Musharax Cirro Oo Si Murugo Leh Uga Haddley Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timi Marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamamuud Talyanle Iyo Tacsida Uu Diray

Musharax Cirro Oo Si Murugo Leh Uga Haddley Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timi Marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamamuud Talyanle Iyo Tacsida Uu Diray

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbig micaaradka ah ee WADDANI ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlay magaciisa ka Xisbiga WADDANI wuxuu dhammbaal Tacsi ah u dirrayaa , Golaha wakiilada, Golaha guurtida, Xisbiyada Qaranka Somaliland, siyaasiyiinta wax-garadka aqoonyahaynka, asxaabtii, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ,isagoo ka tacsiyadanaya geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle) oo Xalay  27/09/2017 ku geeriyooday Dalka Hindiya .

 

Musharax Dr C/raxmaan Cirro, ayaa marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa halyey dalkiisa iyo dadkiisa jecel, isagoo marxuumku ahaa Masuul danta Qaranka ka horeysay wax kasta, oo ku dhaata dalkiisa Somaliland, waxaanu door-weyn kasoo qaatey nabadaydii dalka iyo dib u dhiskii Qaranka Somaliland, waxa lagu xasuusan doonaa Marxuumka talaabadi ugu danbaysay ee tudhaaha lahayd  ee ugu tanasuley xilkii Guddoomiye-nimida golaha wakiilada Somaliland ee uu ku guuleystay.

 

Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr C/raxmaan Cirro ayaa wuxuu Marxuumka Alle uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo Qoyskii,Eheladii Qaraabii, Asxaabtii Iyo shacabka Reer Somaliland ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI

Xafiiska Hargeysa

 

 

Leave a Reply

*