ADNA OO KA SOO HORJEEDA KUWII SOOMAALI KALA QAYBIYAY SHALAY MAANTANA AH DAWLAD DIID.

ADNA OO KA SOO HORJEEDA KUWII SOOMAALI KALA QAYBIYAY SHALAY MAANTANA AH DAWLAD DIID.

ADNA waa gabadh soomaaliyeed,oo wadaniyad ah.Waxay u dhaxday Cigaal allaah ha u naxariistee madax waynihii somaliland.waa qof leh tacliin sare.Si aynu isula fahano waxa hada socda ee ka jira soomaaliya bal aan in yar jaleecno taariikhda soomaaliya xiligii xoriyada.

Dalkeena soomaaliyeed waxaa looqaybiyay 5  sanadihihii 1884 magalada baarliin.Dadka soomaaliyeed waxba lagama waydiin kala qaybinta dalkooda.Hayeeshee waxaa dalkeena ka bilawday dhaq dhaqaaqyo xoriyad doon oo ka jiray gobolada waqooyi,galbeed,bari iyo koonfurba.waxaa uugu waynaa dhaqdhaqaaqii S.y.l ee bilawday 1943.

Ururkan s.y.l ee xoriyad doonka aha waxaa mab di iisu ahaa ama u jeedadiisu in reer yada guumaysi layska tuuro oo hal meel laysugu keeno soomaalidii lakala qaybiyay 1884. in soomaali galbeed,soomaliland ama gobolada waqooyi, dhulka somaalida ee kenya Nfd,koonfur soomaaliya oo talyaani haystay,jabuuti in haldawlad laysugu keeno maadaama ay yihiin hal umad isku mid ah oo wada dhashay lehna hal dal hal diin hal af hal midab.waxay xaq ulahaayeen in aan laka qaybin oo aan laga dhigin dawldo kal duwan iyo kuwo cidkale la hoos geeyo oo la dhaxal siiyo dalkii iyo dadkii soomaaliyeed sida soomaali galbeed iyo nfd kenya.

 

GUMAYSIGII OO BALAN QAADAY IN 5 TII LA XORAYNAYO SOOMAALI WAYN DHALATAY AH HAL DAWLAD.

Dalkeena waxaa xukumaayay oo kuligiiba la wareegay Gumaystaha INGIRIIS.Waxa uu ka takhalusay heshiiskii iyo kala qaybsigii 1884 oo marka laga reebo Gumaystaha FARANSIISKA oo haystay qaybna u helay soomaalida jabuuti mooyee inta kale oo dhan lawareegay taariikhdu markay ahayd 1941 dii. Talyaani waxa uu kamid ah dawladihii laga adkaaday dagaalkii aduunka.Waxaad ogaataa akhristoow in dalkeena 1941 sida soomaaliland,soomaali galbeed ama ogaadeeniya,koonfurta soomaaliya oo dhan,iyo NFD Dhulka soomaaliyeed ee kenya haysato uu ka taagnaa calanka INGIRIISKA.

Ururkii dhaqdhaqaaqa gobonimadoonka soomaaliyeed ee dhalinyarada S.Y.L waxa uu isna xafiisyo ku lahaa halganka wada oo wadaniyiin ah Hargaysa,jigjiga,boosaaso,ceer gaabo,laas caano,baydhabo,mogdisho,kisamanyo, baladxaawo,luuq,qardho,qabri dahar,laasqoray,caluula,qandala ,marka,afmadoow,afgooye,jabuuti,qoryooleey,jawhar,hiiraan,hobyo,caadaado,wardheer,galaadi,dhagax buur,burco,barbara,inagoon tixi karin magacyada magaalooyinka soomaaliyeed oo dhan halkan ayaan rabaa in aad ogaataan in dhaqdhaqaaqu ka jiray magaalo kasta,gobolkasta,dagma kasta iyo tuulo kasta oo soomaaliyeed.

Hadafka ururka s.y.l waxa uu ahaa in 5 taa la qaybiyay ku xoroobaan hal dawlad oo mid ah iyo hal calan oo ah soomaali.waxay kasoo horjeedeen Gumaystaha kala qaybinta dadkooda iyo dalkooda ayagoo ah isku diin,isku dad,isku dal,isku diir,isku af oo wada ah soomaali dagan geeska afrika.

XORIYAD SIINTII SOOMAALIYEED 1960 kii.

Dagaaladii iska caabinta gumaysiga iyo hirarka baraarugu gobonimo doon ee ka socday dalkeena iyo qarada afrika oo dhan ayaa sababay iyo arimo kalaba in Gumasytaha reer yurub dib uga gurtaan oo ka baxaan wadamada lagumaysto lana siiyo xoriyadooda dawladnimo ee loo diiday.sidaa daraadeed Gumaystihii waxa uu isku raacay in soomaaliya lasiiyo xoriyadeeda dhamaadkii 1948 laguna waree jiyo dawlad xor ah oo ay leedahay soomaalidu 1960 marka lagaaro.Haday sidan gaareen reer yurub ayaa waxaa yimid waa hagaag ee yaa gaarsiin soomaaliya xoriyadaas?oo macnuhu yahay in loo taba baro shaqada dawlad nimo kadibna ay ku wareegaan iyagoo ah dad aqoon u leh maamulida iyo xeerarka dawladi leedahay oo lagu dhaqo dal.

Layskuma hayo in soomaaliya ay xoroobayso 1960 kii,ee waxaa laysku hayay ma INGIRIIS baa gaarsiin mise Talyaani oo labaduba gumaysan jireen soomaaliya?Talyaani oo kamid ah xulufadii laga adkaaday dagalkii aduunka oo laga guulaystay ayaa ku qabsaday INGIRIIS xoriyad gaarsiinta soomaaliyeed ee loo qoon deeyay mudo 10 sanadood ah.waxa uu ku dooday in 3 dal oo uu qaybsigii afrika ka helay mid uun loo daayo oo ahaa LIIBIYA,SOMAALIYA,ERATARIYA.

Dacwadiisii uu maraykan iyo golaha aduunka ugud bistay isagoo dacwaynaya INGIRIIS isaguna is difaacayo.Eratariya waxaa difaacay damaciisana beeniyay dawlada Eithipia oo galbeedkana ku lahayd saaxiibo.Liibiyana waxaa u hiiliyay carab oo ku raacday in Talyaaniga loo daayo soomaaliya INGIRIISNA laga qaado,waxay taa badalkeeda ka dhigeen in Talyaani uu markaa xoriyadooda siiyo liibiya taasoo carabtii ay ku raaceen dawladaha aasiyaanka sida indiya.waxaana lagu guulaystay in Liibiya la xoreeyo  somaliyana talyaani lasiiyo.

Dhanka kale INGIRIIS iyo dawlado badan ayaa diidanaa damaca waalan ee talyaani iyo beentiisa aan xikmada ku fadhiyin.waxaa la go aamiyay in is qabqabsigan labdan dal meel layska dhigo oo bal horta la waydiiyo soomaalidu iyagaa leh dalka ee yay rabaan in uu 10 sanadood gaarsiiyo xoriyada,ma INGIRIIS mise TALYAANI? Aduunku wuxuu go aamiyay in dawlado dhex dhexaad ah loo soo diro iyo ergo xaqiiqo raadin ah oo cadeeya mawqofka soomaalidu doonayso iyo go aankooda halka loo badan yahay.

Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay bishii JUUN 1946 dii wasiirkiisa arimaha dibada oo la oran jiray BEVIN in ay doonayaan marka laga reebo JABUUTI oo faransiis gumaysto mooyee inta kale ee soomaaliyeed in meel laysugu keeno laga dhigo hal dawlad isaguna gaarsiiyo 10 sanadood oo tababarid ah.Hadalkaa waxaa u riyaaqay soona dhaweeyay ururkii s.y.l aadna uugu riyaaqay. dhanka kale waxaa ka xumaaday oo dagaal adag galay Talayaniga.

Dawladaha loo soo diray inay xaqiiqada helaan ayaa yimid MOGDISHO oo ah 4 dak ee markaa uugu xooga waynaa aduunka waa MARAYKAN,RUUSH,FARANSIIS IYO INGIRIIS. waxay u yimaadeen  in lahubiyo soomaalidu yay rabaan xoriyad gaarsiinta? Gudigaas waxaa soo hormaray 6.1.1948 dii Dad soomaali ah oo ka soo horjeeda in soomaaliya hal meel laysugu keeno oo hal dawlad lagu mideeyo.waxayna doonayaan fikirka Talyaaniga waana dad maskaxdooda talyaani hantay oo uu xoogaa shilimaan ah siiyo intaana ku qanacsan.

s.y.l oo hore u go aan satay in ay markooda marto gudiga hortiisa maalin u gaar ah ayaa isu diyaarisay arinkaa 11.1.1948  inay socod ku hormaraan wadada dheer ee hormarta halka markii danbe laga dhisay hotel AL CURUUBA. Waxaa dhacday in xaruntii s.y.l loo soo diray oo talyaani u soo diray kuwii isaga raacsanaa inay qabsadaan xarunta s.y.l halkaas oo layska caabiyay. ururkii s.y.l waxa uu fahmay in talyaani shaqaysanayo oo soo diray ragaas kadibna waxa uu dagaal ku qaday u rurku xarun talyaani oo lagu gawracay 54 talayaani ah 55 kalana dhawac halis ah lagaliyay.arinkii in s.y.l markeeda la arko waxa uu ku dhamaaday dhiig iyo fawdo dib danbana laysuguma soo noqon arinkaa.

Talayaanigu markii danbe lacag buu ku kala jabiyay leegadii oo waxaa meeshaba laga saaray fikirkii S.Y.L ee ahaa in aan talyaani danbe ku soo noqon dib danbe soomaaliya iyo in soomaali hal dawlad laysugu keeno oo xor ah kulugood.Mar danbe oo oo talyaani hantay dadkii ayaa cabdullaahi ciise septempar 1949 tagay shirkii lagu wareejinaayay go aanka ah in talyaani gaarsiiyo soomaali xoriyad mudo 10 sanadood ah.

Dadka soomaaliyeed ee kayimid halka looyaqaan hada puntland,kuwa ka yimid somaliland,kuwa hada ah koonfur galbeed,kuwa hada ah jubaland,kuwa hada ah kililka shanaad,intuba waxay doonayeen soomaali hal ah oo yeelata hal dal waxaana hormuud u ahaa wadaniiyiintii somailand iyo puntland. dadka kasoo jeeda hobyo iyo mogdisho hada ma aysan doonayn somaliweyn iyo midoow toona,waxay raaceen talyaani.

                                           SOOMAALI LAND OO MIDAYSAY SOOMAALIYA

Soomaaliland waa wadaniyiin ah s.y.l markay xoroobeen iyagaa dib ula midoobay koonfur soomaaliya iyagoo qaba dareenka dalka,diinta,iyo dadka soomaaliyeed lagu midayn lahaa hal dawlad.markii koonfuri ay iska daayoo ay maamulkii ay ku soo dari waayeen oo albaabka ka xirteen ilaa puntland gaashanka u daruurtay kana caroodeen soomaali bi isnimadaas oo ay markii danbe maamulkii dalka dheeli tireen oo la magacaabay Mudane raysal wasaare CIgaal oo uumaga caabay madax wayne sharmaarke. Arintaa oo ay ka xumaadeen koonfurta talyaaniga raacsan ee ka horjeeda midnimada soomaaliyeed.

Suaasha ayaa ah yaa dii danaa soomaali inay midoowdo shalay? yaase diidan maanta in la helo dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa?

Taariikhdu iyadaa dib isu qora waana wax lagu cibro qaato.waxaa diidanaa kuwii Talyaaniga ku raacsanaa in uu dawlad ka dhigo mogdisho iyo nawaa xigeeda oo kaliya ama koonfurba.kuwii soomaray jidka ee yiri talyaani baan doonaynaa mana doonayno soomali laysu keeno oo dib u midoowda.soomaaliya kuwii dhabarka ka jabiyay oo cadawga u loogay weeye oo talyaani inoo adeegsaday ilaa maantadaas. waxaa sababay in dad soomaaliyeed gumaysi ku sii jiraan waxaa weeye dadkaa soomaaliyeed ee Talyaanigu samaystay ee fikirka gaaban leh oo aan arki karin aayaha iyo dal iyo dawladnimo iyo xoriyadi tahayba.

Maanta waxaa hortaagan in aan dawlad noqono bal hada aad ugu fiirsada waa iyagii uun oo labadii is raacday kala gooyay oo diidan in mogdisho ka dhalato dawlad soomaaliyeed oo hanata dalka iyo dadka soomaaliyeed.27 sanadood iyagaa hortaagan soomaaliya oo fool xumadan baday. waa kuwii shalayn uun.mar wuxuu burburiyay soomaali wayn,marlabaadna waxa uu meeshaba ka saaray soomaali hesha dawladnimo.

Hadaba ADNA waxay kamid tahay dadka sida fog u ogsoon xaqiiqada jirtay shalay, maantana taagan iyo kuwa diidan somaaliwayn dhab ahaan iyo kuwa diidan dawladnimo dhab ahaan.ADNA ma doonayso in ay wax ku darsato soomaali bi iskaa burburiyay somaliweyn hadna aan doonayn dhab ahaan dawladnimo.Adna waxay rabtaa hormar sharaf iyo dawlad nimo waxay rabtaa soomaalinimo dhab ah. somaaliland iyo puntland maamulay dhisteen nabad iyo nolol bay rabaan iyo sharaf iyo dawladnimo maxaa loo xaqiray shalay tii ahayd iyo tan maantaba?

Qarankii soomaaliyeed si loo daba qabto soomaaliyana loo caymiyo waa in meel lasaaraa caasimada soomaaliya ayadoo aan dib danbe loogu dhici doonin hogii iyo haadaantii mogdisho ee talyaani u qoday soomaaliya.ADNA in la raaco weeye oo bad baadinaysa soomaaliya mana diidi karo xalka ay doonayso oo ah xal dib loogu yaqleelayo soomaalidii talyaani dabinka la helay. dib danbana uma aqbalayno AFKAARAHA GURACAN EE TALYAANI YEESHAY MIDAB SOOMAALIYEED.ADNA Waxay wadaa deegan cusub oo dawladi ku shaqayn karto markiiba,waxay wadaa dan soomaaliyeed, waxaan arkaa in ADNA ay tahay furihii xalka soomaaliyeed oo mugdigalay 1960-2017.

Heer qiyaamayn ay ka gaareen iyagaa doortay oo kala qaybiyay soomaali oo diiday soomaaliwayn shalay,isla markaana isagii baa iska dhigaya ka raba soomaaliwayn oo wakaa qalbidhagax inta dhiibay hada u doodaaya si loogu maleeyo in uu yahay soomaali weyn mid raba!! si dawladan taagta daran uu u fashiliyo! Heer uu dhagar iyo khiyaano ka gaaray wuxuu soomaalida oo dhan ka dhaadhiciyaa in soomaaliland go ayso oo dalka kala qay binayso si aan isaga loo arag! Heer uu khiyaamo ka gaaray waxa uu diidan yahay in soomaaliya dib danbe u yeelato dawlad iyo kala danbayn hadana isagaa ugu qaylo badan oo ugu cod dheer oo leh dawladnimaan rabanaa!! waxay ilatahay maanta in la joogo xiligii dalkeena arimo waa wayn iyo talo fiican laga gaari lahaa oo keenta inta khiyaalka laga baxo AFKAAR CUSUB.Hadii kale Talyaani iyo mid uu dilooday ama gunta u adeegtaa halkaa haydinku hayeen walingiinba.

Leave a Reply

*