Shirkii Biciide: Xirsi oo Wadaan ka Buuxsaday + Maxamud Xaashi oo Weyso Biyeyn-waayey + Gaafadhi oo Is-dhiibay + Badhasaab Falay oo Dhex-fadhiistay Iyo Maayir Ismacil oo Farta ku Fiiqay

Shirkii Biciide: Xirsi oo Wadaan ka Buuxsaday + Maxamud Xaashi oo Weyso Biyeyn-waayey + Gaafadhi oo Is-dhiibay + Badhasaab Falay oo Dhex-fadhiistay Iyo Maayir Ismacil oo Farta ku Fiiqay

Hogaamiye Xirsi Cali X. Xasan

 

“…Nin-walowba darkaaga ka darso, wixii raganimadaadu kuu goysana Xisbi walowba waa nasiibkaa, waxa’se aanu leenahy Nin waliba wuxuu Gashaday ayuu leeyahay…”

Wasiir Maxamuud Xaashi

“..Waanu Jeclayn in wax noo Gaar aanu meesha ka Helno, Muddo badan ayaanu Isla Gal-Galanay Madax-Dhameedka oo Waanalaga Adkaaday..”

Afhayeenka KULMIYE

Ceerigaabo(Yool)-Madal loo gim-gimay in lagu soo afmeero Shirweynaha Beesha Biciide Yoonis iyo Buraale Yoonis, ayaa markii u horaysay si foolka fool ah waxa isku wajahay Siyaasiyiinta jiilka cusub ee kasoo aflaxay Madarasadda Siyaasadda Siilaanyo, hase-ahaatee damaca hankoodu kala foggeeyey, kuwasoo qolaba geesteeda isbidday inay gacanta ku hayso taageerada Beesha.

Siyaasiyiinta isku mederasadda ah ee faggaaraha Dooxadda Dagaar iska helay, waxa kamid Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, afhayeenka Xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi, badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay iyo duqa degmada Ceerigaabo Ismaacil X. Nuur.

Masuuliyiinta kor ku xusan, ayaa mid walba geestiisa, waxa uu ku goodiyey inuu Xisbigiisa gacanta ugu hayo taageerada Beesha, tusaale Wasiiirkii hore ee Madaxtooyadda ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali X. Xasan, ayaa faggaaraha shirka kaga goodiyey inaanu ku cusbayn deegaanka Beeshu degto, balse dhawr jeer oo hore uu yimi isaggo waxqabad wadda, haddana aanu werwer ka qabin inuu Xisbigiisa uga heli doono, waxana hadalladiisi kamid ahaa

“…Inakastoo mar walaba siyaasiyiintu jecel yihiin in laga hadlo siyaasad, hadana waxaa nagala wayn danta qaranka, qaranimada ayaa nalaga wayn waxaan leeyahay wixii saca u dana ayaa wayshana u dan ah wixii qaranka u dana ayaa Xisbiga iyo siyaasigaba u dan ah,  waxaan aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa inay siyaasadda iska xakameeyeen oo dhaheen Nin waloba koonahaaga ka darso oo nin waloba waa kuu fasax Saaxiibkay Xasana waxaan leeyahay waxaan mar labaad sidii uu sheegay leeyhay kolay anigu halkan waan iman jiroo anigoo Waddo sidana waan iman jiray anigoo Biyo sida waan iman jiray anigoo wax kale sidana waan iman jiray laakiin wali maan iman aniga oo cod doonaya isha allaahu tacalaa kalsooni baan ku qabaa oo kal iyo lab ah ayaan ku qaba inaan wadaantayda ka buuxsanayo hadii Allaha Awooda lihi ogolaado wer-werna kama qabo kalsooni waynbaanan ku qabaa marka markeeda la gaadho isha allaahu tacaalaa…”. Sidaa ayuu yidhi Hogaamiyaha WADDANI.

Sidoo kale, Xirsi Cali Xaaji Xaaji Xasan waxa uu xusay in aanay sas ka qaadin shirarka beelaha maadama qaranka Somaliland kasoo unkamay beelo isutagay, isagoo arrinkaa ka hadlaya, waxa uu yidhi; “…Waxaan uga gudbayaa shirka quruxda badan ee aadka iyo aadka loo agaasimay inay reerku aayahooda ka tashadaan oo beeshani aayahooda ka tashato, waxaa laga yaabaa dadku had iyo jeer inuu siyaabo kala duwan u cabiro beelaha iyo shirarka laakiin’se beeluhu markay wax soo saaraan qaranka u dan ah qarankuna wuxuu ka yimi beello isu tagay iyo deegaano isu tagay hadii beel waliba wanaag soo saarto macnuhu waxa weeye wanaag baa ummadda ka dhalanaya markaa inay beeluhu shiraan ceeb maaha laakiin’se inay shir xagtin iyo xinif leh ama wax lagu xumaynayo ama lagu xajiimaynayo ama dhexdooda wax lagu qaribayo ayaa runtii xun, waxaan leeyahay shirarka noocaas ah ee reeruhu kaga tashanayaan aayahooda mar naba is hor taagi mayno mar walbana waanu hanbalyaynaynaa mar walbana waxaanu leenahay in beeluhu ka tashadaan aayahooda xaq-bay u leeyihiin maadaama ay cid waliba leedahay xuquuq oo eegtaan isna waydiiyaan…”.

Geesta kale, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamid ah xubnaha ugu tunka weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee loollanku ka dhexeeyo siyaasiyiinta qaarkood madasha fadhiyeen, ayaa hadalkiisu u muuqday Wasiir Maxamuud Xaashi inuu dhex ka yahay oloollaha Xisbiyada, balse aanu hoggaamiye Xirsi ka ogollayn inuu ku baano waxqabadka Xukuumadda ee fulay xilligii uu Xukuumadda ka tirsanaa, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi ; “…Maanta halkani madal-siyaasadeed maaha duco iyo hambalyo in laga yidhaa ayuubaa mudan, waxaanu leenahay reerkani waa reer weyn oo ballaadhan oo dega ilaa sadex gobol oo dalka ka mid ah, waa bisayl waar nin-walowba darkaaga ka darso, wixii raganimadaadu kuu goysana xisbi walowba waa nasiibkaa, waanu ku bogaadinaynaa, waxa’se aanu laanahy nin waliba wuxuu gashaday ayuu leeyahay, xisaabtuna way iska iman, gollahana maaha. Inaadeerkay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkan hadalado yidhi, oo yidhi wadaan wayn ayaanu ka darsan doonaa gobolka Sanaag codadkiisa, waxaan leeyahay codadka Sanaag oo kaliya iskuma hayno, waxa aynu isku haynaa, Sanaag, Togdheer, Sool, Awdal iyo gobollada dalka oo dhan ayaa xisbiyadu isku hayaan oo ninkii wadaan weyn ka darsanaya iyo ninkii mid jeex ah ka daranayaba fardo laysku hayo maxaa layska faanin ayaan leeyahay…”.

Docda kale, Afhayeenka Xisbiga talada-haya ee KULMIYE Md. Xasan Gaafaadhe, oo isna madasha ka hadlay, ayaa ku dhawaaqay erayo dadka badidoodu u turjunteen Xisbigoodu inuu faro-madhan ka taagan yahay natiijada shirka kasoo baxday, oo haba-yaraatee aanu ugu jirin dhankooda wax lagu tilmaami karo faa’iido-siyaasadeed, oo iyaga u dan ah, waxaana kelmadihii koobnaa ee Md. Gaafaadhe uu Madasha ka yidhi kamid ah; “… Ragga-yagii Siyaasiyiinta ahaa ee Beesha ka tirsanaa, waanu jeclayn in wax noo gaar anu meesha ka helno, muddo badan ayaanu isla gal-galanay Madax-dhameedka oo waanalaga adkaaday, waxanay noqotay shirkaasi inuu noqdo mid dhaqan oo ka xidhan Siyaasiyiinta, waxaan Xisbiyada u sheegayaa waad aragtaan oo Shirkaa Siyaasad-baa laga ilaaliyey, Nin walowbaa wixii aad ka xod-xodan karayso markaa halkaa laga dareero fasax ayuu kuu yahay”.

Dhanka kale, Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi falay, oo marka si loo eego kamid ah masuuliyiintii Madaxweyne Siilaanyo ka mabnuucay inay ka muuqdan faggaarayaasha ollollaha  Xisbiyada intaa ay xilka hayaan, maadaama oo ay hayaan xilalka qaranka dhex u ah, ayaa geestiisa shirka jeediyey hadallo oloolle Siyaasadeed ah, oo u metelaayey Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, isagoo sheeganaya inuu hayo cududda taageerada Beesha, waxana hadalladiisii kamid ahaa. “..Muran ma leh, Codka Beeshu, markay timaado doorashaddu waa la arki doonaa halkay u dareeri doonaan, Cad-ceedana sacab laguma qariyo, Rag badan-baa halkan ka baanay, waxaan leeyahay, oo aan ku celcelinayaa, kalsooni ayaanu ku qabnaa Codka Beesha 95%, shanta soo hadhaynaa Xisbiyada kale ha qaatan..”.

Hadallada kasoo yeedhay badhasaabka gobolka Sanaag, wax aka falceliyey Maayirka Magaaladda Ceerigaabo Ismaacil Xaaji Nuur, oo isaggu kolna hadalladii Madaxweynaha ku xujeeyey badhasaabka, marnaa tusaaleeyey inaan ciddina kaga awood badan dooniin doorashada taageerada Beesha, waxana hadalladii Maayirka Magaaladda Ceerigaabo Ismaacil X. Nuur kamid ahaa; “..Waxaan filayey go’aan-buu soo saaray Shirweynaha Beesha Bicide Yoonis iyo Buraale yoonis, waxay sheegeen inay xakameeyeen Siyaasadda, laakin intuu hadalku furmay waxbaa soo yara karay. Madaxweynaha Somaliland shalay (Doraad) shaqaalaha dawladda, badhasaabyada iyo hantida dawladda intu inay dhex-u yihiin Xisbiyada, waxan’se maqlaayey badhasaabkiii (Sanaag) oo leh boqolkiiba shan iyo sagaashan sheegaya, Waa Kaambeyn (Oloolle), ma qabto ummana eka madasha, waxanse kaga jawabaaya, Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanaya, waxaanay ahayd inteena xilalka haysaa inaynu umadda dhex u ahaano, hadiise la joogi waayo waaba la si arki doonaa..”.

Leave a Reply

*