Siyaasiinta Beesha Arab oo u  Hongaansamay Baaqii Ugaaskooda  kana Dareeray Xisbiga Kulmiye uu  Guuldarooyinka Ina Awsiciid Baday

Siyaasiinta Beesha Arab oo u Hongaansamay Baaqii Ugaaskooda kana Dareeray Xisbiga Kulmiye uu Guuldarooyinka Ina Awsiciid Baday

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) Saxiibkii ugu dhawaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadda war weyn shaaciyay. Wuxuu bulshada Somaliland ugu baqay haddii uu Madaxweyne Siilaanyo talada ka dagay inay doortaan Cabdiraxmaan Cirro murashaxa Xisbiga WADDANI oo uu ku tilmaamay inuu yahay Madaxweyne bulshada Somaliland midayn kara oo isku wadi kara.. Wuxuu kaloo sheegay inuu ka baxay Xisbigii uu aasaaskiisa laha Xildhibaan ninada uu ka soo baxay ee KULMIYE oo uu kamid aha intii uu Xisbigaasi jirayba, wuxu ku suntanyahay wax u qabashada bulshadii soo dooratay, waa Xildhibaanka kaliya ee hirgaliyay wadooyin ka badan 10-wado oo bulshadii soo doortay adeegsato..

Xildhibaan Nac-nac waxa laga soo doortay Gobolka Mariodijeex.. Waa Guddoomiyihii Ololaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, doorashadii 2010-Kii. Wuxuu miisaan weyn ku leeyahay Gobolka Maroodijeex-jeex, wuxu aha shakhsiga ugu dhaw Madaxweynaha 7-sanno oo uu xilka hayay Iyo 8-sanno oo uu Guddoomiyaha KULMIYE aha Axmed Siilaanyo . Dhawaaqiisu wuxuu astaan iyo cadayn u yahay Guusha Xisbiga WADDANI ka gaadhayo insha allaah doorashada 13 November bil kadib Somaliland ka dhacaysa..

Leave a Reply

*