Nuxurka Khilaaf Culus oo ka Dhex-qarxay Garabka Dhalinyaradda Ee Xisbigga KULMIYE

Nuxurka Khilaaf Culus oo ka Dhex-qarxay Garabka Dhalinyaradda Ee Xisbigga KULMIYE

Hargaysa( SLL.-Yool/Oodweynenews)-Wararka laga helayo Xisbigga KULMIYE, gaar ahaana garabkiisa dhalinyaradda, ayaa sheegaya inuu curtay khilaaf cakiran,kaas oo u dhexeeya xubnaha ku midaysan Garabka dhalinyaradda heer qaran ee Xisbigga Muxaafadka ah ee KULMIYE.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay Warbaahintu heshay,waxay tilmaamayaan in khilaafkani ka bilaamay gacan-kuhaynta iyo hagidda qorshaha faafinta Barnaamijka Xisbigga KULMIYE ku galayo tartanka Doorashadda Madaxtooyadda ee bisha soo socota la filayo inuu dalka ka qabsoomo.

Faafinta Barnaamijkaas,ayaa la sheegay in Xubno ay isku beel yihiin Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga KULMIYE ay si gaar ah u maamusheen,isla-markaasna ay gacanta ku dhigeen Miisaaniyad badan oo loo qorsheeyay in Barnaamijkaas lagu fuliyo,iyadda oo aan laga talo-galin Xubnihii kale ee Garabka dhalinyaradda ee Xisbigga,waxaanay Xubnahaas ay Gudoomiyaha Isku beesha yihiin ay xalay Hargaysa kusoo bandhigeen faafinta Barnaamijka Xisbigga,iyagga oo maanta-na u socdaalay Goboladda Galbeedka Somaliland,gaar ahaana Magaalooyinka Gabiley iyo Borame.

Xubnahan ay Gudoomiyaha Xisbigga isku beesha yihiin,ayaa la sheegayaa inuu madax u yahay Faysal Qumuj oo ka tirsanaa Ururkii JIIDALI ee sida weyn ugu ol-olalayn jiray in Muuse Biixi lagu wareejiyo Guddoonka iyo Musharax-nimadda Xisbigga KULMIYE sannadkii 2014-kii.

Si kastaba ha ahaatee,arrintan,ayaa kusoo beegmaysa,iyadda oo ay dad badani saluug xoogan ka qabaan hab-maamulka Xisbigga KULMIYE ee xiligan oo la galayo Doorasho xasaasi ah,waxaana la sheegayaa in dhammaan awoddii Xisbiggu gacanta u gashay Beesha uu kasoo jeedo Musharaxa Madaxweyne,iyadda oo Madaxda kale ee Xisbigga ku jirtaa aanay wax saamayn ah ku lahayn go’aamadda Xisbiyeed ee soo baxaya.

Waxa kale oo bilihii ugu danbeeyay ay dadku baafinayaan halka uu ku danbeeyay Xog-hayihii guud ee Xisbigga KULMIYE,MD,Xasan Siciid,kaas oo aan ka dhex muuqan dhaqdhaqaaqyadda kala duwan ee Xisbigga,xili guud ahaanba Xarruntii Guud ee Xisbigga loo soo raray Gurrigga Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga KULMIYE,MD.Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

*