Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxmaed Silaanyo oo ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Taltaanle oo maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada hargeysa gaar ahaan xabaalaha naaso hablood
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan xubno kamida golaha wasiirada, madaxda axsaabta qaranka, madaxda hay’adaha madaxa banaan, madax-dhaqameedyo, culimo iyo dadwayne tiro badan ayaa ka qayb galay aas qaran oo maanta xabaalaha naasa-hablood ee magaalada Hargayasa loogu sameeyay marxuun xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo doraad ku geeriyooday dalka Hindiya.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiraanyo leh u diray dhamaan shacabka reer Somaliland gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadii xildhibaanka isagoo Madaxweynuhu ku sifeeyay marxuumka inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland wax weyn taray madaxweynaha oo ka hadlaya shakhsiyadda marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa yidhi “ILLAAHAY naxariistii janno haka waraabiyo marxuumka, shakhsi wanaagsan ayuu ahaa innagana ha inooga daba naxariisto” ayuu yidhi Madaxweynuhu
Dhamaan madaxdii ka qayb gashay aaska marxuumka ayaa iskaga daba maray shakhsiyadii wanaagsanayd ee marxuum Talyaanle, waxaanay tacsi u direen qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuum.
Leave a Reply