Wasiiro Iyo Masuuliyiinta ugu Tunka-weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Qaarkood oo la Filayo inay Iska Casilaan Xisbiga KULMIYE

Wasiiro Iyo Masuuliyiinta ugu Tunka-weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Qaarkood oo la Filayo inay Iska Casilaan Xisbiga KULMIYE

Hargeysa( SLL/.-Yool)-Masuuliyiin ka  tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), oo isagu jira Wasiiro, Wasiir-ku-xigeno, Agaasimayaal-guud iyo Gudoomiyaasha Gobolada qaarkood, ayaa la filaya inay xilalka ay hayaan iska casilaan maalmaha fooda inaggu soo haya, isla markaana ka baxaan Xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Warar ku saabsan dhaqdhaqaaqa amuurtan oo Wargeyska Yool helay, ayaa tibaaxay masuuliyiintan la filayo inay baarashuudka-ka-goostan Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay aas-aasaha Kulmiyihii hore Md. Axmed Siilaanyo inay ka siman yihiin aasbaabta keliftay is-casilaadooda, oo ah inay ka biyo-diidsan yihiin Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana iyagoo ka cararaaya waqtiga gabaabsiga ah ee ka hadhay Maalinta Codbixinta doorashada Madaxtooyadda awgeed, ay ku talo-jiraan inta aan qabtu ugu dhicin inay u wareegan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Inkastoo illaha Xogta Wargeysku ka helay ka gab-sadeen inay xusaan masuuliyiinta iscasilaada maagan, balse haddana sida illuhu xuseen xubnaha masuuliyiintaas, ayaa u badan kuwo markooddii horeba aan xidhiidh toos ah iyo mid-dadban toona la lahayn Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, hase-ahaatee xidhiidhkoodu uu ku ekaa Madaxweyne Siilaanyo iyo intii kale ee ood-wadaagta Siyaasadda kula ahaa.

Maha markii ugu horaysay ee la maqlo ama ay dhacdo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland inay shaqada ka tagaan, iyagoon wax eed ah ka sheeganayn Madaxweynihii xilka u dhiibay, balse qawadday murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, hase-yeeshee waxa hal-mar xilalkii ay ka hayeen Xukuumada ka tagay raxan isaggu jiray Wasiiro, Wasiir-ku-xigeeno, agaasimayaal guud, Safiiro iyo masuuliyiin kaloo tiro badan, kuwasoo dhamaantood asbaabaha xilka tagistooda ka dhalatay, kaddib markii kooto loogu xidhay Muuse Biixi Murashaxnimada iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE labada.

Docda kale, cugashada Madaxweyne Siilaanyo ee Murashaxnimada Muuse Biixi, waxa kaloo iyanna ka biyo-diiday qaar kamid Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE uu ku lahaa golayaasha Baarlamaanka iyo kuwa deegaanka ama dawladaha hoose, iyo sidoo kale  shaqsiyaad dhowr ah, oo iyaggu xidhiidh dhow oo saaxibtimo la lahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxana kamid ah, shaqsiyaadka saaxibtimo darteed aragtidiisu madaxweynaha u qaban-jirtay sida Bunka  Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac, oo isagganuna todobaadkan ka goostay Xisbiga KULMIYE, kuna biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, sidoo kale, Warar soo gaadhaya Xafiiska war-qabadka Wargeyska qaarkood, ayaa xusay inuu Xildhibaan Cago-yare oo ka tirsan Mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa uu iska casilay Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, kuna biiray Xisbiga Waddani, balse ma jiro war ku saabsan amuurtaa oo kasoo baxay Xildhibaan Caga-yare.

Leave a Reply

*