Ha Ilaawina Xukunki Askarta Afrika Iyo Xasuuqi Marshaal Idi Amin Uganda (1971-1979

Ha Ilaawina Xukunki Askarta Afrika Iyo Xasuuqi Marshaal Idi Amin Uganda (1971-1979

arshaal Dada IDI AMIIN waxuu  ka mid ahaa Askartii Afrika kasoo talisay kuwii    ugu xumaa. Wuxuu ku dhashay Kampala 1925, wuxuuna ku biiray Iskuul Islaami ah oo ku yaallay Bombo,  1941.  Afar  sano kadib,  wuu ka  saaqiday Skuulka, waxaanu ku biiray King’s African Rifles (KAR), asago ku shaqeeyay kaaliye Cook ” Assitant Cook”. Sanadkii 1949, waxa cutubkii ciidamada ee uu ku tirsanaa loo beddelayWaqooyiga Kenya ” NFD ” si ay ula dagaallamaan kacdoonkii  Soomaalida ee loo yaqaanay ” Shifta”. Sannadkii 1970-kii, waxaa loo dallacsiiyay Taliyaha Ciidamada qalabka sida. Dada Idi Amin wuxuu  Xukun  Militari  ku qabsaday Uganda,   Janaayo 1971, asagoo inqilaabay  President Milton Obote.

 XASUUQ & CADAADIN “ PERSECUTION & REPRESSION “

Idi Amin  wuxuu cidamada ka safeeyay  taageerayaashii  President Milton  Obote ee  kasoo jeeday qowmiyadaha Acholi iyo Lango. Ilaa Horraantii 1972,  wuxuu dilay  ilaa  5,000 askari oo u dhashay qoomiyadaha  Acholi iyo Lango . Waxa kale oo uu laayay  Hoggaamiye diimeed, Suxufiyiin, Farshaxanno, Saraakiil sarsare, Garsoorayaal, Qareeno, Arday iyo Aqoonyahanno. Tirada saxda ah ee dadka la dilay   lama hayo .   International Commission  of Jurists   waxay ku qiyaaseen ilaa  80,000 qof.  International Amnesty  waxay ku qiyaastay dadka la xasuuqay ilaa 500,000 qof. Dadka ugu caansan ee la dilay waxa ka mid ahaa  Benedikto Kiwanuka, Ra’iisul-Wasaari hore ; Janani Luwum, Anglican Bishop;  Joseph Mubiru, Governor of Central Bank; Frank Kalimuzo, Vice Chancellor Makerere  University ;; Byron Kawadwa, oo ahaa Ciyaaryahan caan ah; laba  Wasiir oo kala ahaa  Erike Wilson  iyo Charles Ofumbi.

ASKARI WAA ASKARI “ SOLDIER IS A SOLDIER”

REER SOMALILAND HA XASUUSTAAN  OO  HAKA DIGTONAADAN XUKUN ASKARI “ RULE OF THE SOLDIER” Drs Hoodo Yusuf, London, UK.yhoodo@yahoo.com

Leave a Reply

*