Xildhibaankii wacnaa waa wasiirkii xumma! W/Q Sharmaarke Abdi maxamuud Qaloonbi

Xildhibaankii wacnaa waa wasiirkii xumma! W/Q Sharmaarke Abdi maxamuud Qaloonbi

Xildhibaankii wacnaa waa wasiirkii xumma!

 

 

 

Waa ganacsadii baabuurta ee walaalkii uga masuulka ahaa, hadda waa baabuurtii tulooyinka u kala bixi jirey, waa Gudoomiyii xisbiga kulmiye ee gobalka togdheer waa siyaasigii haftay ee ku muuqaray saxada siyaasada gobalka togdheer, markii uu la jaanqaadi waayeey waa masuulkii laga badaley xilka xisbiga kulmiye ee gobalka, waa Gudoomiyii fashilmay ee musharaxa Barlamanka noqdey waa xildhibaankii wanaagsanaa ee wacnaa misna waa wasiirkii xummaa! waa cali xasan maxamed maaha mid kale ee waa wasiir Cali maraxeen waxa aan ka wadda, waa wasiir Cali garbahaaray.

Burco waay ooyeeysaa waay murugeysantey
Waa aay calool xuntey misna waa aay tiiraanyeeysan tahay waxa aay haddii aay hadli lahayd odhan lahayd gabaygii ahaa,

Maxa habarwadaagyaday ka dhigay haydhafkiyo liidka, kii lagu hungoobo ba Maxaa habaryartay siiyeey!

Xarunta gobalka togdheer waa warshadii hogaamiyaasha somaliland waa, halkii muuse galaal ku soo barbaarey, ee maxamuud axmed cali ku ababey waa, goobtii uu shiikh Bashiir ku dhashay cabdiraxmaan axmed cali na ku raad-dhaqaajiyeey waa, madashii uu cigaal ku socod bartay faarax oomar na u dhintay waa, meeshii uu silaanyo ku qalin qaatay xasan cali abokor na ku garaadsadey, waa, halkii uu axmed xasan muuse xundhurtiisu ku aasnayd waa, malkadii uu hadraawi ku indha dillaacsadey salaan carrabey na ku mii dhashay waa halkii maxamed fiin ku doob dillacsadey maxamed xuseen cilmi na ku garaadsadey maxamed cali iyo malyuuna u dhinteen maxamed kaahina u nool yahay Xirsi na u mayracayo. waa meel aanan meel na dhaafsanayn waa mudankii aan ku dhashay waa meel maxamed muraad maayir looga dhigey madoobatay misna waay murara dillacsan tahay waa Madal gobanimo taalo oo maamuulida ramaax aqbashay maxastii iyo maatidiina malaal iyo dalaal uu maanta hunguri mawdseday, waa meel wasiiradeeedii ilaaween weli na aan dawladnimo soo gaadhin waay ooyeeysaa waxa aay leedahay, meye kuwii aan abaalka ku lahaa!

Wasiir burco waa aay hadaldeysay haddii I kii aan madax ka dhigaa ba ilaawayo haddii ka aan xaleeyo ba I qobqobayo oo xajiimeynayo hargaysa na u degayo haddii ganacsataydii Iga hayaantay culimadaydii hagratay aqoonyahankiina I curaanshey waa nasiibkay ee dib uun hay cunin wasiir Cali maraxeen.

Xaruntii dalkaygaay
Xerro gobi ku nooshay
Xayo sharaf u dhalatay
Burcooy xays waqooyay

Xajkii laygu dhalayee
Xuduntaydu taalaay
xornimada dalkaygaa
Goobtii lagu xasilayaay

Abwaan loo xutubiyaay
Xikmad loo haneeyay
Lagu xeeri dhaqankaay
Madax lagu xaq dhawraay
Xilka lagu macsuumay

Xinniinyaha rageedii
Halka hibbo la xulayee
Jimcihii xinrjira dhiig
Magaceeda xaradhee
Bal in lagu xaroodoo
La xoreeyo gobanimo
Kumanaan xaqeedaa
U xabaal muteeneey

Burcooy lagu xamdiya’eey
Burcooy loo xadreeyaay
Burcooy xeelad badaneey
Burcooy xeerin badaneey
Hooy lagu xasilo’eey
Madal aan xajiiniyo
Xumme laga fogeeyaay
Xalayn loo dhameeyaay

Burcooy ruuxa xeradiyo
Xayndaabkaa dhaafana
Xiisihiisa badisaay
Xeerbeegti beeraay
Sandalada xaqdhawrtaay
Ku xeel-dheer aqoontay
Teet adayg xambaartay
Ma’hiigan xarfanayaan

Habla wadda xariiroo
Qurux wadda xasilanoo
Markay socod xarfanayaan
Xaadu aay dhaqaaqdana
Halka laga xushmeeyaay

 

Leave a Reply

*