biixi aanu meel cad ku tiirin damaciisa ku aadan dumaasha Gudoomiyenimada KULMIYE ee Mustaqbalka.

Geesta kale, xogo kala duwan oo Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow labada dhinac, ayaa tibaaxay inuu soo af-go’day rajaddii arrinkaa ee Wasiir Maxamuud Xaashi, isla markaana hadda u biyeystay sidii Musharrax Muuse Biixi uu ugu diri lahaa farriin odhanaysaa, Karis xun iyanna wax ku la’, oo mar hadii tiisa la diiday, tu Muuse Biixi leeyahayna  aanay u socon, waxanay Wararku intaa raaciyeen Wasiir Maxamuud Xaashi tallaabooyinkii u horreeyey ee u arrinkaa kaga jawaabo inuu ahaa kulankii ka dhacay Magaaladda Dubai, dhowaan mar ay halkaa ku kulmeen Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi, oo iyadoo socodkaa ama kulanka Dubai labadooda ay ku weheliyeen Wasiiradda arrimaha dibeda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka, waxana sida xoggaha lagu sheegay isu imaatinka Imaaraadka kusoo dhamaaday natijo la’aan, kaddib markii sida la sheegay Wasiir Maxamuud Xaashi cirka ku laalay dhaqaale yar oo faro-guudkood ah, kaasoo Shirkadda DP World maamul hoosaadka tirsani kaga jawaabay dalab dhaqaale weyn oo Xukuumaddu waydiisatay.

Dhaqaalaha kooban ee Shirkaddu ku yaboohday, ayaa sida ay iftiimiyeen xoggaha laga helay Safarka Dubai, waxa Wasiirka Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi uu ku dooday inay Xukuumadda soo food-saareen arrimo badan oo adag, isla markaana dhaqaalaha yare e Shirkadda DP World kasoo gaadhay Xukuumaddu u baahan tahay, sidaas awgeedna duruufaaha dhaqaale ee jira dartood aanu sinnaba munaasib u ahayn dhaqaalahan yare e Shirkaddu bixisay in lagu bixiyo Oloolle iyo Kaambeyn.

Teeda kale, xoggaha la helayo ee ku saabsan rajo beel Maxamuud Xaashi ee KULMIYE iyo tallaabooyinka geestiisa uu kaga falcelyey, waxa qaarkood xuseen Wasiirka Madaxtooyaddu inuu ku talo-galay Xisbiga UCID inuu ka dhigto dhuffays uu kasoo galo Dagaalka Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi, isla markaana Xisbigaasi uu noqdo meesha uu ku kala daadin karo qorshaha xisaabtii ahayn afar, laba iyo lix, oo ah shaxda qorshihii u degennaa Xisbiga KULMIYE ee guusha doorashada Madaxtooyadda.

Waxa kaloo Wararku intaa ku darreen in damaca Maxamuud Xaashi ee dagaalka wajiga Ucideysan uu salka ku hayo laba ujeedo, kuwasoo sida la sheegay kala ah, kow inuu ku wiiqo taageerada Xisbiga KULMIYE ka filayo gobollada bari, siiba Saraar, Sanaag Sool iyo qaayb Togdheer ah, mida labaad ee Wasiir xaashi ku xushay Xisbiga UCID, ayaa iyanna ah in Xisbiga UCUD u noqdo Wasiir Xaashi nusdambeedka mustaqbalka dambe mid uu ciyaarta kusoo galo.

Geesta kale, iyanna waxa jira xogo kaloo sheegaya inaanu wanaagsanayn xidhiidhka aqalka Madaxtooyadda iyo Murashaxa Xisbiga KULMIYE, xur-guftaas oo sida la sheegay ah mid salka ku haysaa tabashooyin dhinacyo badan leh, kuwasoo qaarkood la sheegay inay ka dhasheen, kadib markii musharraxa iyo hoggaanka kale ee Xisbiga KULMIYE afka ka xidheen eedeeymo musuq-maasuq oo mucaaridku qarqiyeen Madaxtooyadda iyo Xisbiga labdaba, iyo sidoo kale, xan War-dhuudhaasku u kala qaaday Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi iyo Madaxtooyadda, wararka loo kala qaaday labada dhinac oo sida la sheegay ay ku jireen arrimo xasaasi ah oo musharaxa KULMIYE ku goodiyey inuu tallaabo sharci ka qaadi doono, haduu uu tallada wadanka ku Guuleysto, waxana sida illaha qaar xuseen kamid ah meelaha Gudoomiye Muuse Bixi ku hanjabaday inuu kusoo celin doono gacanta dawladda dhismihii dugsiga Haweenka oo hadda dhismahaasi kamid yahay Hutel Cali Jirde.

Dhinaca kale, Wararka laga helayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Wasiirka Madaxtooyadda iyo gaabsiga aqalka Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay murashax Muuse Biixi inuu hadda xaalad-hoggaasho, taasoo ah mid isaggu jirtaa jugta soo gaadhay oo uu nasasho ka qaadanayo, iyo sidoo kale,mid uu ku odorosayo baaxadda waxyeelo ee soo gaadhay iyo diaar-garowgii uu kaga gaashaaman lahaa xaaladdaha lasoo dersay.

Ramaax oo Sheegay reer Saaxil Inay Diideen Aamina-weris in la Doortan, Cabashadooduna Daw-daro Tahay

“…[Reer Sheekhow] Marka aydin KULMIYE ka Cabanaysaan, ee Aamina-weris lagaga Badiyey Dariiqadda (Dariiqada Sheekh)…”

Badhasaabka Togdheer Maxamuud Cali Saleeban Ramaax

Sheekh(Yool)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleeban Ramaax, ayaa dib usoo faqay utunaha iyo godobtii gobolka Saaxil, gaar ahaan reer Sheekh ka galeen Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Weris), oo u dhalatay gobolka Saaxil, kuna dhalatay weliba Dariiqada duleedka degmada Sheekh, doorashooyinkii aqalka Madaxtooyadda ee 2003-kii iyo 2010-kii, labada doorasho, oo Xisbigii odaygeedu ka sharaxnaa ee KULMIYE u Cod-yar ka helay labada jeerba ka helay deegaankii uu xididka la ahaa ee Marwadiisu kasoo jeeday.

Badhasaabka Gobolka Togdheer oo shalay ka hadlaayey Munaasibad Xisbiga KULMIYE u qabtay xubno kasoo baxay Xisbiga Waddani oo kusoo biiray Xisbiga KULMIYE, waxa kaloo uu ku tilmaamay xaajo aan gar ahayn cabashada bulshada gobolka Saaxil, had iyo jeer kaga cowdan Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda ka dhalatay ee u gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagoo daliishanaya sidii bulshada degmada Sheekh doorashooyinkii u qadiyeen Xisbiga KULMIYE, sidaas darteed cabashada deegaanka ee dambe ay tahay mid aan xaq loogu lahayn Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisaba, badhasaab Maxamuud Cali Saleeban Ramax isagoo ka hadlaya arrimaha tagay iyo soo socda intaba, waxa yidhi,

“… Marka Xisbi soo baxo waxa lagu xisaabtamaa, maxay halkaasi (Deegaan) ku gashay, Waar (Reer Sheekhow) marka aydin KULMIYE ka cabanaysaan, markaa Aamina Weris lagaga badiyey dariiqada (Dariiqada Sheekh), ma inay iyaddu cabato ayey ahayd, mise in aynu inaggu cabano, waa inaynu runta isu-sheegno. Waayo? laba jeer ayaa Gurigii ay ku dhalatay ee dariiqada (Sheekh) lagaga badiyey, waa wax u sheegan karaa, maxaynu gashanay KULMIYE, markaynu leenahay KULMIYE, wax na yeelay iyo kulmiye ayaa wax noo dhimmay. Haddaba Maanta todoba sannaadood ayaa laga joogaa Maalintaa hore, hase-ahaatee Shiikhey idinka yeeli mayno Inaan-yarbaa meel u guuray iyo inaan-yarbaa calan la caraaray ee waxa la iidinka rabbaa Maanta waxaad KULMIYE gashan lahaydeen..”.

Siyaasi Abiib Iyo Faduumo Siciid oo reer Gabiley uga Digay inay Qabyaad wax ku Doortaan

“…Sideebaynu ku Walaaleyn karnaa Shacabka Somaliland, Hadii aynu Nidhaahno Subeer-Awal ayuun-baan u Coddeynayaa, Miyeynu Walaaleyn karnaa Waa MAYA…”

Marwo Faadumo Siciid

“..Waxa (KULMIYE) ku Sheekeeyaa in Furihii Gabiley cid gaar ahi Jeebka ku Haysato Maantaad Muujiseen inaydaan Cid u Xidhnayn..”

Siyaasi Abiib Tima-cad

Gabiley(Yool)-Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa khudbado xasaasi ah oo dareenka Bulshada ruxay, waxay ka jeediyeen Magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, halkaasoo Shalay ay booqasho ku tageen wafti uu horkacaayey Murashaxa jagadda Madaxweynaha Xisbiga Md. Cirro.

Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee weedhaha dareenka ku reebay bulshada ka jeediyey shalay Gobolka Gabiley, waxa kamid ah xoghayaha arrimaha dibeda ee Xisbiga Marwo Faadumo Siciid Ibraahin, oo iyaddu hadalo xamaasad leh ku ruxday qalbiyadda reer Gabiley ee soo dhoweyntooda usoo baxay, waxay xustay in sharafta iyo magaca bulshada ee ay isku dhalashada yihiin aanay u wanaagsanayn inay qabyaalad waxku doortaan, balse sharaftoodu ku jirto inay wax ku qiimeeyan wadaniyad iyo  kolba cidda ku haboon hoggaaminta tallada qaranka. Iyadoo arrimahaas ka hadlaysaa waxay tidhi, “… Muuse Biixi waa Nin Inaadeerkay ah, waxanu igu leeyahay Ixtiraam, Fartayda anigaa leh, halkaan ku ridayo anigaa leh, halkaan maraayona anigaa leh, sidaad idinkuba xaq ugu leedihiin. Hadaanu nahay Subeer-awal, waxanu leenahay, Waar cid umma xidhnin, sida markay tahay inaggu qabiilnimo waxaynu ka dooranay qaranimo, waayo? sideebaynu ku walaaleyn karnaa shacabka Somaliland, hadii aynu nidhaahno Subeer-awal subeer awal ayuunbuu u coddeynayaa, miyeynu walaaleyn karnaa, taasi waa maya..”.

Sidoo kale, Siyaasi Abiib tima-cad, ayaa ka dhawaajiyey gobolka Gabiley inaanu u xidhnayn cid gaar ah, balse asxaabta qaranka mid walbaa xor u yahay nin kii doonaya, sidaas darteedna cid fiikirkaa aaminsani uu yahay qof aan habeen jirin, siyaasi Abiib tima-cad oo isna arrimaha iyo kuwo kaleba carabka ku dhuftay waxa hadalladiisa kamid ahaa, “…Gabiley cid uma xidhnaa, jeebka cid ku sidataana ma jirto oo waa Xor, waxa (KULMIYE) ku sheekeeyaa in furihii gobolka Gabiley cid gaar ahi jeebka ku haysato maantaad  muujiseen inaydaan cid u xidhnayn..”.

Guddoomiye Cirro oo si Balaadhan loogu soo Dhaweeyey Gobolka Cagaaran Ee Gabiley

“…Waxaan ku Dhaaranayaa In aan Gobolkan Abaan uga Baahnayn…”

“…Waxa Gobolkan aan ku Kalsoonay inuu Yahay Gobol aad u Xejiyey Dardaarankii Abwaan Timacade, Muxuu yidhi, Dugsi ma leh Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane…”

Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Gabiley(Yool)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa shalay si xamaasad leh loogu soo dhaweeyey gobolka Cagaaran ee Gabiley.

Musharax Xisbiga Waddani iyo weftigii uu hogaaminayey oo abaaro 8:30 subaxnimo ka soo kicitimay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo afartii maalmood ee u dambeeyey ay ku sugnaayeen weftigu, waxaanay dadweyne tiro badani ay ku qaabileen deegaamada Gobolka Gabiley ee Xuushalay, Kala-baydh iyo Caratuulka oo ay weftiga Murashaxa Waddani ay ku soo dhaweeyeen dadweyne tiro badan oo ay horkacayeen Siyaasiyiinta deegaamadaasi ka soo jeeda ee xisbiga Waddani ka midka ah, waxaanu Murashaxu halkaasi xadhiga kaga jaray xafiisyo xisbigu halkaasi ka furtay.

Weftiga Xisbiga Waddani ayaa markii ay soo gaadheen duleedka magaalada Gabiley, waxa ka hor yimid jamaahiir taageersan xisbiga Waddani, waxaanay aakhirkii iskugu soo biyo shubteen fagaare looga sameeyey meel ku beegan afaafka Dawlada Hoose ee Gabiley, halkaas oo masuuliyiinta xisbigu ay khudbado uga jeediyeen dadweynaha taageersan xisbiga Waddani.

Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ka mid ahaa Masuuliyiintii xisbiga ee dadweynaha la hadlay ayaa sheegay in gobolka Gabiley uu caan ku yahay wax soo saarka, halgankii dalkan dib loogu xoreeyey, waxaanu si gaar ah u xusay in gobolku aanu kala sinayn gobolada kale qabyaalad diidka oo ay dheeryihiin Abwaankii weynaa Cabdilaahi Suldaan Timacade, soona qaatay tuduca gabaygiisii caanka ahaa ‘Dugsi ma leh qabyaaladi waxay Dumiso Mooyaane’.

Ugu horayna waxa uu Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani uu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan si aan la qiyaasi karin ugu mahadnaqayaa dhamaan shacbiga gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalada Gabiley oo nagu soo dhaweysay gobolkan Cagaaran, waxaan idiinka mahad naqaynaa sida milgaha leh, sida gobanimada leh ee aad noo soo dhaweyseen oo qalbigayaga ku qornaan doonta mudo dheer hadii alle yidhaahdo.

Waxaan ku faraxsanahay inaan Gabiley ka hadlayo oo aan joogo, maaha markii iigu horaysay, mana noqon doonto markii iigu dambaysay.

Gabiley waa magaalooyinka ugu muhiimsan Somaliland waxay haldoor ka ahaan jirtay xiligii gobanimo doonka, Abwaanadii suugaanta, Halgamayaashii iyo dadkii usoo halgamay dalkan, wax soo saarka iyo tacliinta dalka. Waxaan gobolkan ku kalsoonay inuu yahay gobol aad u xejiyey dardaarankii Abwaan Timacade, muxuu yidhi?, ‘Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane’, waxaan u sheegayaa oo aan waliba ku dhaaranayaa inaanan gobolkan marti u ahayn, waxaan ku dhaaranayaa inaanan gobolkan cidna abaan uga baahnayn, waxaan ku dhaaranayaa illaahayna aan ka rajaynayaa inaan gobolkan cidi iiga cod badan doonin gobolkan.

Gobolkan waa gobolada ugu wax soo saarka badan, waa gobolada ugu codka badan, mudo dheer gobolkani wuxuu doonayey in loo sharciyeeyo gobolnimo, waxaan rumaysnahay ninkii ugu halganka badnaa doonista gobolka inuu xildhibaan Bashiir Tukaale yahay.

Mudadii aanu Baarlamaanka joognay intaa wuu halgamayey, Waxaanu markii ugu dambaysay ku guulaysanay inaanu hor keenay baarlamaanka  mooshin aanu leenahay xukuumada ha loo dhamaystiro gobolnimo gobolka Gabiley, reer gabiley meel ha ku qortaan, waxaan u sheegayaa qalin qudha oo gobolnimada Gobolka Gabiley qoraysa waa ka gacantayda ku jira hadaad doorataan inaan Madaxweyne noqdo.

Hadii Madaxweyneyaashii hore ka waabteen waxaan idiin sheegayaa waan saxeexayaa hadii Illaahay ka dhigo.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacade) oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani kana soo jeeda Gabiley, waxaanu yidhi “Qabyaaladu ha dhacdo, Gabiley cidna uma xidhna, cid jeebka ku sidaa ma jirto, Gabiley waa xor.” Ayuu yidhi Siyaasi Abiib Timacade, waxaanu intaasi ku daray in siyaasiyiinta Kulmiye ay isugu sheekeeyaan in furihii iyo mufaatiixdii Gabiley ay jeebada ku sitaan arintaasina ay tahay riyo iyo mala’awaal.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isaguna ka mid ah siyaasiyiinta reer Gabiley ee xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in Qabyaalad aanu qaran ku dhismin, isla markaana Saddexda Musharax in aanu ku jirin mid kaliya oo reerkiisa oo qudhii uu soo saari karo balse ay u baahan yihiin reeraha kale, taasina ay waajibinayso in laga tago qabyaalad in cid loogu codeeyo, waxaanu yidhi “Saddexda musharax mid reerkoodu uu soo saari karaa ma jiro hadii aanu Somaliland oo dhan wadan, Somaliland waxay Somaliland ku noqonaysaa mid loo dhan yahay, hadaba Guusha Yaa leh? –Wadanibaa Leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Gabagabadii khudbadihii xisbiga Waddani uu la wadaagay Taageerayaashiisa gobolka Gabilay, ayaa weftiga iyo Murashaxa loo galbiyey dhinaca deegaanka Ceelgeniiseed oo qado loogu sameeyey, waxaanu weftigu u hoyan doonaa Caawa magaalada Gabiley, isagoo maalinta Barito ah hadii alle yidhaa u kicitimi doono magaalo xuduudeeda Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley.

Leave a Reply

*