Cabdiwali Gaas oo sheegay in khatar Amni ka jirto deegaannada Puntland

Cabdiwali Gaas oo sheegay in khatar Amni ka jirto deegaannada Puntland

Madxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in deegaannada Puntland ay ka jiraan khatar dhinac Amniga ah

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah deegaannada Puntland ay ka soo weerar tagaan Al-Shabaab iyo kooxda Daacish oo uu sheegay in ay dhibaato ku qabaan.

Waxaa uu intaa raaciyay in xudduudaha Puntland ay ka jiraan culeysyo dhinaca Amniga ah taasi oo uu sheegay in ay sii xoojineyso khatartii markii horeba jirtay.

Maamulkiisa ayuu sheegay in uu ku dadaalayo sidii loo soo afjari lahaa Al-shabaab iyo kooxaha sheegta in ay ka tirsan yihiin Daacish ee ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaannada uu maamulku ku arimiyo.

Waxaa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka Puntland si loo xaqiijiyo amaanka guud.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish waxaa ay kula dagaalamaan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland.

Somaliland Live Media

Leave a Reply

*