Suldaanka Guud Ee Somaliland oo ku Biiray WADDANI Dhaliilo-na u Jeediyey KULMIYE

Suldaanka Guud Ee Somaliland oo ku Biiray WADDANI Dhaliilo-na u Jeediyey KULMIYE

Hargeysa(Yool)-Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirl, ayaa shaaca ka qaadey inuu si rasmi ah ugu biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, isagoo sheegay inuu goob kasta barbar taaganaanayo musharaxa Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sidaasi ku sheegay khudbad uu kajeediyey xaflad uu Xisbiga WADDANI u qabtey taageerayaal ku biiray WADDANI, waxaana kamid ahaa haddaladiisa “..Horta ninku haddii uu Suldaan-yahay, ummada waa u Suldaan, Xisbi wal-bana waa u Suldaan ama xisbigu ha wanaagsanaado ama ha xumadee, waxa nagu waajib ah annaga axsaabta taageeradood in aanu ugu horrayno dadka, Xisbiga WADDANI-na wuu naga mu taystey taageero biixda in aanu siino…”. Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaanka Guud ee salaadiinta Somaliland gobtaasi ka sheegay erayo fool xun oo uu ku yidhi Wasiir Cali Mareexaan “..Wasiiradu in ay shacbiga ku gefaan waa xaraan War-qadii digreetadii uu Madaxweynuhu noo saxeexay, wuxuu na yidhi xaraaka iska mariya Wasiirka hawlaha Guud, taasina sharaf mahaa, annigu ninkaa wasiirka ah ma rabbo in aan halkan kaga haddlo.

Geesta kalena Suldaan Maxamed oo haddalkiisa sii wata ayaa is dul taagay xulashadiisa Xisbiga WADDANI “..Waxaan leeyahay Xisbiga WADDANI illahaay gusha ha siiyo guul kama danbaysa ah, waxaan leeyahay laga bilaamo maanta annaigu waxaan ka tirsanay Xisbiga WADDANI, balana waxaan ku qaadayaa meel kasta oo uu tago Cabdiraxmaan Cirro in aan saful Awalka ka gallo, haddii aad ii tuhunsanay-deen Xisbi annigu axsaabta waan kala hubsanayey, laakiin xisbigaa ugu cadaalada rooni waa Xisbigaa WADDANI ee gacantiina ku jira, dadka waxaan u sheegayaa guushii weydin haysaan war-yaanay idinka siibani WADDANI waa Xisbiga keliya ee qaab dimuqraadi ah ku maamuli karra dalka.

Suldaan Maxamed Suldan Cabdiqaadir oo haddalkiisa sii wata, ayaa si kulul u dhaliiley Xisbiga KULMIYE, isagoo sheegay inuu cadaalad ka fog-yahay, waxaanu xusay inay baabiiyeen dalka iyo dadkiiba “..KULMIYE waxaan leeyahay waar cadaalada waad ka fogateene ummadiina ka daaya dhibta iyo waxaad ku haysaan, annagaa xog-ogaal ah oo ilaa gun iyo baar-ba idin soconay, Xisbiga KULMIYE wuxuu ka dhigan-yahay xuunshadii dhasheeda cuntey,dhashaada in aad koriso mahee kaamaanu eegayn in aad cunto…”.

Ugu Dambayntii Sulaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland, ayaa sheegay inuu geed dheer iyo ku gaabanba uu fuulayo sidii uu KULMIYE u guuldaraysan lahaa doorashada fooda inagu soo haysa Madaxtooyada..”. Maanta laga bilaabona wax alle wixii kartiday-da iyo karaan-kaygu yahay, sidii aan u muquunin lahaa KULMIYE ayaan falowgeed qabanayaa, taa waxaan leeyahay arrinka KULMIYE naga dhaxeeya, waxaan u baxayaa Bariga iyo Galbeedka dalka.

Leave a Reply

*