Mayaar Soltelco Oo U Xuubsiibtey Ololaha KULMIYE Iyo Mooshin Xilka Looga Xayuubinayo Oo Miiska Saaran + Xildhibaano Kor U Dhaafaya 18 Mudane Oo Saxeexay.

Mayaar Soltelco Oo U Xuubsiibtey Ololaha KULMIYE Iyo Mooshin Xilka Looga Xayuubinayo Oo Miiska Saaran + Xildhibaano Kor U Dhaafaya 18 Mudane Oo Saxeexay.

Hargeysa (SLL)- Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko, ayaa u xuubsiibtey ololaha Xisbiga KULMIYE, isagoo muddooyinkii ugu denbeeyey safka hore kaga jiray kooxaha u ololeeya Xisbiga gabalkisii dhacaye ee KULMIYE , waxaanu muddooyinkii u danbeeyey bar-bar boodayey Musharax Muuse Biixi.

Maayarka magaalada Hargeysa, ayaa muddo laba bilood ku dhaw aan soo cago dhigan xafiiskiisa Dowalada Hoose ee magaalada Hargeysa, iyadoo mar aanu bookhanay dhawr jeer oo kale duwan uu haawanayey, isla markaana ay dul meehanaabayee dad weyne aad u tiro badan

Dhanka kalene qaar kamid ah mudanayaasha golaha deegaanka ka tirsan ee caasimada Hargeysa ayaa maal-mihii u dambeeyey wadey mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayarka Magaalada Hargeysa, kaasi oo nuxurkiisa lagu sheegay xil gudasho la’aan, waxaana la sheegey in ay saxeexeen 19 xildhibaan.

Docda kalene Xidlhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa oo war-baahinta si gooni-goni ah uga haddley maal-mihi aynu soo dhaafnay, ayaa eedaymo ujeediyey maayarka magaalada Hargeysa, iyagoo ku eedeeyey inuu shaqadii loo doortey uu ka door bidey ololaha KULMIYE.

Xogo kale aanu ka heleyno illo wareedyo u dhuun daloola amuurtan, ayaa xusey in mooshinka ka dhanka ah Maayar Cabdiraxmaan Solteco ee xilka laga qaadey in maal-maha soo socda la horkeenayo golaha deegaank ee caasimada Hargeysa.

Si kastaba ha-ahaatee waxaeynu dhawrnaa waa halka uu saldhigto mooshin-kaasi xilka lagaga xayuubinayo Mayarka magalada Hargeysa oo xubsiibtay ololaha Xisbiga KULMIYE, isla markaana gabey shaqdii loo doortey.

Leave a Reply

*