Odaygii Miskiinka ah Ee KULMIYE Aasaasay, Ee Kunka Jeer Cunaha la soo Qabtey, Iskanaga Cafis ayaanu kala Nahay..”   Siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xayd

Odaygii Miskiinka ah Ee KULMIYE Aasaasay, Ee Kunka Jeer Cunaha la soo Qabtey, Iskanaga Cafis ayaanu kala Nahay..” Siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xayd

Hargeysa(Yool)-Siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xarbi Diiriye oo kamid ahaa asaasayaashii rugumada u taagay Xisbiga KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahaanba iska casiley xilkii iyo xubinimadii Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE.

Siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xayd oo War-baahinta shalay kula haddlayey magaalada Hargeysa, waxa uu xusay mawqifkiisa oo ah sidan, “..Waxa aan maanta oo ay taariikhdu tahay 7-dii bisha Oktoobar an xusayaa annigoo miyirkay-ga iyo maankayga qaba, kadib markii aan xasuustey, 2002 aasaaskii aan asaasay Xisbiga KULMIYE ee aan noqday ninkii ugu horeeyey ee calan Xisbigu leeyahay taagay, guddi yar oo ku meel gaadh ahaa oo uu kamid aha Cabdi Haybe ayaa iga horeeyey, diiwaan-gelinta sida aan u wadey 70 markii aan marinayey ayaan arkay in aan annigu ka maqanay meeshii ninkay-kii qoraayey..”. Ayuu yidhi Siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xayd.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaasi ku daray “..Waxaan kamid noqdey guddidii fulinta ee ugu horaysay, waxaan kamid noqday golihii dhexe ee xisbiga KULMIYE ee aasaasay, waxaan kamid noqday shirweynihii ugu danbeeyey ergooyinkiisii, intaasoo qodob marka laga reebo, waxay maamulka maanta jiraa KULMIYE igaga reebeen 8 sano oo aan laaminayshn mishiinka taas ku rogaayey, oo aan biladaa annigu samaynaayey biladahaa aad arkaysaan..”. Bilad calanka KULMIYE lagu xardhay, oo ay gacmuhu igu daaleen,oo aan sidee cudur ka qaadey, haybad kale iyo sharaf kale iyo aqoonsi kale iyo xil la ii dhiibo midna kamaan helin,waxaabey noqotey in aan intiiba lumiyo oo la i yidhaahdo xubinimo keliya uun ahow..”. Ayuu yidhi Maxamuud Cabdilaahi Xayd.

Siyaasi Maxamuud Cabdulaahi Xayd, ayaa sheegay inuu gebi-ahaanba iska casiley xubinimadii Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisaba, isagoo xusay in guddida fulinta KULMIYE hore looga saarey “..Xubinimona ahaan maayee Xisbigii aan sidaas ugu soo halgamey ee dhiigey-ga qabay een macaanka ka qaadey iyo qadhaadhka ka qaadey, ee uu Muuse ogyahay calooshayda kala jeexan, maanta oo ay Bishi 7-dii Octoobar tahay 2017 waan ka baxay  golihiisii dhexe doonimaayo erganimadiisii doonimaayo, xubinimadiisii doonimaayo, fulintiisiina hore ayey iiga tuureenba, Xukuumadda Siilaanyo waan iska casiley..”.

Dhanka kalene siyaasigan miisaanka leh ee Maxamuud Cabdulaahi Xayd, ayaa sheegay inuu ku biirey Xisbiga WADDANI waxaanu yidhi..”..Xisbiga WADDANI ee Qaranku iskugu yimi ee aan qabiilka lahayn ee Bari iyo Galbeed-ba loo siman-yahay, ee cadaalada ku dhisan,wixii arrigiisu ku deeqaa oonkiisu ku deeqaa kaas ayaan annigoo maankay-ka iyo miyirkayga qaba toos ugu  biiray, “..Waa Xisbiga WADDANI Eh,”..Saacaddaa laga bilaabo, wixii tafasiil ah ee intaas ka baxsan xaflada aanu Xsbiga iskugu imanayno ayaan ka sheegayaa.

Ugu dambayntii Siyaasi Maxamuud Cabdilhaai Xayd, ayaa fariin u diray Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “..Waxaan leeyahay odaygii miskiinka ahaa ee Xisbigaa KULMIYE aasaasay, ee cunaha la soo qabtey Kunka jeer, ee maantana daalan, ee wax-badan qaranka u qabtay, wax-badan la hoos eryey, isagana waxaan leeyahay cafi iyo musaamaxa saxiib nabad-gelyo Bil ayaa kuu hadhay ee nabad-gelyo

Geesta kalena dhalinyaro tiro badan oo kasoo jeeda degmooyinka Axmed Dhagaxa iyo 31 May oo maanta magaalada Hargeysa war-baahinta kula haddley, ayaa shaaca ka qaadey in ay gebi ahaanba ka baxeen Xisbiga caleentiisii cadaadtey ee KULMIYE, waxaanay sheegeen inay ku biireen Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Leave a Reply

*