Jeegaantu waa Gunnimo Siyaasadeed Iyo Gumaysi cusub

Jeegaantu waa Gunnimo Siyaasadeed Iyo Gumaysi cusub

Siyaasada jeegaantu waxay xalaal tahay marka ay laba siyaasi oo kasoo kala jeeda laba beelood oo deegaan ahaan kala fogi ay isku bahaystaan dano siyaasdeed oo ka dhaxayn kara labadooda beelood. Laakiinse jeegaantu waxay xaaraan noqonaysaa marka ay laba madax-dhaqameed oo deegaan ahaan kala fogi ay isku gacan qaadaan xulafaysi-siyaasdeed oo ku lidi ah beelaha kale ee la deegaanka ah.

Tusaale ahaan, jeegaantii USP ee ay wada dhiseen Garaad Cali Garaad Jaamc iyo Xaaji Ibrahim Nuur ee 1958, waxay ahayd xulafaysi siyaasadeed oo xalaal ah “Legitimate”. Waxay iska kaashadeen beelaha Isaaq oo isku bahaystay labadii xisbi ee SNL iyo NUF. Ujeedada hagaagsan ee USP waxay ahayd la-dagaalanka gumaysigii Ingriiska. Markii danbe waxay la bahoobeen SNL oo ay isku hadaf ahaayeen, waxaana loo bixiyay SNL/USP. Waxay si wadajir ah  ugu guulaysteen xoraynta Somaliland.

Jeegaanta cusub ee ka hilaacday Somaliland ee labada madax-dhaqameed isku gacan qaadeen Burco Oktoober 8th waxa lagu tilmaami karaa gunnimo siyaasadeed, waxaanay dhali kartaa gumaysi-cusub haddii ay beelaha kale aqbalaan. Jeegaanta cusubi waxay lidi ku tahay distoorka Somaliland, waxay dhawacaysa hanaankii dimuqraadiyda, wada tashigii ummadda, wada nolaanshahi bulshada, wadajirkii shacabka iyo jiritaankii qaranimadda Somaliland. Waxa soo abaabulay Xisbigga KULMIYE waxaana maal geliyay ganacsato waa-wayn shacbiga Somaliland, waa shacbi xoolo-dhaqata oo dhaqankoodu ku salaysanyahay dimuqraadiyad “Pastoral democracy”. Waa shacab aan weli kala adkaan oo aan is-gumaysan, mana dhici karto in maanta lays muquuniyo. Wuxuu yidhi Saahid Qamaan:

Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi, Masaa in aanu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye, Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma taabsiyo, Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho, Walee Sidii koran xiniiyaha la muday uma maluugnaado. Drs Hoodo Yusuf, London, UK. yhoodo@yahoo.com.

Leave a Reply

*