War Xasaasi Ah:- Baankii Dhexe Ee Qaranka Somaliland Oo Haawanaya Iyo Meehanowga  Dadka Jeegaga Sita + Madh-naanta Qasnadaha Baanka.

War Xasaasi Ah:- Baankii Dhexe Ee Qaranka Somaliland Oo Haawanaya Iyo Meehanowga Dadka Jeegaga Sita + Madh-naanta Qasnadaha Baanka.

Hargeysa (SLL)- Warar iyo xogo rasmi ah, ayaa sheegaya inuu Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland uu haawanayo,isla markaana aana jirin wax lacag ah oo taal, iyadoo ay qasnadihii kayd-ka Lacagaha ee Baanka ay gebi ahaaba faaruq-yihiin.

 

Illo wareed-yada aanu warkan ka helnay ayaa intaasi ku daray in maal-mihii u danbeeyey ay Baanka dhexe ee Qaranka Somaliland ku noq-noqnayaan dad site Jeegaga, kuwaas oo ay kamid ahaayeen xubno ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland, iyadoo ay shaqalaaha Baanku ku wargelinayeen Dadkaa iyo masuuliyiinyaa lacagta ka doonaya in aanay jirin wax Lacag ah oo taal Baanka, waxaanay ka codsanayeen in ay mar kale kusoo laabtaan, taasi oo ay xusid mudan-tahay in ilaa maanta iyo maalihii aynu soo dhaafnay ay dul-meehanaabayaan Baanka masuuliyiin iyo dad Jeegag sita oo Lacago biilal u badan ka doonaya Baanka.

Ma Jiro war Rasmi ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland oo ku aadan amuurtaasi, marka laga yimaado xogahaasi, balse xaalku sida uu ahaada xiligan kala guurka ayaa waxa haawanaya Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland.

Doc-da kale warar kale oo aanu helayno, ayaa sheegay in lacagtii Somaliland ee Baanka Dhexe ee qaranka Somaliland kayd-ka ku ahayd loo daabuley si loogu ololeeyo Musharax Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, halka Lacagta qaar lagu bedely Doollar oo la dhigay shirka Dhiig-shiil si uu Xisbiga galbadey ee KULMIYE ugu galo kaan-baynka fooda inagu soo doorashada Madaxtooyada Somaliland.

 

Geesta kalene waxa wad-naha farta ku haya shaqaalaha kala duwan ee dawlada ha ku dar-nadaa Ciidanamadu, iyadoo laga cabsi qabo in aanay wax mushahar ah helayn bishan aynu ku jirno dhammaadkeed.
Si kastaba ha-ahaatee Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland, ayaa Haawanay iyadoo aanay jirin wax Lacag ah oo dhex-yaalaa…

Leave a Reply

*