War Naxdin Leh:-Xildhibaan C/raxmaan Talyanle Oo Ku Geeriyooda Dalka Hindiya

War Naxdin Leh:-Xildhibaan C/raxmaan Talyanle Oo Ku Geeriyooda Dalka Hindiya

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Alle ha-unaxariistee waxa habeenkii xalay ahaa dalka Hindiya ku-geeriyoodey Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyane oo kamid ahaa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortey gobolka Sanaag, waxaanu marxuumku kamid ahaa  saraakiisha  Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI

 

Marxuum Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle, ayaa  xaalada caafimaad  oo u tegay dalka Hindiya gaari ahaana magaalada Haydarabaad ugu geeriyoodey habeenkii xalay ahaa, iyadoo la filayo in maydka marxuumka loo soo qaado dalka, isla markaana aas qaran loo samayn doon

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Alle ha-u naxariisto Marxuum Cabdiraxman Talyanle .

Leave a Reply

*