URURKA MIDNIMO  :  CANBAARAYN GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIR-BEELEEDKI  BURCO  EE BAAL MARSANAA DISTOORKA QARANKA QODOBADIISA 8AAD  & 9AAD.

URURKA MIDNIMO : CANBAARAYN GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIR-BEELEEDKI BURCO EE BAAL MARSANAA DISTOORKA QARANKA QODOBADIISA 8AAD & 9AAD.

URURKA MIDNIMO  :  CANBAARAYN GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIR-BEELEEDKI  BURCO  EE BAAL MARSANAA DISTOORKA QARANKA QODOBADIISA 8AAD  & 9AAD.
 Guddida Fulinta, Golaha Musdanbeedka iyo dhamaan xubnaha Ururka Midnimo  waxay si mug &  miisaan leh  u canbaraynayaan go’aamadii  kasoo baxay shir-beeleedki ka dhacay Burco tkh 8th October,2017.  Waxaanu u aragnaa  xad-gudub iyo meel ka dhac lagu sameeyay   Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobadiisa   8aad & 9aad oo u dhigan sidan :
QODOBKA 8AAD SINNANTA MUWAADINIINTA . Kala sarraynta ,  takoorka iyo xulafaysiga  ku salaysan qabiilka, isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin……
QODOBKA 9AAD  NIDAAMKA SIYMSADEED .
1).Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah dimuqraadiyad ,  hannaanka xisbiyada badan, nabad iyo  talo-wadaag.
2).  Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in la doortowaxna uu doorto.
Hadaba haddii aanu nahay Ururka Midnimo waxaanu ku boorinaynaa Maxkamadda  Distooriga ah , Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland,  iyo Hay’adaha Sharcidiginta  ee  ay khusayso inay si deg-deg ah u qaadaan tallaabooyinka soo socda:
A). In la xaraantimeeyo faafinta iyo   ku-dhaqanka qodobadii  kasoo baxay  shirka lagu minjaxaabinyaao qaranimadda Somaliland.
B). In Xilalka laga  xayuubiyo Wasiiradii &  Xubnahii Dawladda ee ka qayb galay shirkaas    isla markaana  lala  horgeeyo Maxkamad Sharci ah.
 Ugu danabyn, waxaanu Bulsho Waynta Somaliland u cadaynaynaa  in Ururka Midnimo   u taaganyahay:  
1) Ilaalinta  distoorka,  Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
 2)  Horumarinta  kaabayaasha dhaqaalaha , diyaarinta   daraasado  ku salaysan sidii loo samayn lahaa maalgashi wada jir ah sida wax soo-saarka beeraha ; warshadaha yar-yar iwm.
3) Ka qayb qaadashada  dhamaystirka mashruucyada qabyada ah siiba   jidka Erigavo-Burco- Hargeisa.
4). Dhiirigelinta  is-hexgalka  , iskaashiga  iyo isbarashada bulshada rayidka ah  ,siiba dhalinyarada, Aqoonyahanka , Culimaa’diinka, Madax-dhaqameedka  iyo Haweenka.
5)  Samaynta Guddi Cadaadis “ Pressure Group” oo Xukuumadaha Somaliland  culays ku saara inay  si  cadaalad ah   ugu  qaybiyaan Gobollada Bari  & Galbeedka  Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda  iyo adeegyadda bulshada.
WA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDDIDA FULINTA & GOLAHA MUSDANBEEDKA
 AF-HAYEENKA URURKA MIDNIMO.
 AXMED JAMAC “QODAX”, ALBERTA . CANADA.

Leave a Reply

*