Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo soo Carbiyey Budhcad Khalkhalisa Baraha Bulshada Somaliland ee Internet-ka

Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo soo Carbiyey Budhcad Khalkhalisa Baraha Bulshada Somaliland ee Internet-ka

Hargeysa(Yool)-Ganacsadaha reer Jabuuti Maxamed Aw Siciid Geedi, oo ay weheliyeen Injineero ku takhasusay IT-ga, kuwaas oo ujeedka dalka loo keenay uu yahay inay hawlgalo ka fuliyaan barraha Bulshada, iyagoo adeegsanaya Khadadka Internet-ka ee laga isticmaalo Somaliland, ee noocooddu yahay Microwave Internet iyo Caple Internet, ayaa Shalay soo gaadhay Magaaladda Hargeysa.

Xogo ku saabsan socdaalka iyo ujeedka ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi iyo Khuburada IT-ga, oo Wargeyska Yool ka helay Diblumaasiyiin ku sugan mandaqada geeska Africa, oo iyaggu si dhow indhaha ugu haya dhaq-dhaqaaqyada arrimaha Doorashada Somaliland, ayaa tibaaxay inay Injineeradani fulin doonaan mudada ay dalka joogan laba hawlgal ama qorshe, oo sida illuhu xuseen midka hore yahay weerar ku jihaysan dhinaca barraha bulshadu ku xidhiidho ee afka qalaad loo yaqaan (Social media), waxana Wararku intaa ku darreen, qorshaha wejiga hore ee hawlgalkani inuu yahay mid ku jihaysan dhamaan muuqaalkastoo uu leeyahay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, siiba kuwa ah maqal iyo muuqaal-ka ah (Vedio).

Waxa kaloo, illaha Wargeysku xogta ka helay intaa ku darreen, khuburada hawlgalkan loo soo carbiyey inay sammeeyeen ama abuureen Software ama Borog-raam shaqadiisu tahay inuu raadsado Muuqaalada Fiidyowga ah ee u leeyahay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI marka usoo gaadho baraha Bulshada Somaliland ku xidhiido, kadib marka Borograamkaasi uu Fidyowga qabto, haddana waxa uu durbadiiba ka dhigaya muuqaal aan jirin, dabeedna sida xoggaha lagu sheegay waxa daqiiqado gudahood goobtii muuqaalku ka baxay, uu ku bedelaya ama gelinaya muuqaal sawiir ah oo laga diyaariyey Saddexda Murashax ee ku tartamaya Doorashada Madaxtooyaddda Somaliland.

Waxa kaloo, xoggaha hawlgaladan ku saabsan xuseen, khuburada hawshan gacanta ku haysa inay tijaabo ku sammeeyeen intii aanay ka Iman Dalka Jabuuti, sida uu u shaqaynaayo ama u fulinaayo Software-kooddu hawshii ay uga baahnaayeen inuu qabto, waxana ilo-wareedadu intaa raaciyeen inuu muddo saddex habeen ku siman qaatay tijaabada hawgalka Borog-raamka lagu jirabayey iyo sida u shaqeynaayo.

Geesta kale, xoggaha amuurtan ku saabsani, waxa ku fasireen ujeedka labaad ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid ka leeyahay Khubuuradani inay fuliyan hawlgal budhcad Internet-deed ah, inkastoo Ganacsade Maxamed Aw Siciid, sida laga wada War qabo aanu cidnaba ka qarsan taageerada Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, isla markaana uu lug weyn ku lahaa arrimo door ah, oo ay kamid yihiin isku dhicii Saldalada Subeer Awal, murankii Xisbiga UCID, oo u ujeedkiisu ahaa sidii Murashax Jamaal Cali Xuseen looga saari lahaa saxaadda tartanka, maadaama khatar uu ku yahay guusha Murashax Muuse Biixi, balse hadana hadii arrinkan budhcad Internet-ka ah uu dhab noqdo, waxa hubaal ah inaanu Biyo u kabanayn ganacsade Maxamed Aw Siciid hadii wejiga hore ee isku daygiisa u suuro-galo.

Haddaba, Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Xukuumadda, saddexda Xisbi Qaran iyo cidkastoo masuuliyadda arrinkan wax ku leh, waxa la gudboon inay feejignaan dheeraad ah la yimaadan, isla markaana xidhiidho joogto ah ka yeeshan tallaabo kastaa oo  shaki ka galena ka wada-socdaan, gaar ahaan Maalinta Codbixinta Doorashada Madaxtooyada socoto.

Leave a Reply

*