In support of REECE school ! , Ambasador Ali Adam Awale Safiirkii Hore  ee Somaliland Uk   ufadhiyay  oo  Qiimaha uu Qaranka u Leeyay Reece School, 

In support of REECE school ! , Ambasador Ali Adam Awale Safiirkii Hore  ee Somaliland Uk   ufadhiyay  oo  Qiimaha uu Qaranka u Leeyay Reece School, 

In support of REECE school ! , Ambasador Ali Adam Awale Safiirkii Hore  ee Somaliland Uk   ufadhiyay  oo  Qiimaha uu Qaranka u Leeyay Reece School,

 

Waxa  Qoray Amb Ali Adam Awale

In support of REECE school,

Sir Gerald Reece oo ahaa nin dalkeenna Somaliland muddo dheer ka soo shaqeeyey (madax ka ahaa) waxa uu ka soo jeeday magaalada yar ee waxbarashada ku caanka ah ee la yidhaa St Andrews, oo ku taalla Woqooyiga fog ee Scotland.

St Andrew waa magaalo yar oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 12000 oo qof oo mar walba 9000 arday yihiin, 3000 ee kale badidooduna iyaga u adeegaan.Haddana waxay ka mid tahay meelaha ugu caansan UK sababta oo ah waxay ka samaysantahay Jaamicadda 3aad ee ugu da’weyn ee dunida afka ingiriisi wax lagu barto, waxana jaamicaddaasi la furay sannadkii 1403dii (614 sano jir).

Waxay Jaamicaddani caan ku tahay cilmi baadhista xagga science-ka iyadoo hormood u ah dalka UK samaynta daawooyinka cusub. Waxa kale oo ay caan ku tahay cilmi baadhista qowmiyadaha iyo diimaha iyadoo aadna u soo dhoweysa ardayda ajaanibka ah.

 

sawirku waa Amb. Ali Adan Awale iyo Dean-ka Jaamicadda St Andrews

Bishii January 2015 ayaan booqasho ku tegey Jaamicaddan oo iyadu igu marti qaadday inaan u imaaddo si aan halkaa uga jeediyo cashar ku saabsan Somaliland. Waxan halkaa joogay 2 maalmood oo aan shirar la qaatay ardayda iyo madaxda kulliyadaha kala duwan ee jaamicadda oo dhammaantood yaqaannay Somaliland.

Markii aan waraystay aqoonta ay Somaliland u leeyihiin ee wacani sida ay ku timid waxay ii sheegeen inay magaaladani tahay halkii uu ku dhashay Sir Gerald Reece oo kadib markii uu Somaliland ka soo noqdayna ku soo laabtay macallinna ka noqday Jaamicadda, isla maantana ay yaallaan buugaag uu ka qoray Somaliland oo uu aad ugu boholyoobay Sir Reece. Waxay ii sheegeen inu aad u jeclaa dadka Somaliland iyo hawadeeda oo uu u yaqaannay Jannadii uu nasiibka u helay.

Waxanu aad uga sheekaysannay masuuliinta oo isla qaadannay arrimo door ah oo badidoodu la xidhiidha waxbarashada oo aynu iskaashi dhow ka yeelanno.

Dugsiga REECE ee Hargeysi wuxu kamid ahaa waxyaabihii aan uga warramay inu weli caasimadda ku yaallo una baahan yahay taakulayntooda, arrintaas oo ay iga ballan qaadeen inay tixgelin doonaan.

Waxan rejeynayaa inu dugsigaas oo xidhiidhka Scotland iyo Somaliland aad ugu xusani gacanta qaranka ku jiro si aynu jaamicadda 3aad ee UK ula kaashanno horumarintiisa, isaga oo noqon kara fure labada ummadood isku xidha.

Reece school waa inaynu bedbaadinnaa.

Ammaana Alla
sawirku waa aniga iyo Dean-ka Jaamicadda St Andrews

Leave a Reply

*