SHEEGASHADA HUNGURIGA WEYN EE NEGERI LENCHO EE DHULKA SOMALILAND IYO JAWAABTA NACFIGA YAR EE SACAD CALI SHIRE KAAF IYO KALA DHEERI MAAN DHEH!

SHEEGASHADA HUNGURIGA WEYN EE NEGERI LENCHO EE DHULKA SOMALILAND IYO JAWAABTA NACFIGA YAR EE SACAD CALI SHIRE KAAF IYO KALA DHEERI MAAN DHEH!

Wasiirka war-faafinta ee dalka Itoobiya Negeri Lencho waxa uu sheegay maalintii dorraad ahayd in Somaliland la ga soo baro-kiciyey dad Oromo ah!

Wasiir Negeri Lencho waxa uu isticmaalay erayga (displacement) amma baro-kicin oo macnaha keliya ee uu leeyahay marka xaalad noocan oo kale ah loo adeegsanayo noqda dad dhulkoodii ay lahaayeen ee Alle ku beeray la ga soo eryanayo si loo ga la wareego oo cid cusub loo gu beero!

Goorma ayey Oromadu dhulka Somaliland wax ku yeelatay? Intaa keliya kuma uu joojin wasiirku e, waxa kale oo uu sheegay in Oromadu ay tahay ummad degan oo ku beeran gobolka Oromia iyo maamul gobolleedyada Soomaalida ee kale.

Isaga oo u la jeeda in Oromo sidoo kale deegaan ku tahay Jubbaland, Hir-Shabeelle, Koonfur-Galbeed, Galmudug iyo Puntland intaba! Isaga oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi:-

“Oromos, who belong to Ethiopia’s largest ethnic group and are now sheltering in Ethiopia’s Oromia and Somali regional states” erayga “belong” ee uu wasiirka Oromada ahi isticmaalay waxa uu qayaxayaa lahaanshiyaha dhuleed ee gobollada Soomaalida iyo dadka Oromada ah ka dhexeeya! Halka erayga “sheltering” yahay hoy iyo halka Alle uunka Oromo kaga beeray!

Arrintani waxa ay markhaati u tahay ammuur aan hore u sheegay oo ka warbixinneysay damaca nacaska ah ee Oromada ee ku wajahan dhulka Soomaalida haddii ay awood yeelato mustaqbalka!

Waxase yaabka yaabkii ah in dawladda Somaliland ay ammuurtan jawaab bilaa nacfi ah u hollatay. Waxa ay ka jawaabtay oo ku cuslaatay Oromo ayaa la qaxiyey! Ma se ay fahmin erayga “displacement” oo siyaasiyan ah eray sheegaya dad dhulkii Alle ku beeray la ga qaxiyey amma la baro-kiciyey!

Erayada noocan oo kale ah in aad daaddifayn waydo oo siyaasiyan hab-dibloomaasi ah aad u burin waydaa waa nacasnimo! Waxa aan aad uga xumahay in wasiir Sacad Cali Shire ay carabkiisu ka silliteeyo ka jawaabista sheegashada Oromada ee dhulka Somaliland.

Diblomaasiyadda sinbiririxataa dawladnimada dhankeeda waa ku ceeb e, wasiir Sacad waxa seegtay in uu ka jawaabo Oromada dhulka inna la leh ee aynnu sida sharci-darrada ah u baro-kicinnay! Sheegasho mug weyn iyo jawaab taag-daran oo ka dabo tag u baahan weeye haddii Alle garansiiyo.

Mohamed Hagi Mohamoud

Leave a Reply

*